shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xabbado goos-goos ah oo wali ka dhacaya magaalada Muqdisho dagaalkii saaka ka dib.

(Muqdisho, February 25,  2009 Ceegaag Online)  

Abaarihii 1:00-dii duhurnimo ee maanta ayaa waxaa mar kale ka bilowday qeybihii shalay illaa saaka ay dagaaladu  ka  dhacayeen ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho dagaalo goos goos ah oo dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogaga Xisbul Islaam oo ka mid ah xoogaga Islaamiyinta ee ka dagaaalama magaalada ka dib markii muddo saacado ah ay hakadeen.

Meelaha ay labada ciidan isku hor fadhiyaan sida Fagaaraha Tarabuunka, xaafadda Taleex iyo agagaarka carwadii hore ee degmada oo ka wada tirsan Hodan ayaa waxaa laga maqlayaa ilaa marqibnimadii caawa daryanka rasaas goos goos ah iyo madaafiic xoogan oo mararka qaarkood dhaceysa, kuwaasoo ay isu adeegsanayaan dhinacyada maalintii labaad ku dagaalamaya magaalada, waxaana qaar ka mid ah madaaficdaasi ay ku dhaceen xaafada Tiida oo ka tirsan degmada Dayniile halkaasoo ay ku dileen illaa 3 ruux oo rayid ah halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ku jireen caruur dugsi quraan ay wax ka baranayeen u ku soo dhacay madfac.

Dagaalka ka sii soo socda maalintii labaad magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ayaa ku soo beegmay xili ay sii kordhayaan baaqyada ka imanaya qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada oo lagu dalbanayo in si deg deg ah lo joojiyo, waxaana Dagaaladii shalay illaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa kuwii ugu xumaa uguna khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca magaalada ku dhintay in ka badan 35 ruux halka tiro120 ruux ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo hadda  jiifa isbitaalada magaalada Muqdisho oo lagu daweyanyo waxaana dagaaladan cambaareeyey qeybaha kala gedisan ee Bulshada magaalada Muqdisho oo sidoo kale codsaday in si deg deg ah loo joojiyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com