shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabuuraha Qufidoodu Ma Qaladbaa Ma Saxbaa?

(Soomaaliya, February 03,  2009 Ceegaag Online) 

Bulxan iyo Gurxan 
 
Bulxan:
 "Shabaab qalbi laxaamadoow
Qabriga culimadii horiye
Taalo qoyskii waalidkeen
Dadkii qarni-hore ajalay
Qalfoofkii maxaa u fagteen
Lafii maxaa u qaybsateen
Qur'aanka kuwii ina baray
Maxaad qaadicul Islaam
Qabuurii lagu asturay
Intood iilkii qodeen
Sidii dhidar qaar madow
Xabaalihii uga qufteen?................"

Al-shabaab oo Qabuuro Burburinaya

 
Gurxan:
"Kawnaynka qiblada xigiyo
Biyooleey qabriga Aweeys
Dhammaan qolalkaad dhisteen
Luubaan qiiqle iyo foox
Durbaan qayliyo sawaxan
Balaayiyo qoob ciyaar
Waxaad qaladaad fashaan
Dabaan qabadsiinayaa
Adigu quraafaadiyoow
Maxaad qaad iyo sigaar
Xaaraanta u quudataan
Bidco ugu qaraabataan
Qabuurta u caabudaan?..............."
 
Bulxan iyo Gurxan waa laba nin oo walaalo ah oo isku aabe iyo hooyo dhalleen. Waliba, waxaa intaa u sii dheer, waa mataano isu eg oo aad moodo in makiinad lagu kala jeebay. Laakiin, isku ekaanshahoodu intaasuu ku eg yahay, waayo fikradahoodu sida habeenka iyo maalinta ayay u kala duwan yihiin. Badanaaba waa isku dab iyo baasiin, waa laba xag-jir ah oo ku kala yaala beyteriga labadiisa qotin oo marka midkood togan yahay kan kalena wuu taban yahay! Waa laba qareen oo marka mid mudiciga qareen u noqdo, kan kalena wuxuu noqdaa madaa-calayhiga qareenkiisa.
 
BULXAN:  Sida magaciisaba laga dhadhansan karo waa nin xoog iyo cod weyni hadalka ku xantoobsada. Waa aftahan ficil iyo karti badani eebe ku manaystay. Waa nin sida sog-sogta meesha uu qabsado in loo gooyo mooyaane aan dhayal looga furfuri karin. Wuxuu had iyo goor guntiga dhiisha uga dhigtaa inuu cidda ka hor timaada daad-xoorta raacsiiyo!
 
GURXAN: Isagana sida magaciisa laga dheehan karo waa nin hoos u guux badan, isla markaana ku darsaday qoonsimaad iyo weliba feejignaan dheeri ah. Waa aftahan nin karmeed ah oo beesha oo dhan caan ka ah!  Wuxuu sida walaalkii geed-ka-go'an ka dhigtay inuu tab iyo xeelad waxay doontaba haku qaadatee in cidduu maalintaa la safan yahay isku dayo inuu si waafi ah u difaaco!
 
SAMATAR: Waa oday gar yaqaan ah, waa ruug-cadaa taariikh yahan ah, waa indheer garad diintana wax ka yaqaana. Waa sabool xoolo yar oo reerkiisu qadaa-ma-dhergaan yahay. Haseyeeshee, dhawr goor oo la isku dayay in xoogaa san-dareero ah loo laabo si uu isaga irmaan-waraabsado iyaguna xagal-daacis hoosaad garta ugu helaan, waa lagu fashilmay oo sutida ayuu u qabtay. Samatar waxuu caan ku noqday eex la'aan, Alle aqoon, iyo abaarrida gartu meeshay ugu muc weyn tahay. Bulxan iyo Gurxan marka xaajadoodu ribato, ee la ibo bixin kari waayo, waxaa loo geeyaa Samatar oo ay aalaaba labadooduba ku qancaan garta uu gooyo. Samatar sida mataanaha aftahan uma aha, waloowba uu marmar iyo dhif waxoogaa tix ah oon buurnayn tuurto, haddana murtidiisa inta badan wuxuu ku soo bandhigaa kelmado tiraab caadiya ah.
 
Maanta, Bulxan iyo Gurxan doodoodu waxay salka ku haysaa xabaalihii dhawaan xarakada Al Shabaab ku burburiyeen Soomaaliya:
 
BULXAN:
Shabaab qalbi laxaamadoow
Qabriga culimadii horiye
Taalo qoyskii waalidkeen
Dadkii qarni-hore ajalay
Qalfoofkii maxaa u fagteen
Lafii maxaa u qaybsateen
Qur'aanka kuwii ina baray
Maxaad qaadicul Islaam
Qabuurii lagu asturay
Intood iilkii qodeen
Sidii dhidar qaar madow
Xabaalihii uga qufteen?
 
Qaddii kale waxaan ku irri!
 
Intaan qalin biirre-iyo
Qorista buugeed la baran
Kuwii duur qalin ka jaray
Kuwii qori loox ka dhigay
Higaada kuwii ku qoray
Qaafikiyo woowga ina baray
Maxaad qaadicul Islaam
Qabuurii lagu asturay
Intood iilkii qodeen
Sidii dhidar qaar madow
Xabaalihii uga qufteen?
 
Qaddii kale waxaan ku irri!
 
