shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad ballaaran Oo lagu tageerayo Madaxwayne cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka dhacday Magaalada Johannesburg ee dalka K/Africa (Daawo Sawiradda)

( K/Africa,   February 13,  2009 Ceegaag Online)

 

Xaflad ballaadhan oo lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika.

Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka K/Afrika ayaa ka dhacday Hoolka Xafladaha lagu qabto ee magaaladda Johannesburg.waxaana ka soo qeyb galay Xafladan dhamaan qeybaha kala gadisan ee bulshada ee ku dhaqan wadanka K/Afrika.

Xafladan ayaa Ugu horreyn lagu furay ayaadaha Quraan kariimka kadib quraankii ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay mikrofoonka mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaalidda ee ku dhaqan magaladda Johannesburg. aqoonyahankan ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Madaxweyneha Soomaaliya isagoo sheegay inuu yahay nin maanta xaalada cakiran ee Soomaaliya ka jirta wax ka bedeli karro, wuxuuna ku tilmaamay nin dhaliinyaro ah oo xilka loo doortay ka soo bixii karaa.

Sidoo Kala Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay marti sharaf kala duwan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee dalkani K/Africa oo ay ka mid ahaayeen Police-ka iyo Saraakiil sar sare oo tirsan dalkani iyo media qeybeeheeda kala duwan, sidoo kale waxaa ka soo qey-bgalay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya dalkani. waxayna dhamaan ka hadleen madaxdan, wanaaga ay leedahay dowladnimada iyo dhibaatadda colaad laga dhax-lo taas oo dhamaantood isku raaceen inay Soomaaliya uu baahantahay maanta waqtigii qaliinka iyo booga lagu hogaamin lahaa lagana bixii lahaa jahliga iyo colaada iyo waliba qabiilka daashaday.

Xafladdan ayaa waxaa kadlay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadii ka soo qeyb gashay oo ay kamid ahaayeen saxafiyiin abwaanno iyo dhalinyaro ka mid ah Jaliyadda Soomaliyeed ee K/Afrika. waxaana qadka telefoonka dadka Xafladdan ka soo qeyb-galay kula soo xiriiray Gudoomiyaha Barlaamanka ee Soomaaliye sheekh Aadan Madoow oo ka hadlay arrimo baddan oo aay ka mid ahaayeen dhibaatada lagu hayo Jaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan K/Africa wuxuuna sheegay in aay arrintaas xooga saari doonaan sidii xaal loogu heli lahaa, isagoo xusey in uu madaxweyne sheekh shariif ku mashqulsan yahay soo dhisadii xukumadii oo dhameystiran islamarkaana uusan iminka awoodin inuu dadka xafladdan ka soo qeybgalay la hadlo.

Xafladan ayaa ku soo gaba-gabooday jawi laga dheehan karay rayn-rayn. Iyadoo ay goobta xafladda ka dhacaysay sii aad loo qurxiyay, waxayna dhammaan dadweynihii ka soo qeyb-galay saadaalinayeen dowladdan inay noqon doonto midddi bulshada Soomaaliyeed u horseedi lahayd nabada kana reebi lahayd wixii xumaan ah, waxayna ku dhawaqaayeen halku dhiigyo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
Hassan YeeY
yeey18@hotmail.com

Johannesburg,South-Africa

Daawo Sawirada

webmaster@ceegaag.com