shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda carabta oo  deeqdii ugu horeesay soo gaadhsiinasa dawlada Soomaaliya

(Qaahira,  February 16,  2009 Ceegaag Online) 

Ururka aan ilkaha lahayn ee ay isugu yimaadaan qowmiyada ku hadasha afka Carabi ee loo yaqaan Jaamacada Carabta ayaa ugu deeqay lacag Halmalyan oo Doolar ah Dawlada Soomaaliya iyada oo ay dawladu si deg deg ah ugu baahan tahay lacag ilaa 500 oo Malyan oo doolarka maraykanka ah.

Xoghayha reer Masar ee Ururkan Caamir Muusa ayaa amar ku siiyay in lacagtaa dawlada gacanta laga galiyo sidaana waxaa cadeeyay Samiir Xusni oo ah u qeybsanaha ururka Jaamacadda Carabta ee arrimaha taakulaynta qaaradda Afrika.

Soomaaliya oo ah xubin kamida ururkan ayaana istaahilin in lasiiyo lacag intaa leeg marka loo eego baahida balaadhan ee ka jirta.

Mr. Samiir Xusni ayaa warkaan sheegay xilli uu ku soo jeeday magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo lagu wado inuu ka furmo kulan looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo gargaar la siiyo dalka Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay in taakulayn lala garab istaago oo la caawiyo" sidaa waxaa yiri Mr. Samiir Xusni ninka ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Afrika.
 

Amarka lacagta taakulaynta lagu siinaayo dalka Soomaaliya waxaa bixiyey xoghaya guud ee ururka Jaamacadda Carabta Mr. Caaamir Muusa oo hadda isagu ka qeyb galaya shirka arrimaha Somalia looga hadlayo ee ka dhacay magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Waa deeqdii lacageed ee ugu horeysay ee loogu deeqo dowladda Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey markii la doortay madaxweynaha cusub Sh. Shariif Sh. Axmed oo dalalka caalamku ay si weyn u soo dhaweeyeen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com