shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Looma dhama ee ma soconaysaa?!!!!!

(Soomaaliya, February 26,  2009 Ceegaag Online) 

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh kelidii, amaan iyo nabad gelyo ha ahaato korkiisa Nebigeena Maxamed iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii

Intaas ka dib:

1991kii markii burburku ku dhacay wadankeena qaaliga ah, ayaa waxaa loogu qabtay qaar beelaha Soomaalida shir loogu magac daray dibuheshiisiin magaalada Jabuuti, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad gaar ah oo ka soo jeeday beelaha Soomaalida qaar, waxaa marti geliyay oo dhexdhexaadinaayay Aabihii inta dabadhilifka ah ee gumaysiga daba cararta oo dhan, waa odaygii koofiyada dheeraa ee Allaah uma naxariistaanka ahaa ee markaa Madaxwaynaha ka ahaa Jabuuti Xassan Guuleed Abtidoon, Allaah buu ka helayaa waxa uu mudan yahay ee, waa kii sanadaha badan ku hoos hayay Jabuuti gumaysiga, waa kii shirqoolay halyayada gobanima u dirirka ahaa sida halyay Maxamuud Xarbi iyo qayrkiisba, waana kii gacanta wayn ka gaystay in uu wadankeenu burburo.

Shirkaa shirqoolka ahaa waxaa loo diiday in ay ka soo qayb galaan beela badan oo Soomaali ah, iyadoo qaarba sababa loo yeelay layskaga hortaagaayo in ay meesha yimaadaan, qaar la yidhaahdo waa hadhaagii Maxamed Siyaad Bare iyo qaar la yidhaahdo waa beela aan hubaysnayn!!! Iwm, ugu dambayna shirqoolkaa waxaa lagu soo dhoodhoobay waxay ugu magac dareen dowlad oo madaxwaynena loogu doortay Cali Mahdi Maxamed. Isla markiiba Soomaalidii aan laga tashan arintani waxay kala horyimaadeen diidmo ah in aan dowlada halkaas lagu soo dhoodhoobay iyo shirka halkaa ka dhacayba aan loo dhamayn ayna waajib tahay in aan lala shaqayn oo kalsooni la siinin, sidiibayna noqotay oo waa laga horyimid, waxayna taasu cirka ku sii shareertay dagaalkii sokeeye ee awelba ka soconaayay wadanka.

Waxaa sii kordhay kooxihii iska soo horjeeday oo kuwa cusub ayaa samaysmay, kuwa isku mid ahaa baa kala qaybsamay, isbahaysiya cusub baa abuurmay, waxaa sii laba laxaadsaday qaskii, burburkii, dhiigii daadanaayay, boobkii iyo bililiqadii, macaluushii, daraxumadii, barakacii, cuduradii, waana waqtigii ay dhacday in sun lagu aaso wadankeena bad iyo beriba, waqtigaa dadka iyo dalkaba waxaa ku habsatay dhib ina soo marta tii ugu waynayd oo aan hore iyo dibtoona uga dhicin, mudo ka dib waxaa shirar loogu qabtay Soomaalida magaalooyinka Qaahira, Addis ababa, Eldoret iyo Muqdisho, iyada oo ay xoogaa shirarkaa dambe ay ka gedisanaayeen kii ka horeeyay ee Jabuuti lagu qabtay xaga ka qayb galka, hase yeeshii marna ma ay gaadhin sidii ka qayb galku mudnaa oo wax badan lagama bedelin cidii ka qayb gelaysay kii u horeeyay.

