shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cadaalad daro ma dhashaa Cadaalad iyo Wanaag?!!!!

(Soomaaliya, February 03,  2009 Ceegaag Online) 

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh kelidii, amaan iyo nabad gelyo ha ahaato korkiisa Nebigeena Maxamed iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii

Intaas ka dib:

Waxaa aad loo hadal hayaa maalmahan oo dhacdada todobaadkan ah, Doorasha ku sheegii ka dhacaday Jabuuti, ee la yiri waxaa loogu doortay Madaxwaynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, taas oo aad moodo in ay dadka qaar ka farxisay, qaar kalena ka cadhaysiisay, qaarna kaba yaabisay oo kediso ku noqotay, siday ku nool yihiin Aduun kale oo aan ahayn kan aynu ku noolnahay, waayo Doorasha ku sheegaa ma aha wax cusub Natiijada lagaga dhawaaqay, ee waxay ahayd mid la ogaa oo laga war qaabay looguna tala galay sidaas, iyadoo ay soo qorshayeen sidii caadada ahaan jirtay Shisheeyihii Wadankan burburiyay ee ku hawlanaa weligoodba sii burburintiisa, ilaa ay ka gaadhaan ujeedooyinkii kama dambaysta ahaa ee ay ka lahaayeen.

Run ahaan waxaan anigu aad ula yaabanahay qoladan dambe oo aan hada soo xusnay, xaqiiqadii waa kuwo Duni kale ku nool oo aan ahayn tan aynu ku nool nahay, waana kuwii isu soo sharxay in ay ka qayb galaan Doorasha ku sheegaa ka dhacday Jabuuti badankooda, intii aan iyagu ku jirin shirqoolka, ee iyaga ujeedka is sharaxaadoodu ay ahayd marin habaabin lagu samaynaayay dadwaynaha Sommaaliyeed iyo Aduunkaba, si loo tuso inay meesha ka jirto Doorasha xor ah, oo lagu kala adkaaday sida Nuur Cade, ee waa intii isu soo sharxday uun inay ka qayb qaataan Tartankaas si dhab ah, ma waxa ay garan waayeen waxa uu garanaayay Ninka caadiga ah ee Soomaaliyeed ee aan Siyaasadaba shaqa ku lahayni, sida ay u dhacayso Doorashadanu afar bilood iyo ka badan ka hor, ma waxaanay la socon siday arimuhu uga dhacayeen Jabuuti,Nairobi,Addis ababa iyo Baydhabo mudooyinkii ina soo dhaafay.

Haday Arintu sidaas tahay, oo xaalkoodu sidaas yahay Shakhsiyaadkan, oo aanay kaba war qabin Shirqoolka la soo maleegay ee ay Shisheeyuhu wateen iyo in Jagadan mar horeba loo qoondeeyay Shiikh Shariif, ma ay ahayn in ay isu soo taagaan Jagadan ahmiyada wayn leh, waayo ma ay ahayn sideedaba kuwii ku haboonaa Jagadaa, ee waa dad iska seexday Siiga Case oo aan dunidaba waxba kala socon, mana ay hogaamin karaan Qaran. Waxa weliba ugu sii daran kuwooda Shirqoolka gacmaha kula jiray oo sidii loogu guulaysan lahaa wax badan ka gaystay, hadana aan fahamsanayn waxa looga gol leeyahay Shirqoolkan, oo moodaayay in ayba iyaga yihiin kuwa ka faa’iidaysanayaa, sidaasna isku soo Sharaxay sida Xildhibaanka lagu magcaabo Jini boqor ee intuu hawl badan u galay sidii uu u hirgeli lahaa Shirqoolkaasu, Doorashadana isu soo taagay, ee markay Doorashada ka hadhay hal maalin wax walibana dhamaadeen yidhi Shirku waa afduuban yahay,

