shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland oo shaaca ka qaaday In midnimada Soomaliya ay muqadas tahay.

(Hargaysa,   February 08,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa markii ugu horeysay maanta shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland aanay kala go’I Karin,isla markaana waxa uu soo dhaweeyay Madaxweyne Sheekh Shiriif-ka dhawaan loo doortay Koonfurta Soomaaliya iyo Xukuumadda uu dhisi doono, oo uu ku tilmaamay mid ay Somaliland aad isugu dhawaan doonaan.

Madaxweyne Ku-xigeen Yaasiin waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay Xaflad Casuumad ah oo uu u sameeyay qaar ka mid ah Qurba-jooga Somaliland ee taageera Xisbiga UDUB oo dalka u yimi ka qayb-galka Shirweynihii labaad ee Xisbiga oo 04-tii bishan lagu soo gebagabeeyay Hargeysa, xafladaasoo lagu qabtay Huteel Crown ee Magaaladda Hargeysa. Waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenku ku doodaay in ay Xukuumad ahaan muddadii ay xilka hayeen dalka u soo hooyeen guulo badan oo ay ka mid yihiin, doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalka ka dhacay, sugida Xuduudaha, dhawrida nabadgalyada iyo xidhiidhka siyaasadda arrimaha dibada oo uu xusay inay wakhtigan meel aad u fiican marayso.

“Berigii hore halkay innaga taagnaayeen arrimaha dibadu maanta inagama taagna ee aad bay uga dhaw yihiin, waxaan weliba rajaynayaa haddaynu nahay Somaliland oo aan filayaa imika maamulka qabsaday Koonfurta Soomaaliya in aynu la jaan-qaadi karno, maxaayeelay waa dhalinyaro cusub oo da’dii 1960-kii talinaysay meesha way ka baxday. Waxa weeyaan da’dii lixdankii talinaysay waa da’ ciil-qabta oo wax badani siyaasad ahan soo dhex mareen. Waxaan filayaa Sheekh Shariif in uu Qaranka Somaliland iyo Soomaaliya si fiican u kala guri doono.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dabcan Soomaaliyi kala maarmi mayso oo cid xad xidhaysa iyo cid wax oodaysaa ma jirto, sidaa Yurub baa la noqon doonaa, laakiin qolo waliba horto inay dib isu soo dhisto oo ay dib u muuqato, oo hadhaw wax la saxo. Ninna laga celin maayo Hargeysa, midna Xamar laga celin maayo, dadka khalad baa la fahan siiyay oo waxa la yidhi xad baa la xidhayaa, Ciidan baa la keenayaa oo ninna soo gudbi maayo, waxaasi waa wax dadka lagu fogaynayo ee dadku waa dadkii uun, laakiin Yurub-ba siday wax u kala leedahay ayaynu wax u kala yeelanaynaa (Soomaaliya iyo Somaliland), dadkuna sidaas ayay isu dhex soconayaan.”

Xigasho: Hadhwanaagnews

webmaster@ceegaag.com