 Sidaas darteed ayaa dhamaan waxay ku dhamaadeen guuldaro, oo waxaa lagala horyimid go’aanadii ka soo baxay dhamaan hadalka ah “looma dhama”, sidaas baana lagu horjoogsaday oo ay u socon waayeen go’aamadii ka soo baxay dhamaan. Mudo ka dib ayaa hadana shirwayne loogu qabtay Soomaalida Jabuuti magaalada Carta, shirkaas oo ahaa runtii kii keli ahaa ee la odhan karaayo bulshada Soomaaliyeed qaybeheeda kala duwan oo dhan baa ka soo qayb galay oo way u dhamayd, wallow aanay qaar dagaal oogayaashii iyo labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ka soo qayb gelin, hadana waxaa joogay madasha shirka oo ka soo qayb galay dad badan oo aad u muhiim ah oo ka socday dhulka ay xukumaan,

Wuxuu ahaa shirwayn Soomaaliyeed oo ka madaxbaanaan fara gelinta debeda, marka laga reebo dowlada Jabuuti ee marti gelisay shirkaa, oo iyadu fara gelin toos ah ku haysay hase yeeshee markaa waa loo dul lahaa, mar haday shirka marti gelisay una ogolaatay in ay bulshada intaa tirada le’egi ka soo qayb gasho, shirkaa go’aamo muhiim ah baa ka soo baxay oo ka duwanaa kuwii ka horeeyay, waxana lagu soo dhisay dowlad midnimo qaran, waxaana madaxwayne ka noqday Dr. Cabdulqaasim Salaad Xassan, Soomaalidu guud ahaan aad bay u soo dhowayeen dowladaa, waana markii ugu horaysay ee shacabku uu dhamaan ogolaado dowlad loo dhisay intii burburkii ka dambaysay, waxana markan la maqli waayay oo meesha ka baxday hadalkii ahaa: “looma dhama”

Hase yeeshee dowladaasu way socon wayday caqabada badan awgeed, oo ay ugu horayso beesha calaamka oo is hortaagtay oo u adeegsatay oo ku kicisay dagaal oogayaashii markaa wadanka ka jiray, waayo beesha caalamku ama aan nidhaahno wadamada reer galbeedku ma ahayn dowladii ay Soomaaliya la rabeen, sidoo kale iyo wadamada deriska ah oo aan marna rabin in ay Soomaaliya cagaheeda dib isugu taagto, iyo iyada oo dowladii markaa la soo dhisay ay ka gaabisay in ay dalka iyo dadka u adeegaan, oo dowlada tayadeeda kor u qaadaan, taageerada dadkana kasbadaan oo ay si daacad ah ugu adeegaan, bal waxay iskaga mashquuleen is qabqabsi iyo awood ku dirir meel aan awoodiba ka jirin.

Mudo ka dib ayay hadana beesha caalamka oo wadata wadamada deriska ay shir ugu qabteen Soomaalida Kenya magaalada Mbagathi, kaas oo ay xaga ka soo qayb galka ay xooga saareen dagaal oogayaasha, dowladii Cartana la keenay madasha shirka, halkaas oo cadaadis iyo hanjebaado lagu saaray ka soo qayb galayaashii shirkaas in ay dowlad ay ku midaysan yihiin dhisaan, beesha caalamkuna ay dowladaas taageerto, waqti dheer ka dib waxaa lagu guulaystay oo lagu sandulayay ka soo qayb galayaashii shirka, in ay dhisaan dowlada fedaraalka ah ee maanta taagan, madaxwaynena loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, sidii cadaadada ahayd waxay dad waynihii Soomaalidu kala horyimaadeen hadalkii ahaa: “looma dhama”, waana tii ay dagaalo dhaceen ay iskaga hor yimaadeen dagaal oogayaasha iyo midowgii maxkamadaha islaamku.

 Waana tii ay ka dambaysay in ciidamadii cadawga dalka la soo geliyo, oo dhibaatada baaxada lihi ku habsatay dadwaynihii oo ay noqdeen wax dhiigooda la daadiyo, iyo wax barakacay oo banaanada darxumo la daadsan, markay arimihii sidaas isugu murgeen ayay hadana beeshii caalamka oo wadata Au iyo wadamada deriska ah ay go’aansadeen in dowlada fedaraalka ah la balaadhiyo, hogaankeeda sarena wax laga bedelo, waana tan shirka lagu qabtay Jabuuti waxayna go’aansadeen beesha caalamku markan in ay arintan xoog ku mariyaan, waxayna isticmaaleen cadaalad daro aad u fool xun si ay ujeedadooda u gaadhaan, oo aan hore uga dhicin intii shir la soo maray iyo Aduunyadaba, isla markiiba dad waynaha Soomaaliyeed waxaa ka soo yeedhay hadalkii ahaa: “looma dhama”.

