shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada DGPL Axmed Cilmi Cismaan oo Maanta Jaaliyada SSC ee reer London Qado Sharaf Usameeyeen.+Sawiro

(London,   February 07,  2009 Ceegaag Online) 

Qado sharaf ay Jaaliyada SSC ee reer London u sameeyeen Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada DGPL Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Garaash).

Xaflada ugu horayntii waxa aayado quraan ah ku furay  Shiikh Siciid Sanbal, intaas kadib waxa hadlay Eng Maxamed Xaaji xaashi oo kuhadlayay magaca jaaliyada iyo waliba Nuur Xasan Falaalug.
 

Waxa kaloo isna Meesha warbixin ku saabsan dhulki kasheegay Eng Maxamuud Caydiid oo isaga dhawaan ka yimi wadankeenii Hooyo isagoo ka war bixiyay meesha ay xaaladiisu maraso.

Kadibna  Wasiir Axmed Cilmi Cismaan oo u mahad celiyay Jaaliyada SSC ee Uk sida sharafta leh ee ay u qaabileen isgoo carabka ku adkeeyay inuu hada ka dib wakhtigiisa qaaliga ah galin doono inuu u shaqeeyo umada Soomaaliyeed Gaar ahaan Puntland.

Xafladan oo ay ka muuqatay agaasim aad u heer sareeya, ayaa guul ku dhamaatay balse wali waxaa socda shirarka ay jaaliyada reer Puntland ee London kula jiraan Wasiirkooda wali la jooga.

 

Daawo Sawirada Xuquuqdoodana waxaa iska leh Boocame

 

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com