shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Diiwaangalinta Doorashooyinka Somaliland oo si habsami ah uga socota Ceegaag, Widhwidh iyo Qorfo-buro iyo magaalooyinka Yayle iyo Horufadhi oo la waydiinayao waxa ay ku diideen diiwaan galinta

(Ceegaag, January, 04  2009 Ceegaag Online) 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceegaag ayaa sheegaya in dadkii diidanaa diiwaan galinta shalayto ay maanta ogolaadeen, diiwaan galintuna ay si habsami ah uga socoto Ceegaag maanta.

Waxaa kale oo lasheegayaa in shalayto dadka lagu diiwaan galiyay Sanaadiiq loogu talo galay dadka degan tuulada Bisiqa oo ka tirsan degmada Xudun, amaba ay degan yihiin beesha Habarjeclo.

Maamulka Somaliland ayaa haba yaraatee aan soo dul dhigin wax awood ciidan ah magaalada Ceegaag dadka reer ceegaagna iyaga iskood isku diiwaan galinaya.

Magaalada Yayle oo shalayto laga diiday Diiwaangalinta ayaa saaka lagu soo celiyay iyada oo dadka la waydiinayo waxa ay ku diideen is diiwaangalinta.

Magaalada Harufadhi ayayna iyana kaba socan ilaa iminka wax diiwaangalin ah iyada oo hada loo soo wado diiwaan galinta loona badinayo in maanta ilaa bari laga bilaabi doono.

Magaalada Widhwidh ayaa  iminka doorashadu si habsami ah uga socotaa kadib markii uu Kayse Cabdi Yuusuf shalayto dagaal ka sameeyay isla shalayna isaga soo cararay Widhwidh.

Magaalada Qorfo-Buro oo u dhaw Bali-hadhac ayaa iyana si habsami ah Diiwaan galintu uga socotaa iyada oo ay dadku nabadgalyada aad u adkeysanayaan.

Magaalooyinka Qorilugud iyo Guumays oo iyaguna ah dhinaca nugaasha ayaa Diiwaangalinta Dooradhooyinku si habsami ah uga socotaa.

Dhinaca kale Beesha Dhulbahante-wayne ayaanan wax Cahdi ah ama gorgortan ah la galinba Maamulkan Somaliland arintan oo u muuqata in dadku isaga hogaansamayaan maamulka kaliya ee hada ka jira Caro Dhulbahante badankiisa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com