shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ma yeelan doontaan laba Baal oo aad ku duushaan, ka dib markaad ogaataan maxay?!!!!

(Caalamka, January, 11  2009 Ceegaag Online) 

 

Mahad iyo Amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, Amaan iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaantood

 

 

Intaas ka dib:

Qoraalkanu wuxuu la xidhiidhaa Caafimaadka, waana wax yeelada uu u leeyahay Bani Aadamka Sharaabka Tamarta ee la yidhaahdo RedBull, kaas oo beryahan dambe ay Dad badani aad u xiisayaan oo aad u jecel yihiin, waxayna yidhaahdaan Dadka lagu ibtilayay cabistiisa Sharaabkan, markaad cabto wuxuu kuu yeelayaa laba Baal oo aad ku duusho, taasna waxaynu ka fahmi doonaa wax yaabaha keenaaya Warbixinahan soo socda, runtii Qoraalkan hore ayaan ugu soo gudbiyay Mareegaha qaar oo ay soo daabaceen laakiin ku soo celintiisa waxaa keenay ahmiyada uu leeyahay iyo iyadoo aan helay Warbixin ka soo baxday Dalka Australia oo lagaga hadlaayo wax yeeladiisa taageeraysana Warbixinihii aan hore halkan ku sheegnay

 

Inshaa Allaah Sheekada aan Qoraalkan ku soo qaadan doonaa, waa Sheeka run ah oo dhacaday aadna u muhiim ah, waxaana ka rajaynayaa dhamaan in mid kasta oo idinka mid ahi uu ku dedaalo fidinteeda oo aynu isku gargaarno taas, waayo waa Arin anfacaysa Muslimiinta in looga digo Sharaabkaa iyo kuwa la mid ka ah, waana Arin laynagu amaray in aan isku gargaaro siduu yidhi tacaalaa:

 

{وَتَعَاوَنُواْ عَلَى الْبرِّ وَالتَّقْوَى} {waxaad isku gargaartaan qaarkiinba qaarka kale Samafalka oo ah Magac kulminaaya wax kasta oo uu Allaah tacaalaa jecel yahay oo uu ka raali yahay ee ah Camalada muuqda iyo kuwa qarsoonba ee ah Xuquuqda Allaah iyo Xuquuqda Bini Aadamkaba, waxaad kaloo isku gargaartaan Taqwada oo ah Magac kulminaayaan ka tegista wax kasta oo uu karhaayo Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam ee ah Camalada muuqda iyo kuwa qarsoonba iyo samaynta wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Khayrka ah ee laysku amray samaynteeda iyo ka tegista wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Sharka ah ee laysku amray ka tegisteeda, Adoonkuna wuxuu ku amran yahay inuu isagu Naftiisu samayo kuna gargaaro samaynteeda Walaalihiisa Mu’miniinta ah}

 

Waxayna tahay Sheekadu in Nin Guri iyo laba Gabdhood leh ay qadertu noqotay in uu u dhoofo isaga iyo Xaaskiisii iyo labadiisii Gabdhoodba Wadanka Thailand si uu isugu soo samayo Baadhitaano Caafimaad, Ninkii wuxuu Dhakhtarkii u sheegay Arin aanu filanayn oo kedisa ku noqotay, waana in uu yahay Madhalays yacni aanu Caruur dhali Karin, bal malay siday noqon karto Xaaladiisu Ninkaa markii loo sheegay Warkan aan wanaagsanayn, wuu wareeray wuxuuna ku dhowaaday Waali

 