 Laakiin markan waxay goosteen beesha caalamka iyo Au iyo wadamada deriska iyo Soomaalida intii ay dantu sidaas ugu jirtayba in aan loo joojin bal dagaal lagala horyimaado hadalkan ah : “looma dhama”,korkana laga saaro dembiga iyo in uu ka masuul yahay hadalkaasu wixii musiibo iyo burbur ka dhacay wadanka!!! Kana ay shaqayn waayeen dhamaan dedaaladii laysku deyay in dalka lagu badbaadiyo!!! Waxa markan la goostay in arintan xoog lagu mariyo iyadoo dhamaan Baarlamaankii hore wax walba lagaga ansixiyay cadaadis iyo cagajuglayn, waana ta halkaa hada lagu soo dhisay dowlad uu madaxwayne u yahay Shiikh Shariif Axmed, hase yeeshee weli Soomaalidii waxay la soo taagan yihiin in ay dowladanu ku timid cadaalad daro, oo ay tahay gacan ku rimis, dhismeheedana aan loo dhamayn.

Shirkii ugu dambayay ee ay culimada Soomaalidu ku yeesheen magaalada Muqdisho ayna go’aamada dhowrka ah ka soo saareen, waxa la leeyahay looma dhamayn, oo dhowr wadaad oo isku fikir ah baa isugu yimid, oo iska soo saaray go’aamo aanay cidna kala tashan, ha ahaadeen dhinacyada iska soo horjeeda ama qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxadnaba moodaa in ay wadaadadanu isu qaateen amaba ay yihiin suldadii wadanka ugu saraysay!!! Miyaanay ahayn mar hadii dowlad la soo dhisay, oo ay jirto, oo ay beesha caalamku wadato oo soo dhisatay, bal in ay ka xog waraystaan waxyaabaha loo soo igmaday iyo waxay fulin karayaan iyo wixii kale, oo la tashadaan iyaga iyo dhinacyada ka soo horjeedba, inta aanay iska soo saarin go’aamo aanay ka dhalanayn wax aan fidno iyo colaad ahayni.

Si gaar ah waxay dowlada la soo dhisay ugaga xog ogaalsan tahay wadaadadaa arimo badan oo inagu xeeran xaga beesha caalamka iyo gudahaba, mase laga yaabaa in ay wadaadadu si khaldan u fasirteen guushii hada la gaadhay ee ciidamada cadawga kaga baxeen wadanka, dowladii Cabdullaahi Yuusufna lagu afgembiyay, sidii ay in badan oo ka horayseba ay khaladka ugu fasirteen?!! Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan dambe dad badni tuhum dusha uga tuureen hadalka ah: “looma dhama” in uu masuul ka yahay dhibta wadankeena ka taagan, dowladna aan laga dhisi karayn hadalkaa, aniga se waxa ay iigu muuqataa in uu hadalkaasu sax yahay, oo ay mar walba ciirsanaayeen inta dulmani, oo ay isku hortaagayeen isku day kasta oo ay dad ama kooxo amaba dowlado debeda ahi samaynayeen, aanayna Soomaalidu mudadaa dheer marna isugu iman tala loo dhan yahay, oo cid walba xuquuqdeeda lagu ilaalinaayo, marka laga reebo shirkii Carta oo isna loo odhan karo xoogaa baa ka dhinaa.

