shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jirjiroole Indho-cade oo u soo janjeersamay dhinaca dawlada inta aan la buuxin jagooyinka wasiir ku xigeenada.

(Muqdisho, February 25,  2009 Ceegaag Online)  


Dagaalo bilaamacno ah oo lagu xasuuqayo shacabka reer Muqdisho oo dhiigooda la xalaaleestay ayaa ilaa shalay ka darkamaya xaafada Hodan oo hoog iyo halaag ku jirta ilaa intii laga caydhsaday dadkii ay hodanka ku ahayd.

Indho cade oo ay taladu ka hoos baxday ka dib markii saaxiibadii ka hor yimid oo ay saaxibadii la wareegeen talada dalka ayaa markii ugu horeesay ka dhawaajiyay inuu u soo jan jeersaday dhinaca dawlada Soomaaliya inta aan la buuxin Jagooyinka Wasiir ku xigeenada.

Kooxaha Alshabaab iyo Xisbul fawda oo isku magacaabay diinteena Xaqa ah, iyaga oo lacag uga qaata dadka islaamka neceb, ceebaynta ay ceebeenayaan Diinta islaamka iyaga oo ku andacoonaya inay ku jiraan Jihaad ilaahay dartii ah ayaa hada si toos ah u weeraraya oo u laynaya reer Muqdisho.

Kaaxahan ayaa hada ku fashilmay xukun doon nomadoodii ka dib markii ay maxkamadaha Islaamku la wareegeen taageeradii iyo aqoonsigii caalamka iyagoo awoodii dalkana gacan bira ku qabanaya.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com