shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheikh Shariif Shar iyo Khayr.

(Atlanta  February 14,  2009 Ceegaag Online) 

Shaki kuma jiro in Sheekh shariif Sh.axmed oo mar ahaa Shaqsiga umadda Soomaaliyeed u hayso kalsoonida ugu badan, taasoo ku beegneyd Waayadiii sh.shariif sheikh Axmed uu ahaa  Madaxii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah , kuwaasi dagaal  khadhaadh oo ay la galeen Huwan dagaal ka macaashayaal ah oo isku bahaysatey Ururka la Dagaalanka Argagixisadda oo  taageero xoogle ka helayey Dowlada maraykanka iyo gacan yaraheeda Geeska Africa ee Ethiopia  aakhirkii guushu ku raacdey Maxaakiimta Islaamka ee uu hogaaminayey Sh.shariif sh.Axmed.
 
Kadib guusha ay maxaakiimta ka soo hoyiyeen Dagaalkaas ayaa waxaa u suurto gashey iney Si buuxda Gacanta ugu dhigaan inta badan Koofurta soomaaliya oo ay ugu horeyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho , waxaana guud ahaan si weyn u taageeray shacabka soomaaliyeed meel uu joogaba min waqooyi ilaa koofur iilaa heer ay gaadhey maamuladda   Puntland iyo Somaliland ay la ciirciireen kacdoon dadweyne oo lagu  haqal taagayo waagacusub ee ka beryey koofurta soomaaliya taas keentey iney ku dhawaaqaan Maamulada somaliland iyo Puntland iney isku xukumayaan Shareecadda ilaahay taas oo aan hore looga baran maamuladaas.

Maxaakiimta islaamka  ee sh.shariif  madaxda u ahaa ayaa waxa ay maamulayeen  K/soomaaliya muddo lix bilood ah mudadaas oo dad badani ugu yeedhaan ama ku magacaabaan lixbillood ee u dhigantey 16ka sano  taas oo macnaheedu yahay lixdaas bilood waxay  ka fiicneyd  16kii sano ee soomaaliya burburka ku jirtey.

Maamulka Maxaakiimta ayaa lixdii bilood waxa uu qabtey waxyaabo badan  oo dhaxal gal kuwaas ay ugu waaweynaayeen  kusoo dabaalid Nabad laysku halayn karo dhamaan inta badan Koofurta Soomaaliya, Furitaankii Garoonka weyn Magalaada Muqdisho kadib markii uu xidhnaa muddo 17 sano ah , sidoo kale waxay fureen  Dekadda magalada muqdisho taas oo iyaduna sidoo kale u xidhneyd muddo 17 sano ,  taas oo u sahashay  shacabka soomaaliyeed iney si toos ah markii horeysey 17 sano uga soo degi karaan Caasimada soomaaliya muqdisho , sidoo kale ay kala soo degikaraan kana dhoofsankaraan  badeecooyinkooda dekadda muqdisho  si toos ah .
 
Hadaba horumarkaas dhinacyada kale duwan leh ee dhacay koofurta soomaaliya waxaa si weyn markiiba uga xumaadey Dowladaha Cadowga soomaaliya ku ah  iyo shakhsiyaad soomaali iyo ajanabi isugu jira oo iyaguna dano gaar ah leh oo aan dooneyn iney soomaaliya gaadho barwaaqo iyo badhaadhe dibna u hanatay qaranimo  waarta , kuwaas markiiba bilaabay iney dacaayado  ka fidiyaan Maxaakimta islaamka iyaga oo sheegay iney maxakiimtu yihiin Urur argagixiso ah ,  ayna xiriir la leeyihiin  ururo argagixiso oo caalami ah sida taalibaan iyo Alqaacida , waxaa kale iyana kaalin firfircoon ka cayaareysey dacaayadaha ka dhanka maxaakiimta islamka  Dowladii taagta darneyd ee uu madaxweyaha ka ahaa C/lahi yuusuf Axmed ee fadhigeeduna ahaa Magalada Baydhabo ,kuwaas oo iyaguna u arkayey in maxakiimta islamku khatar ku yihiin dowlada gacan ku rimiska ah baydhabo fadhidey ,  kooxan iskaashadey ayaa waxa ay ka dhaadhiciyeen Dowlada maraykanka iney  maxakiimta yihiin koox argagixiso ah  oo hadii aan laga hortagin ay bariga africa oo dhan ku fidayaan sidaas awgeed ayeyna dowlada maraykan  amar ku siisey Gacan yaraheeda bariga Africa ee Ehtiopia  iney ciidamadeeda galaan Gudaha soomaaliya isla markaasna dhicib tiraan awoodda maxaakiimta islaamka ee fideysa  iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaya iney caawinayaan dowlada soomaaliya , sidaas ayeyna ciidamada Ethiopia kusoo galeen  gudaha  soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006 , iyaga oo dagaal  culus oo soconayey muddo wiigag ah kula  maxaakiimta islaamka meelo kamid ah koofurta soomaliya ayaa waxa ay kama dabeyntii  jabiyeen xoogaggii maakiimta, sidaas ayeyna  ciidamada Ethiopia  kusoo qabsadeen  dhamaan magaalooyinka waa weyn ee K/soomaaaliya  sida Caasimada Muqdisho , Kismayo , Baydhabo , beledweyne ,marka iyo kuwo kale .

Ciidamada Ethiopia ayaa mudadii labadda  sano ahayd ee ku sugnaayeen Gudaha soomaaliya aya waxa xasuuq aan loo aabo yeelin ka geysteen meelo badan oo soomaaliya ha ugu darnaato Muqdisho , waxayna dileen kumanaan Soomaali ah iyagoo sidoo kale baro kiciyey dad aan ka yareyn rubuc milyan.
 
