shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo ka mid ah Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo Xilalkoodii iska Casilay.

(Jabuuti, February 22,  2009 Ceegaag Online)  

Wasiiro kasoo kala jeeda Beelaha Sade iyo Tanade (Daarood) ee uu dhawaan magacaabay Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa Magaalada Jabuuti kaga dhawaaqay in ay xilalkoodii iska casileen, kadib markii ay saluugeen beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay, kadib markii uu la tashaday Beeshiisa (Sadde) ayna gebi ahaanba qaadacday xilka ay ka heleen Xukuumada ina C/rashiid.

C/waaxid Cilmi ayaa sheegay in markii uu arkay cadaalad daro iyo wada tashi uu la sameeyay Beeshiisa Sade uu go’ansaday inuu iska casilo xilka wasiirnimo ee dhawana loo magacabay.

Sidoo kale Wasiirka Jaaliyada Dibada C/llaahi Axmed Azhari oo kasoo jeeda Beesha Leelkase ayaa isna qaadacay xilkaasi, isagoona sheegay in xilkaas uu yahay mid aan jirin oo xataa howshiisa aanay aheyn mid jirta, waxaana beesha uu ka soo jeedo ee Tanada ay sheegtay inay saluugtay xillkaas.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ah mid ay garabkii Isbaheysiga Dib u xoreyntu ka macaasheen madaama 18-ka wasaaradood ee muhiimka ah ay iyagu isku koobeen taas oo muujineysa soo xulista Golaha Wasiirada uusan umadax banaaneen Cumar C/rashiid iyadoo umuuqata mid loo yeedhiyay...

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com