 

Danaha caalamka qaarkiis ka leeyahay Soomaaliya

Wadamada waawayn ee reer galbeedku dana waawayn oo aan mugdi ku jirin bay ka leeyihiin wadankeena, siday wadama badan oo caalamka 3aad ahna ay uga leeyihiin dano waawayn, wadan walba gaar iyo dano ay dhamaan ka leeyihiin, wadamada reer galbeedku waa wadamada dunida ugu xooga waawayn xaga awooda ciidamada, awooda dhaqaalaha iyo awooda aqoontaba, taas oo u suura gelisay in ay ku sandulayn karaan rabitaankooda inta kale aduunka, si ay wadamadaasu u gaadhaan rabitaankooda ay ka leeyihiin wadan kale waxay u adeegsadaan xeelado kala gedisan, inaga waxay inoogu tala galeen in marka hore wadanka la burburiyo iyadoo ay u adeegsadeen warbaahinta, dowladaha deriska ah iyo dadkii wadanka iska lahaa oo dhexdooda colaad iyo kala qaybsanaan laga dhex abuuray.

Burburka ka dibna markii ay darxumo iyo wax la’aan ummadii wada saamaysayna, waxay wadankii gacanta u geliyeen haya’daha lagu magacaab samafalka runtiise ah samadiidayaal, kuwanu waa gumaysi aan toos ahayn oo ay inaku qabsadeen reer galbeedku, si goobta loogu banayona waxa la fogeeyay oo meesha laga saaray haya’dihii samafalka ahaa ee muslimiinta, iyadoo shirqool loo samayay oo lagu eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin waxay ugu yeedhaan argagixisada caalamiga ah iwm, si ay iyagu ugu keliyaystaan wadanka shirqoolkooduna u hirgalo, oo ay ugu guulaystaan, waxaa kaabayaal u ah oo u fududeeya hawlahooda, wadamo ay reer galbeedku taas u xilsaarteen iyana oo wadamada deriska ah, oo ay ku jirto Jabuuti, kuwaas oo u adeegaaya danaha reer galbeeda iyo weliba dana gaar ah oo midkood waliba ka leeyahay wadankan oo aynu wada ognahay.

Tusaalayaalka aan arintan u soo qaadan karnaa way badan yihiin, waxaan se kaga kaaftoomayaa hal tusaale oo keli ah oo ah: shirqoolkii Jabuuti hada markii la rabay in la balaadhiyo baarlamaanka, waa tii ay qayladu is qabsatay gudaha baarlamaanka iyo guud ahaan Soomaali oo dhanba, in aanay arintanu suura gal ahayn, sidee baa wadankan burbursani u qaadi karaa baarlamaanka intaa tirada le’eg?!! Aadam Madoobe oo arintaa ka dhaadhicinaayay baarlamaanka jawaabtii uu beesha caalamka ka kulmay, wuxuu yidhi: waxay igu yidhaahdeen Soomaaliyay ma idinkaa baarlamaanka hada wax siiya?!!! Kii hore anaga ayaa siinaynay marka la balaadhiyona anagaa ayaa siinayna, idina hadaydaan ogolaan oo ansixin balaadhinta baarlamaanka faraha ayaa laydinka qaadayaa oo wax laydin siinayaa ma jirto.

Nin waliba markii uu hadalkaa maqlay ayuu qalinka ku duugay oo ka tanaasulay dhamaan wixii uu ku doodaayay iyo fikirkiisiiba!!! Waa gumaysi aan toos ahayn oo aanad rabitaankaaga u madaxbanaanayn haba yaraatee. Wax laysku gumaysanaayna waa xoogaga kuwaas la siinaayo iyo xoogaa galay iyo saliid caday ah oo marmar dadka tabaalaysan lagu marmariyo, intaas baan xoriyadeenii iyo qaranimadeenii siisanay. Danaha reer galbeedku inaga leeyihiin ee keenay in wadanka sidaas loo burburiyo ummadana waxaas oo darxuma ah la bado, oo waxaas oo dhiig ah la daadiyo, oo intaas oo ummad ah la barakiciyo, waa arimo fara badan oo aan ahayn wax qarsoon, arimaha qaarkood waxaynu la wadaagnaa oo ay isku si inooga leeyihiin wadama badan oo aduunka 3aad ah, gaar ahaana kuwa islaamka ah.