Kuwii xaqa noo qayaxay
Tawxiidkii kuwii qabtee
Qawlkii nabigeena iyo
Qur'aanka Illaaha weyn
Samaha noo qaybiyee
Sunnada qaataay na yirri
Maxaad qaadicul Islaam
Qabuurii lagu asturay
Intood iilkii qodeen
Sidii dhidar qaar madow
Xabaalihii uga qufteen?
 
GURXAN:
 
Qabriga layskama qodine
Quraafiyo iyo been-abuur
Markaad diintii qasteen
Quraanka macbuudka-iyo
Qawlkii nabi gees marteen
Ayaanu xaq qaadanoo
Burinay qaladkaad dhisteen
Adigu quraafaadiyoow
Maxaad qaad iyo sigaar
Xaaraanta u quudataan
Bidco ugu qaraabataan
Qabuurta u caabudaan?
 
Qadii kale waxaan lahaa!
 
Dadkii qarnigoodu tegey
Quraanka kuwii na baray
Wanaagood waan qunaye
Hayeeshee qarad Ibliis
Wuxuu fooxluhu qarsado
Amay fool-xumo qirtaan
Shabaab wuu qaadacaye
Adigu quraafaadiyoow
Maxaad qaad iyo sigaar
Xaaraanta u quudataan
Bidco ugu qaraabataan
Qabuurta u caabudaan?
 
Qadii kale waxaan ku irri!
 
Kawnaynka qiblada xigiyo
Biyooleey qabriga Aweeys
Dhammaan qolalkaad dhisteen
Luubaan qiiqle iyo foox
Durbaan qayliyo sawaxan
Balaayiyo qoob ciyaar
Waxaad qaladaad fashaan
Dabaan qabadsiinayaa
Adigu quraafaadiyoow
Maxaad qaad iyo sigaar
Xaaraanta u quudataan
Bidco ugu qaraabataan
Qabuurta u caabudaan?
 
SAMATAR:

Waxaa sidii caadadu ahayd la isula tegay Samatar oo fadhiya geed lebi ah hoostiisa oo uu ku waysaysanayay. Waxa loo soo bandhigay wixii dhexmaray mataanaha, markaasuu intuu yarahe hankaabsaday ku tiraabay:
 
Bulxan & Gurxanoow, aniga aragtidayda Somali nin baa iigula caadilsanaa. Ninkaasi wuxuu ahaa reer miyi. Wuxuu u gar-naqay naftiisa iyo awrkiisii. Ninkaa isaga ah, maalinbaa awrkii gurgurshaa ka dhintay, markaasuu soo qabsaday qaalin yar oo qurbac ah si uu u laylyado kadibna ugu guuro. Markuu soo fariisiyay ayuu qurbacii yaraa cabaad sii daayay; kolkaasuu ninkii isagoo cabaadka awrka ka xun una garaabaya u geeraaray  oo yirri "Adigana gartaa weeyoo, geelaagii baad u oloshaa, Anigana  gartay weeyoo gaadiidkay baad tahay"  Haatan, anigu markaan qabriga la duminayo arkana dareen baa i gala, markaan siyaarada eegana dareen kale baa igala, idinkuna laba mawqiif oo adag baad kala taagan tihiin, xaqana Illahay SW baa og, lakiin waxay aniga ila tahay:
 
1--Bulxanoow, horta diintu siyaarada qabuuraha way banaysay oo aniguba qabrigii nabiga scw oo Madiina ku yaal waan soo siyaartay, Abuu bakarna RC wuu ku garab aasan yahay, laakiin cibro qaadasho uun bay iga ahayde maan baryin inay i caawiyaan, oo iyagaaban u duceeyay. Maalin kastana ataxiyaadka ayaynu ugu duceeynaa nabiga scw. Hadaba, sida qabuuraha Soomaliya badankooda loo siyaartaa dariiqii saxda ahayd inta badan kuma taagna. SIDAA DARTEED, QABUURAHA IN DURBAAN LAGA AG TUMO MAAHA, IN LA BARAKAYSTO MAAHA, IN LA BARYAANA WAA WAA KHALAD WEYN.
 
2--Gurxanoow, Marxuumka markii la aasayay salaatul jinaasa baa lagu tukaday oo wuxuu ahaa qof muslim ah, qaladna isagu maanu galin, masaajidna nabigeenii baa scw ku dhex duugan cid dumisayna ma jirto; dadka siyaarada Soomaliya u baxaana waxay u badan yihiin haween maata ah oon cilmi badan lahayn, marka in dadka la wacdiyo oo sida haboon ee qabuuraha loo siyaarto loo bayaamiyo uun bay ahayd. SIDAA DARTEED, IN XABAAL MUSLIM LA QUFO MAAHA, LAFIHIISA BANAANKA IN LA SOO DHIGO MAAHA, MASAAJID ILLAAHNA IN LA BURBURIYAANA GURXANOOW WAA KHALAD WAYN.
 
3--Waxaan ku soo xoorinayaa, Bulxanoow khalad weyn baad hore u gasheen; Gurxanoow idinkuna khalad kaloo weyn baad kii hore ku saxdeen,  Sidaa awgeed,  labadiinaba waxaan idinku waaninayaa inaad Illaahay u toobad keentaan!
 
La soco doodaha dambe ee Bulxan iyo Gurxan iyo garnaqa Samatar.
 
Barmaamijkii MurtiSoor
Qalinkii, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Assad)
Minnesota, USA
Email: ahmedy98@yahoo.com

 

 

webmaster@ceegaag.com