shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Godoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland Max'ed Ismaaciil Max'ed (Kabawayne) oo is casilay!!

(Hargaysa, February 02,  2009 Ceegaag Online) 

Kabawayne

Kabawayne ayaa yidhi mar uu ka hadlayay sababta uu isku casilayo “Horta muddadii doorashada waxa ka hadhsan 56 maalmood oo qudha, waxana jirta in xubnihii Komishanka aanay u muuqan qaar u diyaar ah hawsha culus ee ku soo socota dalka. Aniga iyo laba xubnood mooyaane inta kale oo dhammi waxay wadaan mu’aamarad ay ku minjo-xaabinayaan masiirka qaranka iyo sidii aanay dalka wax doorasho ahi uga qabsoonteen, waxaas oo dhanna waxay u samaynayaan ku xumayn ay aniga iila jeedaan. Markaa waxaan u qoray warqad iscasilaad ah oo toddoba casho gudahood haddaanay wadashaqayn iyo isku xidhnaan buuxda la iman waan iscasilayaa, mana doonayo inay aniga oo qudha ceebtu i raacdo.

Waxaanna igu kelifay iscasilaadda markaan arkay xubnihii Komishanku ay aniga dartay u duminayaan dantii qaranka, ha ugu horreeyo Jaamac maxamed Cumar ( Sweden) oo xumaanta oo dhan iyo khilaafka Komishan u aabbo ah, cid soo shaqo tegaysaa ma jirto iyo cid xilka iska saaraysa hawsha ay qaranka u hayaan, waxaanan ku idhi ciddii aniga I neceb waan idin banaynayaa ee badka iskeena, aniga oo xubin ah ayaanan qaranka u shaqaynayaa oo hawshii aan hayey sii labanlaabayaa.”

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Jaamac Sweden uu isla rabay booska Gudoomiyenimada, taas oo uu maanta gaadhay waxaa lasugayaa bal halka uu isna hawshaa dhigo. Waxaa soo if baxaya in kharashaadkii aybixinayeen reer Yurub ee doorashooyinkana aan lakeenin Somaliland waayo kharashaadkii hore loo siiyay oon xisaab xidhkeedii la diyaarin wali.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com