shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaalliyada SSC ee Gobolka Alberta ee Dalka Canada oo Taageertay Musharaxnimada Dr. Cali Khaliif Galaydh.

(Edmonton,  January 23,  2009 Ceegaag Online) 

Saacad kadib markii uu Dr. Cali Khaliif Galaydh ku dhawaaqay in uu u taaganyahay jagada madaxwaynenimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa shir deg deg ah isugu yimi waxgaradka iyo aqoonyahannada SSC ee ku dhaqan magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada. 

                       

Shirkaas ayaa lagu lafaguray sidii loo taageerilahaa shirwaynaha lagu qabanayo dalka Jabuuti laguna wado in lagu dhiso dawlad mugwayn oo loo dhanyahay. Waxaa kale oo shirkaas lagaga wadahadlay sidii gacan loogu siinlahaa Dr. Cali Khaliif Galaydh in uu ku guulaysto xilka madaxwaynenimo ee dalka Soomaaliya taas oo ay jahliyaddu isku raacday in uu yahay muwaadin ku habboon jagaadaas maanta in uu qabto maaddaama uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah. Faallo dheer iyo dood turxaan la’aan ah ka dib waxaa jahliyadda SSC ee gobolka Alberta soo saareen warmurtiyeed ka kooban shan(5) qodob oo kala ah:

                     

1)     Waxaa Jaalliyadda SSC ee gobolka Alberta Canada taageero buuxda siinaysaa musharraxnimada madaxwaynenimo ee Dr. Cali Khaliif Galaydh, ilaahayna uga baryeen in uu la garabqabto hanashada jagadaas oo ay u arkeen in uu yahay  muwaadin ka saarikara marxaladda adag ee uu dalka Soomaaliya hadda ku jiro.

2)     Waxaa Jaalliyadda SSC ee gobolka Alberta Canada taageero buuxda siinaysaa shirwaynaha lagu qabanayo dalka Jabuuti ee loogu dhisayo ummadda Soomaaliyeed dawlad qaran oo loo dhanyahay.

3)     Waxaa Jaalliyadda SSC ee gobolka Alberta Canada ugu baaqaysaa dhammaan ergooyinka ka qayb galaya shirka Jabuuti sida DFK, Ururka Maxaakiimta (garabka Jabuuti & garabka Asamara), ururada bulshada , aqoonyahannada, odaydhaqameeddada , haweenka iyo jahliyadda dibadda in ay muujiyaan dulqaad iyo isusamir si loo samatabixiyo shacbiga Soomaaliyeed marlabaadna dalka loogu soo dabbaalo nabadgalyo iyo xasilooni waarta. 

4)     Waxaa Jaalliyadda SSC ee gobolka Alberta Canada taageero buuxda siinaysaa ka bixitaankii ciidamada Itoobiya kaga baxday dalka  gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.

5)     Ugu danbayn, Jaalliyadda SSC ee gobolka Alberta Canada waxay baaq nabadeed u dirayaan dadka walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaanka Cagaarre ee u dhexeeya magaalooyinka Qorilay iyo Burtinle. Waxaanay ku baaqday jahliyaddu in si deg deg ah oo shuruudla’aan ah loo joojiyo dagaalkaas.

     

Liibaan Fiin

Edmonton, Canada

webmaster@ceegaag.com