 Arimaha qaarkoodna waa inagu gaar, sida inaga oo ah dad muslim ah oo diintooda ku adag, aynuna ku dhacno bariga Africa oo ay ku yaalaan dowlado Masiixi ah oo aad ugu muhiim ah wadamada reer galbeedka sida Ethiopia iyo Kenya iwm, kuwaas oo ay yidhaahdeen Soomaaliya waa albaabka uu islaamku kaga soo fidaayo, markaa si taas looga hortago waa in layna burburiyaa dowlad ahaan, dhaqaala ahaan, iyo aqoon ahaanba, markay intaasu hirgashona laynaga soo galaa xaga dhaqaalaha ugu horayn inakoo tabaalaysan oo quudin u baahan, dabadeedna xaga aqoonta oo laguu soo guuriyo dhaqankooda iyo fikirkooda iyo miladoodaba, dabadeedna ay inaga helaan dad iyaga la mid ah oo u daacad ah, in intaa ka horaysaa hadba laguu dhiso dowlad daciif ah oo mudo yar ka diba iska burburta qorshaha ayay ugu jirtaa.

Run ahaantii mudadaa dheer ee ku dhow labaatanka sanadood, ee aynu ku sugnayn burburka waa ay jiraan midho laga gaadhay oo aan sidaas u badnayn ujeedooyinkii shirqoolkan aynu ku suganahay laga lahaa, laakiin intii badnayd ujeedooyinkoodii waa faanoole fari kama qodna, hore ayaan waxaan ugu tilmaamay in xaalka Soomaaliya uga dhigan yahay wadamada reer galbeedka iyo kuwa deriska ahba, sidii dheri dabka saaran oo la sugaayo intuu bislaanaayo, hase yeeshee ilaa hada dherigaasu waa bislaan la’yahay, oo cidna ma raali gelin siduu u bislaanaayo iyo raagsiinyihiisuba, ha ahaadeen dowladaha shisheeyaha, ama kuwa wadanka u dhashay laakiin shirqoolka fulinaayay ee lagu adeegsanaayay ama shacab waynaha oo iyagu ka rajaynaayay wax wanaagsan, waxaan se shaki ku jirin in shirqoolkan lagu guulaysan doono hadaan Soomalidu baraarugin oo xaaladooda wax ka bedelin

Shiikh Shariif iyo dowladiisa ma hor taalaa wax fursad ah oo ay wadanka ku badbaadin karaan oo ay ku soo celin karaan karaamadii, sharaftii iyo qaranimadii luntay?

Laba qolo oo ugu dambaysay oo wadanka soo martay mudooyinkan u dambayay, waxaan qabaa in midkood waliba uu lumiyay fursad aad u qaali ahayd oo hortiilay markaas, oo ay dalka iyo dadkaba ku badbaadin lahaayeen, aynuna kula soo noqon lahayn sharaftii, karaamadii iyo qaranimadeenii luntay, qolada hore waa midowgii maxkamadaha markii Allaah tacaalaa guusha solonsiiyay oo uga hiiliyay dagaal oogayaashii dalka burburiyay ee ummada dhiigooda miiran jiray ee daalimiinta ahaa, ayna gacanta ku dhigeen gobolka Banaadir iyo dhul badan oo kale, waxay ahayd in ay heshiis la galaan dowlada fedaraalka, oo ayna ka qayb geliyaan ummada inteeda kalena, halkaana lagu dhiso dowlad midnima qaran oo dhab ah, ma se yeelin ee waa is mahadiyeen oo qooqeen oo is yidhaadeen ma jirto maanta cid iska kiin celin karta, ee waa

