shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Agaasimihii Idaacada Hornafrik oo si arxan dara ah loogu toogtay suuqa Bakaaraha

(Muqdisho, February 04,  2009 Ceegaag Online) 

Alle ha naxariistee waxaa maanta si arxan daro ah loo toogtay  Agaasimihii Idaacada Hornafrik ee Magaalada Muqdisho Saciid Tahliil Warsame kaa soo lagu dilay agagaarka Shirkada Xawilaada Dahabshiil ee suuqa Bakaaraha.
 
Idaacada Honafrik ayaa gabi ahaanba hawadada maqan ilaa labadii iyo badhkii duhurnimo ee wakhtiga Afrikada Barika  kadib markii ay soo tabiyeen geeridaa naxdinta leh.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Marxuumkaani ka yimid shir agaasimayaasha Idaacaduhu ku lahayeen maana Magaalada Muqdisho isagoon xaruntiisii gaarin la toogtay.
 
wixii war ah ee ku soo kordha dilka mas'uukan kala soco Ceegaag Online.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com