shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha  Meheri Ismaaciil  ee USA & UK (Carab Saalax) oo soo saaray bayaan ka dhan ah maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya

(London, February 27,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa maalinimadii axada, bishuna aheyd February 23dii 2009-ka lagu soo gabagabeeyay Magaalada London ee caasimada wadanka Britain, shir u socday mudo ku dhaw todabaad, waxgaradka beesha Mehriga, shirkaas oo ay ku baaqeen, soona qabanqaabiyeen Gudoonka Jaaliyada Uk, ayaa waxa ay u saamaxday in ay kasoo qaybgalaan, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Culuma-udiinka, Ganacsatada, Dumarka iyo Dhalinyarada Jaaliyada Mehriga ee UK


Ujeeddada iyo hadafka shirkaas ayaa ahaa mid lagu turxaan bixinayay danaha guud ee Beesha gudo iyo dibadba, isla markaana la isku weydiinayay sidii talaabooyinka ku haboon looga qaadi lahaa xadgudubyada iyo cadaalad darada lagu duudsinayay xuquuqda Beesha Mehri, ee caadada ay ka dhigteen maamuladii ka hanaqaaday Puntland, kan hada jirana si qayaxan u muujiyay tacdiyadan ka dhanka ah Beesha Mehriga, iyadoo la iska indho tirayo in wax walba oo maanta Reer Puntland ku faanaan asalkoodu u laabanayo Beeshan Mehri.


 

Asaaskii Puntland ayaa wuxuu ku yimid fikrad ka timid qabaa?ika reer Puntland oo ay ka mid tahay beesha Mehriga, ka dib markii la arkay xalada dhabta ah ee ka jirta soomaaliya, ayaa waxaa la istusay inta laga helayo Soomaali weyn in la sameeysto maamul goboleed si ay uga tashadaan aayahooda iyo danahood gaar ahaaneed, waxaa halkaas laga dhisay maamulkii ugu horeyay sanadku markuu ahaa 1998, iyadoo lagu doortay barlamaan ka kooban 66 xildhimaano ah, beesha Mehrigu waxay ka heshay tiradaas 3 xildhibaan, oo ka kala imanayay gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug, madaama 3-daas gobolba aasaaskooda iyo deegaanba ku leeyihiin, tahayna beesha ugu qadiimsan ee magaalooyinkaas, isla markaasna leh aasaaska iyo maagaaleynta Qardho, Bayla iyo Eyl.


 

Sidoo kale ayay Beeshu aheyd mid looga danbeeyay hogaanka deegaanadaas, iyadoo sida taariikhduba xusayso, ay curashadii calanka ka hor madaxdii leegada ee deegaanada Bayla, Qardho, Eyl, Garoowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb-ba u ahaayeen rag ku abtirsanayay Beeshan, maantana sida muuqata looba diidan yahay sadexdii kursi ee ay xalka u qaadatay markii horeba, walow ay mudnayd ka badan, xubintii Gaalkacyona uga hartay xildhibaanadoodii.

Hadaba dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasinta, culuma-udiinka iyo haweenka Jaaliyada Uk, iyagoo xiriir iyo wadatashi la sameynayay mudadii ay shirka ku jireen jaaliyadaha Gudaha iyo dibadaba, qaadatay go?aamo dhawr ah, oo ay ku diidan tahay Maamulkan cadaalad darada, cunsiriyada, qabyaalada, eexda iyo musuqmaasuqa ku dhisan ee Puntland, tilmaantana ka dhigtay Beesha Mehri, isagoo kula kacay tacadiyo badan tan iyo maalintii la aasaasay, sidoo kalena hor istaagay iskudayo badan oo beeshu ku codsanaysay bal in wax lagu saxo, tanoo ay ka fursan wayday in beeshu cadeyso aragtideeda ku wajahan maamulkaas, iyadoo qaadatay go?aanada hoos ku xusan meel walba oo ay joogaanba.
 

Markii maamulka Puntland jabiyay qodobadan oo ka mid ah Dastuurka u dagsan

Qodobka 2aad, lambarkiisa sadexaad
Qodabka 4aad
Qodobka 23aad, lambarkiisa, 1,2 iyo sadexaad
Qodobka 43 aad,lambarkiisa, labaad
Qodobka 79 aad, lambarkiisa,koowaad.

Ayay qaadatay Go?aanadan


1. In dhammaan kalsoonidii kala noqdo ka mid ahaanshaha maamul goboleedka Puntland.


2. Laga bilaabo ansixinta go?aanada shirkaan in beeshu isku diyaariso isbedel weyn oo dhan walba leh.


3. In aan la aqbalin wax magacaabid ah oo ka yimaada maamulka isir-raac ah ee ka dhisan Puntland, lagana qayb galin maamulka hada ka jira puntland ila laga helaayo maamul cadaalad iyo sinaan ugu adeegaya dhammaan beelaha reer Puntland oo ahaa kuwii suurta galiyay fikradii asaasida maamul goboleed Puntland, waxa kaliya oo ay aqbali karta beesha Mehriga marka loo soo celiyo kuraastii barlamaanka ay ku la hayd gobolada Bari iyo Nugaal, lagana siiyo xaga ay ku lee yihiin maamulka, lagana raali galiyo xad gudubka, dulmiga iy tixgalin la?aanta lagu sameeyay waxgaradka, siyaasinta iyo isimada beesha Mehriga.


4. In la gaarsiiyo meel kasta oo ay u aragto beeshu in ku haboon tahay in la gaarsiiyo xadgudubka lagu sameenaayo dadka Mehriga.


