shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xidiga Cusub Ee Number 10-aad U Qaata Xulka Qaranka Somalia Captain-ka c.r.c.tifas Noqday

(Oslo, Norway. February 02,  2009 Ceegaag Online) 

Ismaciil Maxamed Cumar laaciib ay aad u garaneyso bulshada soomaaliyeed, iyo bahda cayaaraha ayaa la wareegay xilkii kabtanimo ee uu ku helay ciyaar wanaag iyo farsamo ay ku laran tahay soo jiidasho aad u weyn ayuu ka qaaday Mazzone Enrico isagoo sidaa ku noqonday kabtanka Kooxda C.R.C tifas,italy Milano iyadoo xili adag ay kooxdu ku jirto ,wuxuuna xilkaan qabtay isagoo matalaya C.R.C.tifas team with young talent.


Waa 28 sano jir, waqtigiisa inta badan la soo qaaday kooxo badan , waxaa u sii dheer inuu yahay one of the youngest players kuwaasoo hogaanka u haya C.R.C.tifas , walow uu u ciyaarayo kooxda sanadkiisii 2-aad in the top flight of italia soccer.Ismaaciil Maxamed Cumar wuxuu ka mid yahay dhallinyarada soomaaliyeed ee iyagoo da’ yar soo galay qaaradda Yurub ee mustaqbalka fiican ku leh ciyaaraha kubbadda cagta.

Ismaciil waa ciyaaryahan xirfadiisu ay aad u fiicantahay kaasoo mar noqon doona the world’s best player waxaa laga yaabaa hal sano ama 2 sano gudahood..Cayaaryahanka Ismaciil Maxamed Cumar , waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Laacib mar walba Kubadda Maamula, isagoo soo jiitay Macalimiinta iyo Guddiga Farsamada ee kooxdiisa .

Madaxa naadiga uu u safto Ismaaciil Mudane Chirico Umberto iyo tababaraha Luciano D`angeli ayaa waxa ay ku tilmaameen ciyaartoy karti iyo dadaal badan.
 


 

Taariikhdiisa Oo Kooban


Magaciisa: Ismaaciil Maxamed Cumar

Meesha uu ku dhashay : Madiino

Degmada : Madiino Xaafada Suuq yaraha

Taariikhda Uu Dhashay: 21/11/1980

Dhererkiisa : M 1.85

Dhismaha jirka : Normal

Indhaha : Madow

Midabka : Madow

Calaamado : Maya

Shaqadiisa : Cayaaryahan C.R.C. tifas

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com