Jini ku qaad waa maxay Caqli Allaah geliyay!!!! Ma hadaad ogaatay in Shirku afduuban yahay!!!! Kulahaa Hogaamiyaan noqonayaa, bal waad tahay Hogaamiye, laakiin waxaad tahay Hugaamiyaha Waxmagaratada iyo Maanlaawayaasha. Horta sideedaba Baarlamaan ku sheegan faasidka ah ee weliba hada la sii balaadhiyay, oo lagu soo daray 200 oo Maanlaawe oo kale, waa Musiibo aad u wayn oo dusha lagaga keenay Ummadadtan, Shirqool kasta iyo Dhagar kasta oo Dalkan iyo Dadkan lala damacsan yahay iyaga uun baa laga ansixinayaa oo laga sharciyaynayaa, shalay ahayd oo soo gelitaankii ciidamada cadawga ee Dalkeena iyaga ayaa loo adeegsaday, hadaanay ansixin lahayna arintaasu Gaalada waa ay ku adkaan lahayd, oo marmarsiinyo looma heleen, Shirqoolkan maanta dhacay iyaga ayaa loo adeegsaday oo ansixiyay, hadaanay sidaas yeeli lahayna tanuna waa ay ku adkaan lahayd Shisheeyaha huwanta ahi inay marsiistaan, dhabarjab bayna ku noqon lahayd.

Hada markii la waday Shirqoolkan waxa laga bilaabay Baydhabo in kuwoodii madaxda ahaa lagu soo amro in ay ka ansixiyaan oo ka sharciyayaan Baarlamaanka Shirqoolka Jabuuti lagu soo maleegay, ayna baal maraan oo iska indha tiraan sharciyada Baarlamaanka u dejisan, bal ay si khasab iyo jujuub ah ku meel mariyaan Shirqoolkaas, waana tay dhacday taasu oo iyada oo aan looba codayn lagu dhawaaqay in la ansixiyay, intoodii arintaa ka biya diiday waa tay naftooda kala carareen Baydhabo oo qaarba meel u carareen, ayna cadayeen in aan wax ansixin ah lagu samayn Shirqoolkaa, ayna qabsadeen shuruudihii wax lagu sixi lahaa, oo aynu dhamaanteen ka dheregsanahay, hase yeeshee maalmo ka dib wax u yimid dhamaantood hanjebaado uga yimid Beesha Caalamka waxa ay ku magcaabaan, oo ah in ay si dhakhso ah ay ku yimaadaan Jabuuti, waxa laysugu hanjebayaa wax kale maaha ee waa xoogaaga ay qaataan in laga joojinaayo iwm, dabeedna waa tii loo daabulay sida Xoolaha Magaalada Jabuuti ayna halkaa ku ansixiyeen dhamaan wixii looga baahnaa, hadaanay u debceen hanjebaadaha oo ay mowqifkooda ku adkaysan lahaayeen ma uu socon kareen Shirqoolkanu

Baarlamaan ku sheegan waxaa wax walba kaga wayn oo uu midkood waliba ilaashanayaa waa uun xoogaaga ay ka qaataan meesha iyo jagada Xildhibaanimada, laakiin ma jirto wax dan iyo muraad ah oo uu ka leeyahay difaaca iyo badbaadinta karaamada iyo sharafta Qaranka Soomaaliyeed, ee loo igmaday, uuna Allaah hortiis ku dhaartay,  markaa anigu waxaan kula talinayaa Beelaha ay metelayaan oo ay magacooda ku fadhiyaan Baarlamaanka, in inta ay goori goor tahay oo aanay dusha inagaga keenin, oo soo ansixin Masiibo wayn oo aan hadhow laga soo waaqsan Karin, in ay si dhakhso leh ay ugala noqdaan kalsoonida Xubnaha iyaga kaga jira Baarlamaan ku sheega, kuwan ah 200 boqol ee Maanlaawe ee Muftaaxa keli ah lihi, inaga inama khusayaan oo iyaga Mareekan iyo Ha’ado ku sheeg Caalami ah iyo Dowladaha deriska iwm, baa meesha keensaday, waxay ansixiyaana inaguma socon karaan,

