shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa kuma halyeyga Soomaaliyeed?

(Soomaaliya, February 01,  2009 Ceegaag Online) 

 Shacabka soomaaliyeed wuxuu raadinayaa ama baadigoobayaa halyey sabab unoqda in nabad lahelo, xalna laga gaadho dagaalka dheeraaday ee ku habsadey Bulshada ku dhaqan dalka Soomaaliya.

 Hadaba inagoo raadinayna Halyeygaas waxaynu hoos ugu dhaadhacaynaa taariikhda Aduunka iyo Diinta Islaamka oo ah waxyaabaha Binu Aadamka u ah iftiin lagu ifiyo dariiqii dheeraa ee nolosha Dunidu soo martay silooga digtoonaado in khaladku soo noqnoqdo wakhtiyo aad isugu dhawdhaw.

 Diinta Islaamka:

Diinteena Islaamku waxay had iyo jeer ka digtaa in khaladkii umadihii hore ku dhaceen oo kale lasameeyo. Hadaba si aanay taasi u dhicin wuxuu ilaahay Quraanka iyo Axaadiista rasuulkaba SCW inoogu cadeeyey dhacdooyinkii waaweynaa ee soomaray dadkii inaga horeeyey ama quruumihii iyo umadihii hore. Khaladku wuxuu uqaybsami karaa dhowr qaybood waxaynuse ka soo qaadanaynaa labada ugu waaweyn oo kala ah mid Caqiido ahaaneed iyo mid camal ahaaneed.

Caqiido: hadaynu soo koobno waa lixda iimaanka iyo wixii laxidhiidha.

Camal saalix ah: waa shanta tiir ee islaamka iyo wixii la xidhiidha.

Isagoo ilaahay SWT  labadaba  ka digaya in wax ka khaldamaan wuxuu inoo tilmaamay Qoomu Nuux oo Caqiidadoodii iyo dhaqankoodiiba markay khaldameen ugu danbayntii Daad iyo Duufaan ilaahay ku rogey ama ku haligey. Sidookale Qoomu Caad oo iyana ahaa rag garmaqaatayaal ah oo qaab macangagnimo ah ugu adkaystay mabda oodii khaldanaa iyadoo ilaahay inoo sheegay inuu reer caad hanuuniyey,laakiin baadinimadii ayay doorteen iyagoo  runta iyo xaqu meeshuu ku jiro og. Nabigii loosoo diray oo ahaa Huud waxaa loolan adag lagalay Ragii hogaaminayey Reercaad ugu danbayntiina khasaare Aduun iyo mid Aakhiro ayay ku danbeeyeen. Waxaa iyaguna khaldamay reer Samuud oo  mabda ahaan iyo siyaasad ahaanba uga soo horjeestey nibigoodii loosoo diray oo magaciisu yahay Saalix. Waadna ogtihiin meeshay ku danbeeyeen.

Waxaa kamid ahaa dadka taladu ka khaldantay kuna adkaystay khaladkoodii ugu danbayntiina Khasaare Aduun iyo mid Aakhiraba ku dhacay qoomu luud oo khaladkoodii ku dhisnaa kibirku gaadhsiiyey inay nebi luud CSW ku amraan inuu sidooda oo kale noqdo feker ahaan iyo ficil ahaanba hadiikale  wadankooda uu ka guuro. Lama tirinkaro raga khaladka u horseeday shacabkooda iyo dadkay talada u hayeen. Boqoradii Masar oo lagu magacaabi jirey Faraaciin waxay ahaayeen Rag khaldamay ugu danbayntiina Ninkii garmaqaataha ahaa ee kusoo beegmay xiligii Muuse binu Cimraan CSW wuxuu ku adkaystay khaladkii awoowayaashiis iyo miduu isagu ku daray kadibna wuxuu sabab u noqday taariikhmadow. Quraanka iyo taariikhda Islaamku waxay inoo sheegeen in Abu Jahal oo islaamka ka hor loogu yeedhi jirey Abu Xakam iyo Ninka kale ee Abu Lahab inay ahaayeen odayo khaldamay oo ku adkaystay khaladkoodii, Nabigeenii suubanaa CSW waxay ku noqdeen labadaas Nin caqabad ugu danbayntiina iyaga iyo wixii raacay waxay ku danbeeyeen khasaare. Maaha Ninkasta oo wax mucaaradaa inuu yahay nin saxan, waxaase muhiim ah in loo eego shareecada islaamka hadii wax laysku khilaafo. Lama soo koobi karo Raga khaldamay ee bulshaday ka dhasheen u horseeday khasaare aan laga soo waaqsankarin. Gefku wuu dhici karaa waxaase Ilaahay jideeyey toobad haduu yahay mid diini ah, hadiise uu khaladku yahay mid farsamo waxaa loobaahanyahay in lasaxo dhamaantiis ama layareeyo khaladka hadii aan lakarikarin in gebi ahaanba laga takhaluso iyada oo loo eegayo shareecada islaamka. Maxaayeelay fekerka Insaanku wuu kala duwanaankaraa miisaankuse  waa shareecada Islaamka.