Ficilkii ugu horeeyay ee uu samayayna wuxuu noqday in uu tuhmo Xaaskiisii Miskiinada ahayd, isagoo ku tuhmaaya maadaama uu yahay Madhalays meesha ay ka keentay labadan Gabdhood, ku dheeraan mayno faah faahinta halkan wixii dhex maray labada dhinac iyo Xaaladii Nafsiga ahayd ee ay ku noolaayeen Mudadaa, laakiin ugu dambayntii waxaa yimi Baaditaankii DNA ga kaas oo soo geba gebayay Arintii oo ka kor qaaday Xaaskiisii Miskiinada ahayd ee Shariifada ahayd Tuhumkii iyo Dembigii aanay lahayn ee uu dusha ka saaray oo uu cadayay in uu isagu waa Ninkii ee Gabdhahan dhalay

 

Halkan ayaa waxaa ku dhacay Dhakhtaradii Amaankaag aad u adag iyo Arintii oo la garan waayay siday u dhacday, waxayna la yeesheen Reerkii Fadhiyo badan oo waraysi ah, iyaga oo Su’aalo ka waydiiyay Arima badan oo Xasaasi ah oo ku saabsan Noloshooda, waxa ka mid ah faah faahinta jawaabahaa ay bixiyeen Qowsku in Xaaska Jawaabeheeda ay ka mid ahayd in uu Ninkeedu cabo 3 ilaa 4 Qasacadood oo ah Sharaabka Tamarta ee la yidhaahdo RedBull Maalin kasta, waxayna bilaabeen Dhakhtardii in ay Baadhaan Sharaabkaa iyaga oo ka soo qaaday Goobo kala gedisan

 

Taas oo Reerkii loo sheegay Baaditaanka ka dib, in ay Sharaabkan samayso isla Shirkada samaysa Sharaabka Gaasta ah ee la yidhaahdo Pepsi Cola, ayna ku jirto Nisbad ah Viagra, ayna tahay Maadada laysay Xayawaankii Manida ee Biyaha Ninka, taas oo keentay in uu Madhalays noqdo

 

Waxa kale oo jirtay in Dalka Sweden ay Maamulkiisu uga digeen Dadka si Rasmi ah in ay cabaan Sharaabka la yidhaahdo RedBull, waxayna tilmaameen in ay ku jirto qaar Sharaabada Noocan ah Maadada la yidhaahdo Aivdrin ee u eg Maadada Adrenaline taas oo u kalkaalisa Maadada Caffeine si Waxyeelo gaadhsiinaysa Wadnaha

 

 

Waxaa ku jirta Nisbad badan oo Isbiirta ah

 

 

Bal waxaa ku jirta Nisbada badan oo Isbiirta ah, sida lagu cadayay Shaybaadhka Police ka ee Dubai, Warkaas oo lagu qoray labada Jariidadood ee Alitixaad iyo Alkhaliijba, oo ah in Sharaabka RedBull ay ku jirto Nisbad Isbiirto ah oo ah 0.04%grms, waxaana taas lagu ogaaday iyada oo Nin lagu soo qabtay Tuhmada ah in uu Gaadhi kaxayay Isaga oo cabsan ama sakhraansan

 

 

Dabadeedna uu Ninkaasu kaga dooday Maxkamada horteeda in aanu Weligii cabin Khamri iyo wax la mid ah toona, markii aad loo baadhay oo la waraystayna wuxuu sheegay in uu Habeenkaa cabay dhowr Qasacadood oo ah Sharaabka RedBull, iyadoona Cadaalada la meel marinaayo waxay Amartay Maxkamadii Police ka ee Dubai in la baadho Samples kala duwan oo meela kala duwan laga soo qaaday oo ah Sharaabka RedBull

 

Runtiina waxaa Warbixintii lagu cadayay sida aan kor ku soo xusnay, sidaas darteedna waxay ka bari yeeshay Maxkamadii Police ku Ninkii eedaysanaha ahaa oo ka korqaaday dhamaan wixii lagu soo eedeeyay, laakiin Arintani waxay raali gelin wayday oo ka biyadiiday Dowladihii hoose ee Imaaraatka iyaga oo ku andacoonaaya in Nisbada Isbiirtada ah ee ku jirtaa Sharaabka RedBull ay tahay mid la ogol yahay Caalam ahaan!!!!

