shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Go'aan ay shalay soo saareen Golaha wakiiladda.

(Hargeysa,  August 12,  2009 Ceegaag Online)

Xuseen axmed ducaale oo ah ku simaha wasiiru Dawlaha madaxtooyadda somaliland ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Hargeysa kagana hadlay Go'aamo dhawr ah oo shalay ay soo saareen Golaha wakiiladda ee somaliland kuwaasi oo sheegayay inaan doorashadda somaliland lagu galayn Diiwaan gelin la'aan iyadoo Golaha wakiiladu ugu baaqeen Xukuumadda Madaxweyne Riyaale inay tixgaliyaan Shuruucda Dastuuriga ah.
 
Xuseen axmed Ducaale ayaa sheegay in diwaangelinta codadka Doorashoyinka ay ku dhawaaqi karto oo kaliya Commisonka Doorashooyinka Golaha wakiiladana meelay ka soo galaan aanay jirin isagoo sheegay in golaha wakiiladu marka gudigu ku dhawaaqo ay ansixiyaan markii mid xilka laga qaadona ay ansixiyaan waxaana uu sheegay in Diwaangelinta aanay faragelin karin Golaha wakiiladda wixii sharciyana ay aqoonsantahay Somaliland basle wixii sharci aan ahayn ee ay wakiiladu go'aamiyaan aanay fulinayn Xukuumadu waxaana uu daboolka ka qaaday Ku simaha wasiiru dawlaha Madaxtooyadda Somaliland Xuseen axmed duucaale in wixii xeerku siiyay ay ku dhaqmayaan balse aanay Marnaba aqoonsanayn Go'aankii shalay ay soo saareen Golaha wakiiladda somaliland oo buuq badan ka dhaliyay xildhibaanadda taasi oo kaliftay in koramkii ku buuxsamo 39 Xildhibaan.
 
Xuseen waxaa uu sheegay in isagoo ka wakiil ah madaxweynaha aanay fulinayn Go'aamadi sharci daradda ahaa waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Goluhu marka hore xeer buu soo saara xeerkaasi process buu maraa wuxuuna maraa Golaha guurtida Dabadeedna Madaxtooyada ayaa uu yimaada markaasu madaxweynuhu saxiixa marka xeerku processkaasu maraa meelay ku qorantahay ma jirto inay xukuumadu fuliso awooday u leeyihin wakiiladuna ma jirto".
 
Masuulkani ku hadlayay magaca Madaxtooyada Somaliland waxaa uu gabagabadi sheegay inuu ugu baaqayo labadda xisbi ee mucaaridka ah inay isu osoo taagaan Doorashadda 27 September waxaana uu meesha ka saaray inay hakanayso doorashadu haddi xisbiyada mucaaradku aanay ka qaybgelin isagoo tusaale usoo qaatay wadamo badan oo deriska ah.
 
Isku soo wadda duubo ma aha markii ugu horaysay ee muranka Somaliland cirka isku sii shareero balse muranka Doorashada somaliland ayaa soo taxnaa tan iyo Intii xukuumadda Madaxweyne riyaale xukunka loo kordhiyay Dabayaaqadi Bishii March .
 
GO'AANKII SHALAY AY SOO SAAREEN GOLAHA WAKIILADDA EE
SOMALILAND.
 

1- In Go’aanka Guddida doorashooyinka qaranku ku jideeyeen doorasho bilaa diiwaan gelin ah kana maarmeen natiijadii ka soo baxay diiwaan gelintii codbixiyeyaashu yihiin yahay mid aan sharci ahayn kana baxsan awoodaha Guddida doorashooyinka qaranka.

2- In Guddida doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, sida ugu dhakhsaha badan uga noqdaan go’aankaasi, kuna dhaqmaan xeerarka doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyada iyo Xeerka Diiwaan gelinta.

3- In Golaha Wakiilada Somaliland isagoo xilkiisa dastuuriga ah gudanaya qaado tallaabooyin dastuurku u jideeyay, haddii aan Madaxweynaha iyo Guddida doorashooyinku aanay ku dhaqmin Go’aanka golaha ka soo baxay.

4-In Xukuumada Somaliland ka fogaato tallaabo kasta oo xumayn karta xidhiidha beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland kuna dedaasho wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka si aanay u dhaawacmin rajada ictiraafka Somaliland iyo kaalmada kooban ee ay ka hesho beesha caalamka."

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com