5. In dhammaan dadka Mehrigu wax weyn ka badelaan siyaasadihii iyo hab dhaqankii goboladda ay ka jiraan xadgudubyada beesha lana taageero siyaasadaha ku dhisan Islaamnimada, dimoqraadiyada iyo sinaanta dadka soomaaliyeed, lana taageero soomaaliweyn iyo midnimo qaran.


6. In la cambaareeyo cid kasta oo raadineysa hanweyni, boob, xoog iyo daneysi mid koox koox ah amase mid beeleed.


7. In Jaaliyadaha dibada meel kasta oo ay joogaan aysan ka qaybqaadan siyaasad walba oo ku taxaluqda maamulka Puntland, banaankana ka istaagaan iyagoo wax taageero ah aan ka geesaneyn, haday ahaan laheyd mid dhaqaale iyo siyaasadeedba, ilaa isbadal yimaado, lana tixgaliyo kaalinta Beesha Mehri

Gudiga Jaaliyada ee Ragga:- UK

Caaqil: Xussen Xassan Faarax
Maxamud Cali Geele
Maxamed Warsame Cilmi
Cabdi Xassan Faarax
Ganacsato: Maxamed Cabdi Xassan Cigaal
koshin Siciid Muuse
C/raxmaan Maxamed Warsame
Xussen Jaamac Xassan
Aqonyahan: Dr: Mahdi Cali Yusuf
Dr:C/Risaaq Khaliif Kaarshe
Dr:Axmed Jaamac Muuse
C/Qaadir Jaamac Faarax
Maxamud Caydurus Guure
Cabdulaahi Yaasiin Cali
C/raxmaan Cumar maxamud
Mohamed Cabdi Xassan
Nuur Caydaruus Guure
Diriye Nuur Xassan
Daahir Siciid Aw-Farax
Burhaan Ismaaciil Xassan
C/casiis Jaamac Farax
Muxyadiin Xussen Ciid

Gudiga Jaaliyada ee Gabdhaha  UK

Caasho Macalin Abdi
Hawo Hassan Nur
Xaliimo Saalax Dheere
Faadumo Xayir Warsame
Xaliimo Xaaji Xassan
Asiili Faarax Hassan
Maryam hayir Warsame
Faadumo Xirsi Faarax
Barni Axmed Aw Ciise
Caasho Maxamud Cabdulahi
Batuulo Maxamud Cabdulaahi
Casho Khaliif Mohamed
Mulki Mohamed Xassan
Nuuro Axmed Nuur
Jamilo Cabdi Xassan
Batuulo Xaashi Barre
Xaliimo Cumar Maxamuud
Fawsiyo Cumar Maxamud
Aniiso Khaliif Axmed
Xamso Xusseen Xassan
Sucdi Maxamed Saalax
Canab C/laahi Cabdi
Sahro Shiikh Cali
Faadumo axmed

Xubnaha Jaaliyada Waqooyiga Ameerika

1. Mudane Cali Maxamed Maxamud (Ali Hareed) Canada
2. Cabdulazia Tahlil Xaji Adan ( Cabdxukun) Seattle
3. Cabdullaziz Maxamed Warsme (BacBac) Seattle
4. Maxamed Ahmed Nur (Labasul) Chicago
5. Maxamed Cabdi Cali Xaji Chicago
6. Cabdi Cawaafi Boston
7. Xussein Xaahi Cabdulle Boston
8. Xusein Carabl Duurre Chicago
9. Cabdurhaman Cali Askar TX
10. Cabdiwahaab Gaaboon Michegan
11. Ibrahim Cali Said Chicago
12. Said Salad Muse (Salad Wayne) Chicago
13. Cali Cabdullahi Gelle Ohio
14. Burhan Cabdulqadir X.Jamac (j.Jees) Seattle
15. Marin Farah Giraad Rochester (MN)
16. Mohamed Mohamed Ahmed (Kheyr koobiye) Rochester( MN)
17. Cabdulqadir Mohamed Egile (Dhoobley) Rochester (MN)
18. Sahra Mohamed Mohamud (Dhafuje) Menek(M N)
19. Mohamed Said Mohamed (Dhafuje) Menkero (M N)
20. Liibaan Mohamed Abdullhi Unshur Menkero(MN)
21. Jamac Ahmed Hasan
22. Mohamed Haji Siciid
23. Ciise Bare Awad
24. Huurshe Ali Bile
25. Abduqaadi Mahamed Mahamud
26. Ahmed Salad Haji Samatar


1. Farxiya Cabdulqadir Faratol
2. Safiya Faratol
3. Shukri Carab Duur
4. Hodan Cali Shabeel
5. Abshiro Gaarhaye
6. Farxiyo Citinle
7. Xalimo Muse Xaji
8. Moryan M.Xussien Cigale
9. Caasha Sacid Dhagcad
10. Maryan Abshir Cabdulle
11. Hibo Cali Xassan
12. Khadijo Cabdulle Bulxan
13. Xawo Seed Cilimi
14. Khadro Abshir Abdulle
15. Ifraax Citinle
16. Sahra M. Dhafuji
17. Ruqiyo Maxamed Xassan
18. Fadumo Maxamud Xassan
19. Nadifo Ciise Xassan
20. Sacdiyo Salaad X. samantar
21. Ruquyo Ibrahim Xaji
22. Amal Cabdullahi Gelle
23. Fadumo Cisse Xassan
24. Seynab Maxamed Axmed
25. Amal Cumar Khalid
26. Ruqiyo Axmed Cali Ciid
27. Maryan Gelle Yusuf
28. Ardo salad
29. Nasro Axmed Tumey
30. Xawo Maxamed faarax



Gudoomiyaha Jaaliyada UK
Mudane Daahir Xaashi Warsame

Gudiga Mareykanka
Duuliye Sare:C/Qaadir Dhafuuje
Maxamed Cabdulaahi Cunshur

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com