 Laakiin kuwan hore hore ayaa laynoogu aqoonsaday oo ay inoogu sharci garoobeen, hadii sidaas la yeeli waayo waa hubaal in ay dusha inagaga keeni doonaan Masiiba wayn oo aan laga soo waaqsan doonin, waxaynu ku ladnayn mudadaa dheer ee uu Wadankeenu burbursanaa, waxaan jirin cid laga soo ansixiyo Shirqoolada iyo Dhagaraha laynala damacsan yahay, Maanta se kuwan ayaa laga dhamaysanayaa wax alaale iyo wixii la doono, iyada oo ay sidaas tahay ayaan hadana waxan jecelahay in aan halkan ku xuso in ay ku jiraan Baarlamaankaa hore tira aad u yar oo xeeldheerayaal ah laakiin laga tira batay oo aan waxba qaban karin, laakiin had iyo habeen isku hawla oo isku deyaaya inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada iyo Qaranimada Dalkooda iyo Dadkooda, waxaana ka xusayaa Xildhibaan marwo Caasha Cabdullaah, waa lama ilaabaan diidmadii xoog lahayd ee ay kala hortimid soo gelinta Ciidamada cadawga Wadankeena iyo tay kala hortimidba Shirqoolkan lagu soo maleegay Jabuuti, hase yeeshee Biyo kaa badan iyo Dad kaa badanba waa ku hafiyaan, marwo Caasha iyo kuwa la midka ahi waxba kama dhex qaban karaan Baarlamaankan ay ku jiraan tirada intaa le’eg ee Maanlaawayaasha ahi.

Soomaaliya waxay uga dhignayd waqti dheer hada Dowladahaa cadawga ah ee Shisheeyaha ah, sidii Dheri Cunto lagu karinaayo oo dabka saaran, sida caadada ah Dheriga cuntada lagu karinaayo hadba marbaa daboolka laga qaadaa oo la eegaa bal in uu bislaaday, siday Milixdu ku tahay, Biyuhu ma ku filan yihiin iwm, Soomaaliya sidaas ayay uga dhignayd Dowladahaa cadawga ah, ee iyagu sababay burburkii Wadankan, iyaga oo u adeegsanayaa taas Dadkiisa, hadaba marba way eegayeen mudadaas dheer, bal inaynu gaadhnay halkii laynala rabay, hase yeeshee Gaaladu inta ay wax qorshaynayaan Allaah tacaalaana qorsha kale ayuu ka dhinac wadaa oo kooda ka xoog badan siduu tacaalaa yidhi: وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللّهُ وَاللّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ } } {Dhagar ayay kuu maleegayaan Allaah tacaalaana iyaga ayuu u maleegayaa, Allaah tacaalaana waa uu og yahay xaalkooda iyo waxay maleegayaan oo waa mid aanay marnaba ka badinayn}, hadaba dherigii waa bislaan waayay mudadaa aadka u dheer, ilaa Allaah tacaalaa baa xikmad kale ka wata ee, marba waxay keenayeen Kariye cusub oo dar dar geliya, bislaan se waa Dherigii, marka maanta waxay go’aansadeen in ay keenaan Kariye cusub oo kuwii hore ka duwan, waana Madaxwaynaha cusub ee Shiikh Shariif.

Waxaan shalay la kulmay Nin reer Falastiin ah oo aanu saaxiibo nahay, markaas ayuu wuxuu I waydiiyay: ilaa Soomaaliya Maxkamadihii Islaamka baa xukumkii qabsaday, markaas baan ku idhi: oo waayo, markaas ayuu yidhi: dee sow tan Shiikh Shariif Madaxwaynaha loo doortay, markaas baan ku idhi: maya walaal Soomaaliya Maxkamadihii ma qabsan, Shiikh Shariifna waxaa Madaxwaynanimada loogu doortay waa in uu yahay Nin qunyar socod ah, markaas buu intuu qoslay wuxuu yidhi: hadaa iska daa Dhibaato hor leh baad gasheen ee, kelmedatan la yidhaahdo “qunyar socod” haday Reer Galbeedku qof ku tilmaamaan ogow waa qof la shaqaya ee, bilowgii markay Maxkamaduhu qabsadeen Muqdisho, ayaa waxay bilowday Warbaahinta Reer Galbeedku in ay yidhaahdaan waa in lala hadlo kuwood qunyar socodka ah, anigu markaaba waxaan fahmay in Rag madaxda sare ee Maxkamadaha ka mid ah ay xidhiidh la leeyihiin Reer Galbeedka, taasuna waxay cadatay markii ay Ciidamada cadawgu ka saareen Maxkamadihii Dhulkii ay haysteen, ee Ragii Doorka la wada galay, ayaa Shiikhu si lama filaan ah u soo galay Kenya, oo isla markiiba lagu qaabilay Saafaarada Mareekanka ee Nairobe.

