shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaramada midawday oo dib u bilawday Mushaharkii Ciidanka Booliska magaalada Muqdisho.

(Muqdisho,   February 11,  2009 Ceegaag Online) 

UNDP da ayaa dib ugu bilowday mushaharkii ay siinayeen ciidamada Booliska ee caasimada Muqdisho bishan Feberwari kowdeeda. ciidamada Booliska ee caasimada oo tiradoodu gaadhaso 2800 oo askari ayaa helidoona mushaharkooda bisha dabayaaqadeeda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Qaybdiid oo ah ragii ka qayb qaatay dagaaladii sokeeye oo hadana hormood u ah ciidamada Booliska ee reer Muqdisho ayaa soo dhaweeyay talaabadan ay qaramada midawday ku talaabsatay .

Ciidanka biiliska ayaa waxaa yagleelay dawladii Cabdulaahi Yuusuf ee dhacday bishii hore. ilaa intii ay ka burburtay dawladii Madaxwayne Siyaad Bare.

Talaabadan ay UNDP ku dhaqaaqday ayaa wax wayn ka qaban doonta amaanka Caasimada Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com