shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ku tilmaamay Khawaarijiin kuwa dabka iyo halaaga ladaba taagan Shacabka Soomaaliyeed.

(Muqdisho, February 23,  2009 Ceegaag Online)  


Sheekh Umal oo Muxaadaro ka jeediyay xalay Masjidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaraha isagoo ku nuuxnuux saday in xaaladda wadanka Soomaaliya uu kujirto ay tahay wax Gacmaheenna aan ku keensanay.

Isagoo dadka ku booriyay in Allaah  looga tawbat keeno ayuu sheegay in ay tahay waxa loo baahan yahay taasina ay tahay keliya waxa dhibaatada looga bixi karo dalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale shaagay oo uu ku cel celiyay in Culumada Hoggaanka laga dhigto oo warkooda la maqlo wax waliba oo masaa’il la isku hayona Culumada inta loosoo bandhigo kadib lawada qaato waxa saxda ah ee Culumada ay tilmaamayaan.

“Kuwa Culumadooda Xaqira ee warka ka maqli waaya una hoggaansami waaya waa Khawaarijta lasheegayo” ayuu yiri Sheekh Umal oo intaasi ku daray in Culumada qadarin ay kuleeyihiin Mujtamaca dhexdooda warkoodana ay tahay in laga maqlo oo waliba la tixgeliyo.

Sheekh Umal ayaa hada u muuqda inuu waxbadan ka gaabiyay eedayntiisii uu ku ee deeyay Madaxwayne Sheekh Shariif inuu ka tanaasulay in shareecada dalka lagu dhaqo ka dib markii uu o gaaday in Ooda jiidisteeda iyo qaadideedu tahay isla gurigayn.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com