Marka aqristow Shiikh Shariif kuma iman cadaalad, cadaalad darona ka dhalan mayso cadaalad iyo wanaag, waayo wixii lagu dhiso baadil waxa ka dhashaana waa uun baadil, arintanuna waxay Soomaali sii kala fogaysay 20 sano oo dambe, waxa meesha ka baxday xoogaagii Kalsoonida ahayd ee la dhisaayay ee lays lahaa bal xoogaa dadku ha isku soo dhowaadeen, Ninka Masuulka ah ee sidaas in uu ku yimaado oo Ummadiisa in sidaa jujuubka ah dusha loogaga keeno, oo xabad loogu soo dhiibo kuwii ay shalay Dhufayska ku wada jireen,oo Naftiisa sidaas raali uga noqday, ee weliba ku faraxsani wax wanaag ah kuuma soo wado, bal waxa uun uu u adeegayaa kuwii Kursiga ku fadhiisiyay, durbana hadaladiisu waa kuwo cabsi iyo welwel xoogan dhaliyay, ha ahaato hadalkii uu Shirka Addis ka yidhi ee ahaa waa inaan la dagaalanaa Argagixisada nabad diidka ah!!! Allaahu mustacaan, durtaba ma hadalkii Bush baa lagu hadlayaa iyo waa in Ciidama Shisheeye ah naloo soo dira oo la dagaalama Argagixisada!!! Allaahu akabar miyaanu ahayn kii shalay diidanaa, waxa se ka sii daran hadalkiisii ugu horeeyay markii la dhaariyay waxaa ka mid ahaa isaga oo weliba si isku kalsooni ah u lahaa, ee hada hadalkaa u fiirso aqristow: “Dowladaha deriska ah deris wanaag ayaanu kula noolaanayna, wax kasta oo khilaaf naga dhexeeya oo dhana waanu dhamaynaynaa”!!!!

Hadalkaasu maaha mid uu iska yidhi ee waa hadal marjac leh, waayo khudbada Madaxwaynaha waa la soo diyaariya oo waa la soo dersaa wuxuu Madasha ka odhan doono.Hadaba su’aashu waxay tahay inaga iyo Dowladaha deriska ah hal khilaaf oo keli ah baa inaga dhexeeya oo waqti aad u dheer loo maara la’aa, khilaafka inaga dhexeeyaana waa Dal iyo dad, markaa sidee bay idinla tahay buu Shiikhu khilaafkaa u dhamaynayaa?!!! Waa yaab ee ma wuxuu ku talaabsan doono wax aanay samayn dhamaan Dowladihii isaga ka horeeyay, kediso igu noqon mayso haday sidaas u dhacdo, waayo Shiikha waxaan ku baranay mowqifiya badan oo is khilaafsan oo iska hor imanaaya, si kastaba ha ahaatee maanta waxaynu galay marxaladii ugu khatarta badnayd ilaa intii uu burburku ka dhacay Wadankeena, Soomaaliyina tala ma hayso, mana filaayo inay isugu imanayso oo ku gaadhayso Talo wax ku ool ah, waanaba laga ilaalinayaa taas oo loo ogolaan mayo, oo mudadaa 19 hal mar baa laysugu yimi Talo ay Soomaaliyi u dhan tahay oo waa Shirkii Carta ka dhacay ee lagu dhisay Dowladii Carta iyadana waxaa is hortaagay oo fashiliyay Beesha Caalamka kuwa loogu yeedho oo Wadankan ku haysta Gumaysi aan toos ahayn.

Wabillaahi atowfiiq

webmaster@ceegaag.com