shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada DGPL Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Garaash) oo Gaadhay London

(London, February 05,  2009 Ceegaag Online) 

Daawo Sawirada xuquuqdoodana waxaa iska leh Boocame

Kadib markii uu wasiirku Kasoo Degay Heathrow internationla Airport ayaa looso Galbiyay Hotel Holiday in, Wasiirka ayaa kasoo kictimay Magaalada Boston isagoo ka duulay Logan International Airport saaka shantii subaxnimo.

Saxafada oo ku booqatay Hotelka uu ka deganyahay Magaalada London ayuu usheegay Wasiirki in uu  joogi dooni mudo 4 maalmood ah kadibna wuxuu sii mari doonaa  wadamo ay kamid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Cumaan hadii Allaha awooda lihi u ogolaado.


 

Wasiirka ayaa Sitimaanada  fooda inagu soo haya tegi doona wadankeenii Hooyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyada oo ay socoto qabanqaabada soo dhawaynta wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada DGPL Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Garaash).

Wasiirka ayaa la yeelan doona Wadahadalo si gaar ah iyo si guudba Shacabka reer Puntland ee  ku nool  wadanka Ingiriiska siiba magaalada  London.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com