     
Maxaa shalay lagu diidey Maamulkii Maxaakiimta ee sh.shariif Maanta loo taageerayaaa dowladiisa  ?
 
 
hadaba markii ciidamada Ethiopia qabsadeen Koonfurta soomaaliya ayaa waxaa wadanka  soomaaliya gaar ahaan koofurta soomaaliya ka bilowmey dagaal muqaawayn , oo la doonayey in laysaga kiciyo Dowlada Cadowga ah   ee Ethiopa  ee kusoo duushey dalka soomaaliya, hadaba waqtigaas oo ahaa waqti adag ayaa  ururkii maxaakiimta islaamku waxa uu kala qaybsamey labo qaybood oo kala ah 1) rag uu horboodayey sh.shariif, sh.xassn daahir aways oo iyagu  awalba xukun doon ahaa oo markii wadankii la qabsadey wadanka banaanka uga baxay , iyagoo dadaalkoodu kusoo koobey iney ku raaxaysataan Hotelo waaweyn ku yaala caasimadaha Bariga Africa  sida Asmara Nairobi , Jaabuti , iyagoo camal ka dhigtey in marba shir la qabto idaacadahana laga hadlo ,islamarkaasna l marka Ethiopia xasuuq geysato la cambaareeyo
2) rag arintu ka ahayd  ilaahay hortiis oo ay ugu horkacayeen sh.aadan cayrow , sh.xasan Turki , sh.roobow iyo kukale  iyagu wadanka ayey baaqi ku noqdeen waxayna hogaamiyeen dagaalkii Jahaadka ahaa ee wadanka laga xoreynayey axmaaradda qabsatey  ilaa qaar kamid ah ku nafwaayeen alla ha raxmaddee sida sh.adan cayrow , iyada oo intii hadhayna ay ilaa maanta jahaadkii wadaan iyaga u dagaalamaya in dalka soomaaliay noqdo dal xor ah iskuna xukumo shareecadda ilaahay si madax banaan oo aan faro gelin shisheeye ku jirin.
 
Hadaba sh.shariif sh.axmed oo ah ninka caynkaas ah ee kor kusoo xusney isagu la xiriiranayo inuu saxiibadii khayaameeyey jahaadkiina kaga baxay, una  xuubsiibtey wadaad iyo siyaasi qunyar socod ah waa sida  reer galbeedka iyo Ethiopia ugu yeeraan ee uu isna  raallidda ku noqdaye , hadii aan waxyar  jilciyo ereyga qunyar socod ee sh.shariif dhawaanaha loogu wanqalay macnihii waxaa weeye waxaad ka gaabisey oo qunyar socod ka noqotey diintii eebe waxaadna ku dheereysa siyaasada casriga ee reer galbeedka ee aan diinta islamka waafaqsaneyn ,kadib tartankii loo galay booskii madaxweynimo ee uu baneeyey c/lahi yusuf  ee ka dhacdey bishii january sanadkan 2009 ayuu sh.shariif ku guuleystey madaxweynimada soomaaliya , iyadoo beesha caalamku iyo dowlada deriskuba cadeeyeen iney taageersanyihiin  dowlada  madaxweyne sh.shariif lana garab taaganyihiin taageero hiil iyo hooba leh . Hadaba Su'aasha meesha ka jirta oo baahan in jawaab waafi ah loo helo waxaa weeyaan  maxaa beesha caalamku iyo dowladaha derisku shalay ku diidey Maamulkii maxaakiimta ee sh.sharif maanta ku taageerayaan dowlad aan dalka dibadiisa lagu soo dhoob dhoobay ? ma sh.shariif ayaa ka tanaasuley siyaasadiisii hore ee waagii maxaakiimta ee ahayd in dalka soomaaliya lagu xukumo shareecadda islaamka mise beesha caalamka iyo Maraykan ayaa raali ka noqdey in soomaaliya lagu xukumo shareecada islaamka ?.
markaba laysku soo wada duuduubo ayaa waxa jirta caqabado  fara badan oo horyaala dowlada beesha caalamku taageersantahay ee sh.shariif madaxweynaha ka yahay, waxaana kow ka ah caqabadaha horyaala meesha ay ku shaqeyn doonto  iyada oo aan ognahay iney koofurta soomaaliya badankeedu gacanta ugu jirto urur diimeedka al shabaab oo iyaguna sicad uga horyimid dowlada shariifka. iyaga oo sheegey in Dowladii C/lahi yuusuf iyo Dowlada shariifka  farqiga u dhexeeya  uu yahay kaliya C/lahi yusuf oo meesha ka baxay booskiina sh.sharif ku fadhiistey , wadankii  aysan weli si buuxda uga wada bixin ciidamadii Ethiopia  iyagoo sidoo kale sheegey iney muqdisho joogaan Ciimada Uganda iyo Burundi oo iyaga qudheeda aysan raali ka ahayn ururka al shabaab sidaa awgeedna ay ula dagaalami doonan dowlada shariifka sidii ay tii C/lahi yusuf ula dagaalameen. sikastaba ahaatee shacabka soomaaliyeed ayaa waxay si weyn uga dhursugayaan meesha ka dambeyn doonto dowlada sh.shariif maxa waxay mari doontoo wadadii kuwii ka horeeyey mareen mise waa ka duwaanaan doontaa su'aasha Taariikhda ayaa ka jawaabi doonta.
 
Qalinkii: C/laahi Axmed Barkhadle (C/laahi Bookh)
Atlanta, Georgia ,U.S.A
 barkhadle7@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com