shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aqoonyahanada Soomaaliyeed reer Boston oo oo bilabay inay ka baaraandagaan  sidii ay u wajihilahaayeen Xaalada adag ee la soo daristay Shacabkooda.

(Boston, January, 04  2009 Ceegaag Online) 

Shir ay isgu yimaadeen raga lagu tilmaamo inay gaadheen isku filanaashaha xaga nolasha ee dalkan Mareekanka, ee jaaliyada Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Masjid Jaamaca cusub ee magaalada Boston.

Aqoonyahanadan oo ku kala takhasusay cilmiga waaxyihiisa kala duwan oo ay weheliyaa macalimiinta Iskuulaadka  ayaa isla jeex jeexay sidii looga samato bixinlahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan Massachusets siiba reer Boston dhibaatooyinka ay ka dhaxleen kala daadsanaanta baahday ee haatan kaliftay inay wax wayn u dhinto Sumcada shacabka Soomaaliyeed.

Aqoonyahanadan ayaa ku nuux nuux saday in loo baahan yahay in la sameeyo dalad mideenkarta jaaliyadaha kala duwan ee reer Boston.  Waxaana shirkan lagu qaadaa dhigay fahanka baahiyaha jira, sidii loo wajihi lahaa, iyo meeshii wax laga bilaabilahaa.

Shirkan ayaa waxaa kale oo lagu gorfeeyay in aan marnaba laga maarmin Dumarka Soomaaliyeed la’aantoona aan la dhaqaajin karin hawlaha culculus ee la doonayo in lagu fahansiiyo shacabka Soomaaliyeed ee reer Boston hadaf ka dhexyaalka u ah, ee lama dhaafaanka u ah dhamaantood.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com