 

Taariikhda dhow ee Soomaaliya:

Hadaan ka soo bilowno Jabhadihii Colaada u horseeday Soomaaliya sida SSDF, SNM, SPM, USC iyo dadkii u ololaynayay waxay ku bineeyeen ururadoodaas hab qabyaalad ah dadkoodii Soomaaliyeedna waxay u horseedeen burbur ilaa hada laga soo waaqsankari waayey. Sadexdan SSDF;SNM iyo SPM kumay guulaysan inay ridaan ama gacanta ku dhigaan madaxtooyadii soomaaliya waxaase USC usuuro gashay taas,laakii kamay faa,iidaysan oo waxay ku mashquuleen shacabkii wallaalaha ahaa inay iska horkeenaan. Jeneraal Caydiid oo hogaamiye u ahaa waxaa ugu danbayntii lagu dilay dagaaladii sokeeye dadkiisii soomaaliyeedna wuxuu dhaxalsiiyey burbur isna wuxuu ka tegey taariikh madow iyo in dhiig sokeeye lagu xasuusto.ugu danbayntii Dawladii uu madaxda ka ahaa C/laahi Yuusuf khaladaadka ay gashay maaha wax aynu tirinkarno waxaase ugu khatarsanaa inuu ilaawey inuu u baahanyahay shacabka soomaaliyeed, wuxuuna lafdhabar ka dhigtay wadamada shisheeye, meleteri ahaan iyo dhaqaalo ahaanba iyo dhankastaba. ugu danbayntiina wuxuu ku danbeeyey fashilaad iyo Taariikh madow.

 Waxay kacaakufto Soomaliya ugu danbayntii waxaa soo baxay Maxaakimtii midowdey oo iyana cadowga dibadu ku soo qamaamay iyagana ay ka muuqatey cabsi la,aan iyo inaad moodid inaan Aduunkaba dadkale lajoogin. Waxaanse odhankarnaa waxay ahaayeen dadka keliya ee rajada geliyey shacabka soomaaliyeed iyo muslimiinta Aduunkaba guud ahaan. Wadamada ku caanbaxay xasarada aduunka ayaa waxay u guntadeen hawlahoodii ahaa inay iska horkeenaan siyaasiyiinta iyo xoogaga dawladaha soo koraya iyaga oo kale wadamadaas siyaasado xeeldheer oo aan sifudud loo fahmi karin. Ugu danbayntii waxaa burburay hogaankii siyaasadeed ee midaysnaa ee maxaakimta. Asmara oo Shiikh Xasan Daahir Hormuud u yahay iyo Alshabaab oo  ah hada  garabyo badan oo isfahmey sida xasan turki iyo ururo kale oo islaamiyiin ah ragaas oo uguntadey Dagaal iyo Xabashi in laga saaro Dalka. Dhanka kale Garabka jabuuti oo hada ku biiray dawlada soomaaliya wuxuu u guntadey sidii wada hadal loogaga saari lahaa xabashida dalka Soomaaliya. Hadaba Shacabka soomaaliya intiisa badani waxay aaminsanyihiin in kabixitaanka xabashida uu soo dedejiyey Dagaalkay ku jiraan AL-shabaab iyo raga kale ee ay isku fekerka yihiin iyo wadahadalka shiikh shiriif iyo ragay isku fekerka yihiin oo dhanka kale dadaalkooda ka wadey. Hadaba waxaa qofku ama ururku wax qabankaraa marka uu awooda leeyahay dhan meleteri iyo karti siyaasadeedba. Waxaa hubaal ah oo aan laqarin karin in Al-shabaab yihiin quwad meleteri iyo mid siyaasadeed gudaha soomaaliya dhanka kale garabka jabuuti oo hada ka mid ah Dowlada iyo garabyada kale ee sida Asmara iwm majiraan cid laga maarmaa dhamaan waanu u baahanay hadaanu nahay shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba  jawaabtii aynu raadineyney ee ahayd waakuma halyeyga Soomaaliyeed ?

Jawaabtu waxay noqonaysaa waa Ninka sabab u noqda in shareecada Islaamka dalka lagu xukumo isfaham iyo nabadgelyana dhex dhiga shacabka soomaaliyeed. Kana gudba qabyaaladan khilaafka saldhiga u ah.

Hogaamiya halyey ah laguma noqdo in khilaaf iyo dagaal lagalo ee waxaa bulshadu wanaag ku xasuustaan hogaamiyaha dhibka xaliya, Amaan, dhaqaale, siyaasada guda iyo tan dibadaba.

Waxaan rajeynayaa inaan Dawlada Cusubi ku mashquulin raaligelinta wadamada shisheeye oo ay ku kalsoonaato shacabkeeda, waxaa raaligelin mudan Ilaahay kadibna shacabka Soomaaliyeed ee colaadu ragaadisey, . Waana inay ka digtoonaataa Dawladan cusubi in loo adeegsado ladagaalanka  Al-shabaab iwm. Wax marmarsiiyo ah uma helikaro qofna inuu dagaal iyo  dirir cusub ka oogo Soomaaliya ama uu dilo qof Soomaali ah.

Qoraa Soomaaliyeed

C/laahi cali Gaani( Denmark).

 E-mail: Gaani66@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com