shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa sidee Waxbarashada Degaanka Cowsane ee Gobolka Sanaag (Daawo Sawirada)

(Cawsane, Sanaag. February 28,  2009 Ceegaag Online) 

Magaalada cowsane waxa ay ka mid tahay Magaloyinka Gobolka sanaag waxaana ay ku talaa goob shaaraca oo loo sii maro Magaaloyin badan oo ay ka mid tahay Magaalada Badhan iyo Cerigaabo ,waxaana ay aad uga liidataa dhinaca waxbarashada iyo biyaha iyadoo dadka ku dhaqan Degaankaasi aaney cidna gacan ka helin.

Safar aan ku tagnay Magaalada cowsane ayaan ugu kuur galay Dhinaca waxbarashada degaankaasi,waxaana ka jirata araday aad u tiri badan oo walidiintoodu Magaaladaasi degaan ku yihiin oo aan haysan Meel ay wax ku bartaan mana jirto wax dhisme wax barasho ah oo laga hirgeliyey, in ka badan 100 Arday oo Reer Cowsane ah ayaa waxaa sabuuradu u dhextaal Cariish ka ama hoosa bal ah ,Waalidiinta caruurtaasi dhalay ayaa aad ugu mashquulsan sidii caruurtooda ugu helilahayeen waxbarasho lakiin ma jirto ilaa iminka wax tageero ah oo ka helaya dhanka deeqbixiyaasha waxbarashada.

Ardayda qaar ka mida oo aan su,aalo waydiinay ayaa sheegay inay aad u jecelyihiin waxbarashada lakiin aysanjirin cid ilaa iminka ka hoos qaaday aysanjirin haba yaratee Walidiinta ayaa sheegay iyana inaysan awood u lahayn ay ku samaystaan dhisme iskuul iyagoo lacag aad u yar u ururiya Macalinka wax ka dhiga iskuulkaasi isla markaasina u iibiya ciyaalka buugaga iyo Derayska ardayda.

Waaliinta Degaanka cowsane Caruurtu wax uga barataa waxay dalbadeen in laga tageero dhinaca biyaha iyo waxbarashada ,Iyadoo ay Xusud mudantahay inay jiraan haatan lacago soo gala degaano ka mida gobolka sanaag ka dib markii General ilkajiir uu hirgeliyey 4kantarool oo ku kala yaal Durduduri,Cowsane,Ceelaayo,iyo Laasqoray oo haatan ay ka soo xerodeen Malaayiin lacago ah.

Waxaa iswaydiin mudan markaad aragto Magaalada cowsane iyo ardayda wax ka barata baaxada ay leedahay ,iyadoo aysan Malcamad u gaarana ardayda lugu barin Quraanka aydarada Barta quraanka kariimka ah.


Degaanka cowsane waxa uu ka mid yahay meelaha sida wayn u dhisamaya marka loo barbardhigo ama la qiyaaso sanad walba heera uu marayo,lakiin waxaa dhib wayn ay ka jirtaa dhinacyada waxbarashada iyo horumarka bulshada ku dhaqan Degaankaasi.
4Sano Masaajidka cowsane waxa uu ahaa qabyo waxaana hore u hagraday Hay,addo lacag ku qaatay hadaba su,aasha loo baahayahay oo ka furani waa ku darso wixii aad awoodid Masjidkaasi.

Maxamed Axmed Ciise

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com