shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Deblay Isbaaro dhigatay Tuulo Shire oo ciidanka Amaanka ee Gobolka Karkaar Cagta Mariyeen

(Qardho,  February 15,  2009 Ceegaag Online)  

Sida uu noo xaqiijiyay Duqa magaalada Qardho Cismaan Buux Ciidan ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland oo  ku sugan magaalada Qardho ayaa maanta weerar ku qaaday debleey hubaysan oo isbaaro dhigatay tuulada Shire oo konton iyo shan KM u jirta  magaalada kana xigta dhanka Garoowe  waxayna halkaasi ku soo dhaawaceen Labo ka mid ah dablaydaasi waxaana dhaawacooda la keenay Isbataalka Qardho oo saacado kadib ay ku geeriyoodeen sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil caafimaad.

Dablayda isbaarada dhigatay ayaa durbadiiba soo weerartay kaantaroolka magaalada oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Booliska waxaana dablaydii laga dilay hal ruux waxaana Booliska ka dhaawacmay hal askari.

Magaalada Qardho ayaa si wayn looga dareemayaa shaqaaqadan waxaana iminka socda kulamo ay albaabadu u xiran yihiin oo ay leeyihiin Guddiga ammaanka gobolka Karkaar.

Maanta ayay ahayd markii Guddiga ammaanku uu soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in lala dagaalamo burcada iyo in aan la gubin dhuxusha.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com