shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Quwada NATO oo usoo tafaxaydanasa la dagaalanka Burcadbadeedka Soomaaliya

(KRAKOW, Poland, February 19,  2009 Ceegaag Online)  

Quwada Nato oo shir aan caadi ahayn uga xaajooday maanta oo khamiis ah  Budhcad badeeda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay maraakiibtooda dagaalka usoo dirayaan badaha Soomaaliya, si ay iyagu u maamulaan badaha  Soomaaliya oo haatan  noqday meel ay Budhcad badeedku ku galimo kalimeestaan.

Quwadan oo ah tan ugu tunka roon quwadaha aduunka ayaa Novenbertii aynu soo dhaafnay u soo diray maraakiib tooda dagaalka balse waxba ka tari kari waayay Budhcad badeeda oo ku noqotay quwadaha shishiiye mucjiso aan horay loo arag oo joojisay isusocodka ganacsiga  aduunka.

NATO ayaa garabsan doonta Quwadaha kale ee aduunka sida jina"China,  Raashiya"Russia iyo Hindiya "India. si looga hortago Laashashka ay saaran yihiin wiilasha aan xidhnayn kabaha ee ka kaluumaysta ama ilaalisa badaha Soomaaliya.

Talaabadan ayaa ah mid iska cad oo la doonayo in lagu maamulo Badaha Soomaaliya oo horay looga buuxiyay Qashinka haraaga quwada Nukliyeerka. iyadoo laga cabsi qabo in lala soo baxo oo lagu waxyeeleeyao amaanka Aduunka.

Arinta ugu yaabka badan ayaa ah in ninka u sareeya Qaramada midoobay uu Fasaxay si uu isagu iska leeyahay Soomaaliya in lagu xadgudbo Biyaha Soomaaliya, looguna xadgudbo sidii la doono balse marka hore lays ogaysiiyo uun in lagu xad gudbayo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com