shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kornayl Qadaafi oo sharaxaad kale ka bixiyay Budhcad badeeda Soomaliya iyadoo laga yaabo in Rag badan ka boqooli doonaan Barafka Qurbaha.

(Addis-Ababa,   February 06,  2009 Ceegaag Online) 

Hogaamiya Wadanka Liibiya Mucamar-Al Qadaafi ayaa ka dhawaajiyay waxa uu ka aamin san yahay weerarka qaawan ee lagu soo qaaday badaha Soomaaliya.

Korneelka ayaa yidhi raga ilaashanaya badahooda ayaad ku tilmaamasaan Budhcad waxaa budhcad ah dadka daldalanaya khayraadka Soomaaliya oo waliba ku aasaya hadhaaga sunta warshadaha ee dalalkooda.

Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Qadaafi ayaa sheegay in laga badbadshay Dhalinyarada Somaalida ah ee Badooda ilaal sanaya isla markaasna ay san ahayn Burcad Badeed, Hogaamiyaha oo Adis-Ababa Saxaafada kula hadlayey kadib Shirkii Midawga Afrika ee Halkaas kusoo gaba gaboobay aya yiri” Dhalinyarada Somaalida  waxey wadaan is difaacid waxayna ka hortagayaan Wadamada Reer Galbeedka Hunguriga weyn ee dhaca u geysanaya badda dadka masaakiinta ah ee Somalida ee ayagu Gar gaarka ubaahan”

Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Ahna Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika Qadaafi ayaa Siweyn udifaacay Hawlaha ay Wadaan Burcad-Badeeda Somaalida ah Asagoona sheegay in sida loo buun buuninayo aysan Arintu ahayn.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howsha ey wadaan Burcaddu ey tahay mid ey isaga difaacayaan reer galbeedka qeyraadkooda dal-dalanaya islamarkaana gaajada ku dilaya caruunta Somaliyeed iyo shacabka Somalida.

Qadaafi ayaa iminka u muuqda inuu sharaxaad kale ka bixiyay Dagaal yahanada Difaaca Badaha Soomaaliya arintan oo la rajeenayo in ay Rag badan isaga tagi doonaan ka xamaalashada Barafka oo ay sadex sadexdaa Malyan ee laga helo qafaalashada maraakiibta u xusul duuban doonaan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com