shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dardaaran ku socda Xukumadda Cusub
 

(Jabuuti, February 16,  2009 Ceegaag Online)  

Bismillaah.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi wabarakaatuh.

 
Halkan waxaan salaan walaalnimo u marinayaa dhamaan xukuumadda cusub ee lagu doortey wadanka jabuuti waxaan leeyahay iga gudooma salaan walaaltinimo oo jecel horumarkeena.
 
Dardaaran Madaxwaynaha
 
Mudane Madaxwayne Maanta waxaad Qabatey Masuuliyad aad u wayn, masuuliyadaas oo  raggii salafka ahaa ay ka carari jireen qabashadeeda, waxaad qabatey Masuuliyadii ka oohisey Cumar Bini Khadaab Markii uu Maqley aayadda 24aad ee Suuraada Assaafaat, waxaad qabatey amaanadii cirka iyo dhuku uu diidey, waxaa lagaa rabaa Inaad xilkaan ilaahay uga baqdid kuna dadaashid sidaad uga mid noqon lahayd Qofka ugu horeeya ee Hadhsanaya Hadhka ilaahay maalinta uusan hadhjirin hadhka ilaahay maahane.
 
Mudana Madaxwayne  maanta waxaa lagaa rabaa Hooyada Barooranaysa inaad ilinta ka bi'ido, waxaa lagaa rabaa Dadka somaliyeed inaad ugu shaqayso si daacad ah oo aysan ku jirin nin jeclaysi, waxaanu kaa rabnaa inaad xilka noogu dhiibto nin shanta salaadood tukada oo aan dayicin tii ilaahay ku lahaa.
 
Mudane Madaxwayne waxaan ilaahay kaaga rajanayaa in xilkan ilaahay kuu fududeeyo, waxaan ilaahay ka rajanayaa inaad noqoto Aabihii Agoonta Soomaaliyeed, Waxaan ilaahay ka rajaynayaa inaad noqoto Madaxwayne daacad u ah diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisaba.
 
 
Dardaaran Raysal wasaaraha.
 
Mudane raysal wasaare  waxaan kuu dar-daarmayaa Cabsida ilaahay iyo inaad ku xidhnaato xadhiga ilaahay, waxaan kuu dardaarmayaa in aad xilkaaga u gudato si daacad ah Danta Dadka Muslimka ahina ku jirto, waxaan kuu dardaarmayaa inaad dawladaada ku dhisto aqoon iyo amaano, waxaan kaaga digayaa inaad doorato dadka qabyaaladu madaxmartey kuwaas oo danta somaliyeed ku xidhey  reerkayagu kama muuqdo kurisiga, Aabahaa Dadkii Somaliyeed ee waagaas jirey waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin Masuul ah oo diin leh dadkiisa iyo dalkiisana jecel, noqo raysalwasaare ka duwan kuwii wadanka soo marey noqo mid ka run sheega xilka u qabtey, waxaan ilaahay kaaga rajaynayaa inuu xilkaaga kuu fududeeyo kuguna kaalmeeyo xaqqa.
 
Dardaaran Baarlamaanka
 
Walaalayaal waxaan idiindardaarmayaa inaad  dhawrtaan sharcigeena islaamka, inaad daacad ka noqotaan xilka aad haysaan, walaalayaal waad u jeedaan shacabkeenii siduu u dayacan yahay maanta  qaar baddaa liqdey, qaar budhcad badeed bay noqdeen, qaar waa gaaloobeen waxaa la idin ka rabaa inaad sabab u noqotaan shacabkaas siduu hurumar u heli lahaa,  siduu u yeelan lahaa kala danbayn,waxaa la idinka rabaa inaad dajisaan sidii looga gudbi lahaa qabiilaysiga looguna gudbi lahaa cadaaladda.
 
 
Dardaaran ku socda Shacabka.
 
Shacabkayga Somaliyeed waxaan idiindardaarmayaa inaad la shaqaysaan Dawladda Cusub, Madaxwaynihiina adeeca ha ku kalifina inuu dulimi sameeyo, ugu duceeya salaadaha in  ilaahay xilka u fududeeyo, khayrka ku taageera  wixii shar ah  uga nasteexeeya, dawladiina idinkaa leh  ilaashada oo ha iska duminina.
 
Ilaaha iska leh aduunyada iyo waxa korsaaranow
ilaahaa Naftiisa u diidey Dulmigow 
ilaaha uu u sugnaadey Carshigow
Waxaan ku waydiisanaynaaa Nabad, Cadaalad, Horumar
 
ilaahow naga qabo gaalada iyo waxay noomaleegayaan
ilaahow madaxda  Somaliyeed Xaqqa waafaji Xumaantana ka qabo
ilaahow diintayda nafahansii  dadkayagana isjeclaysii
ilaahow noo danbi dhaaf wixii hore ee aan galney
ilaahow noo dhaaf danbiyada kuwa yar yar iyo kuwa waawaynba
ilaahow nagu toosu dariiqa saxda ah ee aad ka raalida tahay
ilaahow midee culimada wadanka iyo dhalinyarada.
 
 
Subxaana rabikka rabil Cizati Cammaa yasifuun wasalaamun calal mursaliin walxamdulillaahi rabilcaalamiin.
 
 

Mustafa Akhyaar

16/02/2009
 
 

webmaster@ceegaag.com