shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka degay Magaalo madaxda Muqdisho.

(Muqdisho, February 17,  2009 Ceegaag Online)  

Warar naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu gaadhay magaalda Muqdisho.

Sheeka ayaa ka qaybqaadanaya fadwo diineed oo ladoonayo in lagu badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee haatan laga cabsi qabo in ay waji diimeed laysaga horkeeno.

Sheekha aayaa ah nin aad loo ga tixgaliyo Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda aqoonta uu u leeyahay Diinta Islaamka Awgeed.

Sheekha ayaa horay u weeraray Go'aamada uu madaxwayne shariif uga xuubsiibtay Sheekh Shariif. Go'aamadaa oo ah kuwa uu sheekh Shariif awooda qaybsiga ula galay Dawlada Soomaaliya oo uu hada Madaxwayne ka yahay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com