 Inaad Soomaaliya oo dhan qabsataan cagtana marisaan cid kasta oo iskiin hortaagta, oo aad dhamaan ku sandulaysaan rabitaankiina, kibirka sidaas ahna natiijadii ka dhalatay waynu ognahay iyo halka ay maxkamadihii ku dambayeenba, Shiikh Shariifna ragas fursadaas qaaliga ah lumiyay hormood buu ka ahaa, qolada kalena waa dowladii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi markii iyaga oo Baydhabo ay ku hareerayeen midowgii maxkamaduhu, uu cadawgu u soo hiiliyay oo ay cagta mariyeen maxkamadihii, kana qabsadeen dhamaan dhulkii ay ka talinayeen, waxaa iyana hortimi fursad aad u qaali ah, oo ahayd in ay la heshiiyaan maxkamadihii ay jebiyeen iyo cid kasta oo ka soo horjeeday xukumkana ka qayb geliyaan, ayna ka dhex samayaan dibuheshiisiin dhab ah shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

 Laakiin se ma ay yeelin ee waxay bilaabeen in ay wax walba xoog u adeegsadaan oo ay qooq iyo islawayni la xad dhaafaan, taasun waa tan keentay ugu dambayntii in dowladoodii si yar u burburto, hadaba waxaan anigu qabaa in Shiikh Shariif oo ka mid ahaa ragii fursadahaa hore lumiyay in ay maantana hortiisa timid fursad aad u qaali ahi mar labaad haduu ka faa’iidaysto, fursaduna waa mar ama labo intaad nooshahay, fursadanuna waa mid uu isaguna wax ku noqonaayo ummada Soomaaliyeedna ay dhibta iyo kadeedka kaga baxayso inshaa Allaah, sidaan qabo waa in uu garwaaqsadaa Shiikh Shariif in uu ku yimi cadaalad daro horta, weli lama arag lamana maqal nin iska leh 2oo laba boqol oo cod oo doorasha kula gal rag aan iyagu haysan intaa rubuceed oo welibana huba in uu iyaga dhexdoodana codad ka helaayo,

 Marka dowlad la dhisona, aanay jirin wixii uu doono sax iyo khalad cid is hortaagi karaysa, xataa haduu doono in uu wadanka iibsado, waayo dee intaas oo cod oo aqlibiyad ah buu mar walba wataa, oo uu wax kasta ku marsiisanayaa, cadaalad darada intaas le’eg iyo in uu yahay nin ay shisheeye dana gaar ah lihi in ay ku sandulaynayaan ummadatan waa in uu garwaaqsadaa Shariifku, qirshada uu qofku qirto ama garowsado khaladkiisana waa furaha guusha waxa uu ku kici doono, waa in uu garawsadaa taageera kasta oo ay beesha caalamku isla garab taagto in aan dowladiisu ku soconayn mar hadaanay taageero ka haysan ummada Soomaaliyeed oo dhan, oo waxaa uun horyaala weligiisba hadalka ah: “looma dham”, waa in aanu arintan fududaysan ee uu si qota dheer u dersaa.

Shiikh Shariif haduu doonaayo guul in uu gaadho iyo in uu dalka iyo dadka badbaadiyo, waa in uu ka dhigaa dowladiisa dowlad dibuheshiisiineed oo dhab ah, waa inuu wacaa shirwayne Soomaaliyeed oo ka dhaca wadanka guduhiisa gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo ka madaxbanaan fara gelin debeda ah ayna ka soo qayb galaan dhamaan mucaaradka isaga ka soo horjeeda iyo bulshada qaybeheeda kala duwan sida culimada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iwm iyaga oo fursad loo siinaayo in ay marka hore qolo waliba gooni isu arkaan oo soo diyaarsadaan taladii ay madasha shirka la iman lahaayeen, shirkaas oo lagu saxaayo wixii ka soo baxay shirqoolkii Jabuuti, ummaduna aayeheeda kaga tashanayso, oo lagu dhisaayo dowlad iyo baarlamaan ku haboon dalka

