shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo Xaflad sagootin ah u sameeyay madaxda dowladda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.
 

(Muqdisho, February 16,  2009 Ceegaag Online)  

Warar naga soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegay in  Sheekh  Maxamed Cabdi Umal uu ggadhay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. .

Waadadada xaga diinta ee Soomaaliya ayaa ee ku shirsan Muqdisho ayaa u baahday nin caalim ah maadaama ay hortaalo xujo adag oo u baahan in looga baaraandago Fadwadeeda. Arintan oo ah sidii laysku qabad siin lahaa ama loo soo afjari lahaa khilaafka kooxaha diinta ee Soomal

 

Sheekh Umal ayaa waxaa uu casumaad ka hellay culimada Soomaaliyeed ee uu shirku uga socdo magaalada Muqdisho, Sheikh  Umal ayaa waxaa uu miisaan weyn ku soo kordhin doonaa shirka maadaama uu yahay Sheikh diinta aad u yaqaan, culimada ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa dadku ka warsugayaan bal meesha ay ku furaan xaalka Soomaaliya iyo wax u ah Maslaxadba

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa laga yaabaa in muxaadaraad dhowr ah uu ka jeediyo masjidka Abuhureyra,culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay u xusul duubayaan in la wada hadalsiiyo xoogagga hubaysan ee muqaawi mada si looga fogaado dhiig danbe oo Soomali dhexdeed ay iska daadiyaan iyo bal wax laga yeelayo Dowlada uu hogaaminay Sh shariif Sheikh Axmed.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com