shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalka udhexeeya Beelaha Bahararsame iyo Cumar-maxamuud oo sii socda

(Sallaxa, G-Sool, February 26,  2009 Ceegaag Online)  

Dagaal salka ku haya aano qabiil ayaa saaka hiirtii waabari ka dhacay degaanka Sallaxa Erigoo ee koonfurta gobolka Sool. Khasaaraha dagaalka ayaa waxaa ka soo baxaya warar isdhaafdhaafa ah maaddaama meesha dagaalku ka dhacay ay tahay meel miyi ah oo aan la sugi Karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi gaystay. Wararka aannu ka hellay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyay in ay jiraan 3 ruux oo maanta maydkooda la keenay degmada Kalabaydh halka la sheegay in ay jiraan dhaawacyo fudud iyo kuwo culusba.

Dagaalkan oo dhexmaray beelaha deegaankaas wada dega ee  Dhulbahante iyo  Majeerteen ayaa ah mid salka ku haya mulkiyadda dhuldaaqsimeedka u dhexeeya labadaas beelood.

Colaada labadan beelood (Bahararsame VS Cumar Maxamuud) ayaa ah mid mudo soo socotay iyadoo marar badan laysku dayay in la xalliyo balse ay noqotay waan waantaasi mid lagu xakamaynkariwaayay beelahaas iyadoo loo badinayo in ay arrimahan aanay ka madhnayn gacantogaalayn siyaasadeed .

Gurmadyo farabadan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka kala baxayaan magaalooyinka Gaalkacayo iyo Laascaanood, balse waxaa iyana taas garab socda waan waan nabadeed oo lagu kala dhexgalayo labadaas reer ee walaalaha ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dhiilladaas kala soco Ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com