shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caydiid Ibraahim Axmed Gole oo ku geeryooday Riyaad wadanka Sucuudi Carabiya

(Riyaad, January 24,  2009 Ceegaag Online) 

Inaalilaahi wainaa iIayhi raajicuun

Waxaa magaalada Riyaad ee wadanka Sucuudi carabiya ku geeryooday alle ha u naxariistee Marxuum Caydiid Ibraahim Axmed Gole, Habeenimadii Jimcaha isla maantana oo Jimce ahna lagu aasay magaalada Riyaad. "Allaahu Akbar" waxaan u rajeenanaa inuu asiibay Janadii Fardoowsa ahay.

Waxaan uga tacsiyadeenanaa Dhamaan reer Axmed Gole iyo Hooyo Muraayad Aadan Faarax Tacsidaa ku timid Saygeedii waxaana leenahay Samir iyo iimaan.

Waxaan kaloo u tacsiyadeenanaa dhamaan Dr. Siciid, Cabdiraxmaan, Eng. Axmed, iyo Bashiir Caydiid Ibraahim Axmed Gole. Geeridaa xaqa ah ee ku timid Aabohood waxaana leenahay Samir iyo iimaan.

Waxaa ilaa hada Tacsi nasoo gaadhsiiyay reer Boston, oo uu ugu horeeyo Wasiir Axmed Garaash, Kaariye, Jamaal Yuusuf Guray, Food, Axmed Itin, Axmed iyo Cabdilaahi Canshuur, Xuseen Fiin, waxayna leeyihiin Samir iyo iimaan ilaahay hakasiiyo qayskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Marxuum Caydiid Ibraahim Axmed Gole.

Angoo ah bahda Ceegaag Online na, ayaa tacsi u dirana qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Marxuum Caydiid Ibraahim Axmed Gole.

webmaster@ceegaag.com