shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xerada Qaxootiga ee dhadhaab oo buux dhaaftay

(Dhadhaab, February 05,  2009 Ceegaag Online) 

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa Buux dhaaftay kadib markii ay yimaadeen qaxooti badan oo lagu qiyaasay ilaa 68,000 sanadkii tagay ee 2008 ka, halka ay qaxooti tiradoodu gaadhaso 18,000 ay yimaadeen sanadkii 2007 ka.

Qaxootigan faraha badan ee kasoo qulqulaya Soomaaliya ayaa haatan u muuqda inay yihiin kuwii ugu liitay marka laga reebo qaxootigii kasoo bara kacay gobolada Bay iyo Bakool sanadadii 1992 iyo 1993 ga.

Haayada qaxootiga ee UNHCR ayaa bishii dhawayd kaliya Diiwaangalisay ilaa 7,000 oo qaxooti ah kana soo bara kacay Gobolada Soomalida Koonfureed.

Doorashada la doortay inuu Hormood u noqdo dawlada Federaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa laga rajo qabaa in ay mar uun heshiiyeen Soomaalida reer Koonfureed oo ka koraan in qoriga caaradiisa uun wax lagu xaliyo. Halka qaxootigan Soomaaliyeedna ay haatan ku rajo wayn jihiin inay arkaan nabada oo xasishay.

Sadexda Xera qaxooti ee ugu waawayn geeska  Afrika Dagaxlay, Ifo, Xagardheere  oo dhamaantood ku yaala Dhadhaab ayaa haatan u muuqda kuwo buuxdhaafay lana soo gaadhay wakhtigii ay dadku kulaaban lahaayeen dalkoodii Hooyo waayo nolasha xerooyinka ayaa ka xumaatay nolasha bilaa amaanka ah ee dadkan soo barakicisay markoodii horeba.


Dunida oo lagu kalo baqo Qori Caaradii ayaa haatan looga fadhiyaa Madaxwayne Sheekh Shariif inuu wadamada gobolkana ka kasbado wada shaqayn Soomaalida dhexdeedana loo arko inuu yahay nin QABYAALADA ka madhan dhexdhexaadna ah danta dalkana ka ilaaliyo in la'iibsado.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com