shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jamaal Xaaji Cali Cilmi oo Tix gabay  ah ka tiriyay Doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Maamul Goboleedka Puntland.

(Edmonton, January, 10  2009 Ceegaag Online) 

Ma liibaanihii CADDIYO INA-AFQUDHAC mawle naga tuurye

Raggii magaca waawayn lahaa maanta waa shacabe

HARTIGII muddada suuxsanaa mahadallee toosye

Inay marinhabaabeen gartoo madax xumeysteene

  @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 Mabda’ laysu geeyaa wax badan lagu muquunshaye

Macaan Dharaglayaashii kuqade mooshinkii dhacaye

Mahadhaday ku reebeen shacbiga maalik uga reeye

Ma nebcine waxay naga muteen inaannu moosnaaye

Maamulkaan u dhiibnay si kale ugu macaasheene.

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Madaxwaynayaashii tartamay la isu miisaanye

Midqudhaa ka soo hadhay raggii miidhanka ahaaye

Kursigii mageydada ahaa meeshii buu tagaye

Muruq laguma qaadine tabbaa la isku Meersadaye

 @@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 Inkastooy markii hore rideen MAXAMED beeshiisu

Maskabkaa DHULBAHANTAAN lahaa manta wuu qabanne

Mar haddii mataankoodi helay magaci noolaaye

Ma huraanki TANADANA hadii madasha loo dhiibay

Marxabbiyo guddoon baannu nidhi maahirkaa yimi

Ha mulkiyo maslaxad bay u tahay midhaha DAAROODE

 

Jamaal Xaaji Cali

Edmonton, Canada

webmaster@ceegaag.com