shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin abeeso koriyoow adigaa u aayi: Maxamed Dheere iyo xubno kale oo lagu xiray Itoobiya
 

(Doolow, Soomaali Galbeed. February 16,  2009 Ceegaag Online)  

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee Ogaadeeniya ayaa sheegaya in ciidamada dalka Ethiopia ay xireen gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo xildhibaan Maxamud Sayid Aadan oo ka tirsan xildhibaanada barlamanka Somalia. iyo korneyl Xasan Dhicis oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Weli si dhab ah looma oga sababaha ka dambeeya xariga labada nin laakiin warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in maalmahanba uu jirey baaqyo loo jeedinayey labada nin oo ka imaanayey dhinaca dowlada Ethiopia kuwaasi oo ugu baaqay Maxamed Dheere iyo Xildhibaan Maxamud Sayid Aadan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya taasi oo iyaguna ay ka dhego adeygeen sababo xagga amaanka awgeed ah.

Maxamed Dheere iyo Xildhibaan Maxamud Sayid Aadan waxaa horey ay uga soo carareen degmada Baydhabo ee gobolka Bay markii ay halkasi qabsadeen dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al Shabab. Ma cadda sababaha ay dowladda Ethiopia mas'uuliyiintaan dib ugu soo celisay, waxaana ay hadda ku xirxiran yihiin magaalo la yiraahdo Nageyle oo ku taala dhulka islaamulka Soomaalida.

Arintan soonoqnoqonasa ayaa ina xasuusinasa odhaahdii NIN ABEESO KORIYOOW ADIGAA U AAYI. AXDI MALAHA XABASHIDU LAGU AAMINAAYE.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com