shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Culimada Islaamka ee dunida oo Muqdisho ka bilaabay Dhaxdhaxaadinta Al-shabaab iyo Dawlada

(Muqdisho, February 21,  2009 Ceegaag Online)  

Lix Caalim oo ka tirsan Culimada islaamka ee caalamka aynu ku noolnahay ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Lixdan nin ayaa kasoo kicitimay wadankii laga afganbiyay xukuumadii Cismaaniyiinta ee difaacasay dunida Islaamka lix kamida todabada qarni ee u danbeeyay taariikhda caalamka waa magaalada Istanbuul ee xarunta dalka Turkiga.

Culumadan ayaa waxaa hormood u ah  Shiikh C/raxmaan Nuceymi oo maanta Ceegaag Online iyo saxaafada kalaba u sheegay inay dhaxdhaxaadinayaan Kooxaha xaga diinta isku haya ee reer Soomaaliya waa ururka Alshabaab iyo dawlada uu hogaaminayo haatan Sheekh Shariif iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sheekh C/raxmaan Nuceymi ayaa sheegay inuu soo diray Gudoomiyaha Culumada islaamka Sheekh Yuusuf Al Qardaawi. Oo si qayaxan u shaagay inuu dhexdhaxaadinayo reer Soomaaliya hadii ay isku hayaan masalo diini ah!!!!.

Culimadan ayaa ogolaansho ka haysata dhamaan kooxaha haatan isku haya Koonfurta Soomaaliya, iyagoo ku kala saari doona Kitaabkeena muqadaska ah hadii aysan jirin cid diidan, mana jirto ilaahada cid si qayaxan ama dadbanba u diiday kitaabkeena muqadashka iyo Dastuurkaba inoogu ah.

Su'aasha Haatan hortaala reer Soomaaliya shaatikasta iyo cimaamad midabkaydoonto leh oo ay gashan yihiin ayaa ah ma waxay isku hayaan masalo diini ah mise wax kale ayaa u qarsoon oo XUKUNDOONIMO ah!!!.

www.ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com