 

 

RedBull wuxuu kordhinayaa khatarta ah qaadista Stroke ga Maskaxda (Mind stroke)

 

 

Waxay ka digeen Baadhayaal Australian ah Maalintii Sabtida ee 16/8/2008 dii, in cabista Qasacad ama Quraarad ah Sharaabka Tamarta ee RedBull Maalin kasta ay suuragal tahay in ay kordhiso khatarta ah inaad qaado Xanuunada Wadnaha iyo Stroke ga Maskaxda, xataa Dadka Da’doodu yar yar tahay, waxayna ku sheegeen Diraasad ay samayeen in cabista Qasacad mugeedu yahay 250mls oo ah Sharaabkaas kuu yeelaya labada Baal ee aad ku duusho siday qaarkood ku sifayaan, uu kordhiyo isku dhegista iyo adkaanta Dhiiga wuxuuna sii kordhiyaa halista qaadista Stroke ga Maskaxda

 

 

Wuxuuna yidhi Khabiirka ku takhasusay Xanuunanada Wadnaha ee Dhakhtarka Boqortooyada ee Edelaid ee Australia Baadhaha Dr. Scot Wolfbe, in Saacad ka dib markaad cabtid Sharaabka RedBull uu iska taagayo Qalabka Dhiigu shaqada si dabeeci ah, wuxuuna ku daray in Calaamadahan ay suuragal tahay in ay fishaan kuwa qaba Xanuunada Wadnaha iyo Mareenada Dhiiga

 

 

Wuxuuna sheegay, in hadii ay sii korodho isku dhegista iyo adkaanta Dhiigu oo ay hoos u dhacdo saamaynta uu ku leeyahay Mareenada Dhiiga, in ay tanu Arinta ku sii kordhinayso Adayg iyo faham la’aan, isaga oo tilmaamaya in Arinku noqonaayo mid ka sii khatar badan hadii uu Qofku qabo Dhiig Kar ama Xanuunada Wadnaha iyo Mareenada Dhiiga

 

Wuxuuna yidhi waxaan dareemay welwel kaas oo gaadhsiisan in aan iska daayo cabista Sharaabkan RedBull ka biqis khatarta uu ii leeyahay awgeed, waxaana ku jirta Sharaabkan nisbad aad u saraysa oo ah Maadada Caffeine, iyada oo ay ku jirto Qasacada caadiga ah 80mgs oo Maadadaas ah

 

Waxana ka mamnoocay in Dalkooda lagu iibiyo Dowlado sida Norway, Uruguay iyo Denmark sababta oo ah khatartiisa Caafimaad ee suuragalka ah, hase yeeshee taasu kama ay horjoogsan Shirkada samaysa Sharaabkaas in ay ka iibiso ku dhowaad 3.5 milyaarood oo Qasacado iyo Quraaradood 143 Dowladood oo Caalamka ah Sanadkii tegay, Warbixintan waxaan ka soo xigtay Bogga Internetka ee Aljaziira

 

Markaa walaalayaal inaguma cusba Mowduuca Sharaabka Gaasta iyo Tamarta ah oo horaynu wax badan uga hadalnay Dhibta Caafimaad ee uu Jidhkeena u leeyahay iyo tan Diineedba, hase yeeshee kana waxaa uu sii kordhinayaa Cadaymaha aan kala go’ayn ee aynu Maalin walba ka ogaanayno waxa yeelada Dhinac kasta ah ee uu inoo leeyahay Sharaabkanu, markaa waa in aan ka fogaynaa oo aynaan keensan Guryeheena iyo Meheradeheenaba oo aan ka fogaynaa cabistiisa Dadkeena oo uga dignaa dhamaan Muslimiinta Sharaabkan Laciinka ah

 

 

Wabillaahi atowfiiq

 

webmaster@ceegaag.com