shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidankan Nabad ilaalinta ee AU da oo si waxashnimo ah u laayay shacabka reer Muqdisho

(Muqdisho, February 02,  2009 Ceegaag Online) 

Kadib markii wadada Maka Almukarama ayaa sooka miino kula kacday ciidamada Afrikaanka ah ee ku sugan Caasimada Muqdisho ayay iyaguna resaas ku rideen cidkasta oo ka ag dhawayd.

Arintan ayaa ah mid ay ugu sheegayaan kaaxaha Al-shabaab in ay layn doonaan dadwaynaha Soomaaliyeed hadii ay soo weeraraan.

Nin u hadlay Qawlasatadan Afrikaanka ah ayaa shaagay "AU spokesman Bahoku Barigye says peacekeepers were responding to gunfire and he does not know whom they hit"  Waa nalasoo weerary kadibna rasaas ayaan meelwalba huwinay warna uma hayno inta qof ee aanu dilnay.

iyagoo isla goobta qudha kaga jaray 18 sideed iyo toban qof ilaa 30 sodomeeyana dhaawacay qaarna la sheegayo inay dhaawacoodii u geeryoodeen kadib markii isbataalada laga waayay daawo. dadkooduna aysanba lasocon waxa ku dhacay ehelkoodii oo ayba shaqo ugu maqnaayeen.

Ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho Cabdifataax Ibraahim Shaaweey ayaa sheegay ijn miino loo dhigay ciidamadan la kacday gaadhi ka mida gawaadhidii ay ku socdeen kadibna ay ciidamadan weerar arxandaro ah ay ku bar tilmaan sadeen Sadex gawaadhida loo yaqaan  caasiga oo dad ka buuxeen.

Talaabadan ayaan u muuqan mid Al-shabaab ka reebi doonta weerarada ay ku qaadayaan Ciidaman, waayo Al-shabaab waxa ay tiriyaan ama u yaqaanaan guuldaro inta iyaga ka dhimata balse dhimashada shacabka waxayba ka dhigtaan gaaska ay ku sii shidaan dabka ay la dul taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com