shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-Ki-Moom oo sheegay in Ciidamo ka socda qaramada Midoobay la gaynayo Soomaaliya hadii aanay xaaladu wax iska badalin.

(Daarasalaam, Tanzaaniya February 27,  2009 Ceegaag Online) 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa Soomaalida ugu baaqay in ay joojiyaan dagaallada, isagoo ku guda-jira socdaal ku marayo qaar ka mid Dalalka Qaaradda Afrika.

Ban Ki-Moon ayaa hadalkan jeediyay xili uu booqanayay Caasimadda Tanzania ee Darasalaam, wuxuuna isagoo sii hadlayay uu Soomaalida ugu baaqay in ay taageeraan dadaallada nabadeed ee Soomaaliya xalka loogu raadinayo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo doonaya in uu booqdo dhowr dal oo Qaaradda Afrika ku yaala sida Koofurta Afrika, Congo iyo Rwanda ayaa ujeedada socdaalkiisan waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda Qaaradda Afrika.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo qalalaasaha ka socda Congo, Suudaan iyo Soomaaliya, gaar ahaan Dalka Soomaaliya buu yiri oo muddo 20 sano ah aysan ka jirin wax dowlad ah, wuxuuna soo jeediyay in Soomaaliya ay u baahan tahay in loo taageero amni ahaan iyo siyaasad ahaan.

Mr. Ban Ki-moon ayaa lagu wadaa in uu furo Xafiis ay Qaramada Midoobay ku yeelan doonto Jaziiradda Zanzibar, ka hor inta uusan u dhoofin dalka Masar oo ku jira Wadamada u qorsheysan in uu Qaaradda Afrika ka booqdo.

Ugu dambeyntiina, booqashada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa timid iyadoo hay’ado badan oo UN-ka ka tirsan ay muujiyeen walaac ku saabsan in ay Soomaaliya ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo aad khatar u ah, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay Soomaaliya siiso malaayiin doollar  oo kaalmo deg deg ah.

Hadalka Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa qayb ka ah dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in wax looga qabto colaadaha aan dhamaadka lahayn ee ka jira Soomaaliya.

Ban-ki-moon ayaa sidoo kale Sheegay in soomaaliya la gaynayo ciidamo ka socda qaramada Midoobay hadii ay ka sii darto xaalada islamarkaana la waayo xal nabadeed.

Ban-ki Moom ka hor ayaa waxaa isaguna ka hadlay xaalada soomaaliya Gudoomiyaha Midawga Yurub Louis Michel xilli uu ka qayb qaadanayay shir weyne ay midawga Yurub soo abaabushay oo ka dhacayay Magaalada Brussels ee wadanka Biljim.

Louis Michel ayaa sheegay in beesha caalamka ay la gudboontahay in la taageero dawlada Midnimada qaran hadii kale ay diyaar u noqdaan fashil markale ku yimaada Maamulka dhawaan lagu soo yagleelay Magaalada jabuuti

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com