Waxa la yidhi nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin, baarlamaanka intaas tiradiisu le’eg tahay  iyo golaha wasiirada ee intaa tirada le’eg maaha mid uu wadankunu qaadi karaayo, oo dhibta ka saari karaaya, waayo dee iyagii baaba mashaariic ah, kuwa leh anagaa kharashkooda bixinaynana waa uun waqti kooban oo ay dana gaar ah ka leeyihiin, horta waxa ah wax aad looga xumaado Soomaaliyi wadankaa burbursan bay waxay doonayaan in ay wada wasiir ka helaan iyo xubin baarlamaan, suura gal ma tahay in sidaa dalka lagu badbaadin karaayo, Ereteria markay wadankooda xoraysteen mudo aad u dheer bay tadawuc ku shaqaynayaa dowladooduna wax yar oo kooban bay ahayd ilaa ay soo gaadheen heerkaa ay maanta joogaan.

 Lebanon oo aan gaadhin burburka heerka aynu ka gaadhnay, markay heshiiyeen dowladii ay dhisteen waxay ka koobnayd shan wasiir oo keli ah, waa wadan aad inooga dhaqaala badan oo ay ku nool yihiin intaas oo kooxood oo diima kala duwan wata, oo ay ugu deeqeen wadamada carabtu bilyano lacag ah, halka inaga ay inaga siiyeen hal milyan oo dollar!!! Sidaas oo ay tahay hadana waxa ka saaray waqtigii adkaa shan wasiir oo keli ah iyo baarlamaan yar oo kooban, inagana inoogoo aan waxbaba haysan tol ina caawiyana aan lahayn baynu hadana caqli xumadeena doonaynaa inaan muraayada iska wada aragno, tusaale ahaan hada xukuumada Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdi Rashiid, dhamaan waxaa ka cabanaaya beelihii Soomaaliyeed inaanay u magcaabin jago waxku ool ah gar bayna u leeyihiin,

 Waayo dee iyaga ayaa arinta isku balaadhiyay, marka waa in ay taas la kulmaan, miyaanay u xil yaraateen dalkuna ka faa’iideen, haday samayn lahaayeen sidaa Lebanon shan wasiir oo aan caadi ahayn ee khubaro dalka marxaladan adag ka saari karta ah, oo ay ku soo xulaan qaabka 4.5 ee aan la dhaafi karayn waqtigan hada ah? Xaqiiq weeye in aanay dhacdeen cabashooyinkan badani, si kastaba ha ahaatee waxan u arkaa in aan manta Soomaaliya qaadi karayn gole wasaaradeed oo ka badan 5 wasiir iyo gole baarlamaan oo ka badan 150 xubnood, hadaan ku soo noqdo Shiikh Shariif, haduu samayo arintaa aan kor ku soo xusnay, wuxuu ka mudan yahay ummada Soomaaliyeed mucaarad iyo muxaafidba in ay is garab taagaan intuu ka suura gelinaayo taas,

 Oo culayska iyo cadaadiska laga dulqaado, oo la ogaado in debeda laftigeeda cadaadisyo kuwaa ka darani ka haystaan, natiijada ka soo baxda shirkaa qarana dhamaan loo wada hogaansamo, Shiikh Shariif haduu taas fuliyo waxaan filayaa in aynu la soo noqonayno sharaftii iyo karaamadii iyo qaranimadii inaga luntay, isna uu taariikhda ka gelaayo baal dahab ah, dowlada la dhisno uu noqon doono kan ugu mudan hogaaminteeda, hadii aanu sidaas yeelin weligiiba taageero debeda ha ka haysto wax uun hortaala “looma dhama” waxa uuna dhowaan ku biirayaa madaxdii ka horaysay oo meeleheer iska fadhfadhiya, dalkuna qaskaas uun buu ku jirayaa inta Allaah tacaalaa cid badbaadisa uga soo diraayo.

Wabillaahi atowfiiq

Essa Mohamoud

Almutawaadic@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com