shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaaliya oo yeelatay Madaxwayne Cusub

(Djabuuti, January 31,  2009 Ceegaag Online)

Daawo Sawirada

Halkan ka Dhegeyso Sidii Doorashadu u dhacday iyo hadalkii Shariifka

Doorasho si xor ah uga dhacday Guriga umada ee Djabuuti oo Baarlamaanka Soomaaliya ugu codeenayay cidii badali lahay Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa hada soo gabo gabowday.

Waxaa si xor ah ugu guulaystay Madaxwayne Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo helay cod caqlabiyad ah isagoo wareegiilabaad oo isku rogay wareegii sedexaad uu u uga guulaystay tiro dhan 293 Cod.  Halka uu Maslax Maxamed Siyaadna ka helay 126 Cod.

Wareegii koowaad ayaa waxaa isga hadhay doorahsada Dr. Cali Khaliif Galaydh kadib markii uu helay uun 31 cod.

Wareegii koowaad ayaa waxaa codeeyay 425 xildhibaan halka wareegii 2-3 ay codeeyeen 421 Xildhibaan

  Musharax Codadka
1 Sheikh Shariif Sheikh Axmed 215 Cod
2 Maslax Maxamed Siyaad Barre 60 Cod
3 Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" 59 Cod
4 Cali Khaliif Galayr 31 Cod
5 Maxamed Cismaan Aaden 25 Cod
6 C/raxmaan Cabdi Xuseen "Guulwade" 10 Cod
7 Axmed Xaashi Maxamuud 9 Cod
8 Cawad Axmed Casharo 5 Cod
9 Muuse Macallin Yuusuf 4 Cod
10 Yuusuf Cumar Azhari 2 Cod
11 Cali Xaashi Dhoorre 2 Cod

Tartanka ayaa waxaa ugu danbayntii isugu soo hadhay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maslax Maxamed Siyaad Bare.

Dhamaadka natiijada Maslax aad ayuu ugu Habalyeey Sheekh Shariif. Ka dibna sheekh shariif ayaa jeediyay qudbad gaaban oo uu ugu mahad calinayo dadkii suuro galiyay madaxwaynenimadiisa.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com