shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland oo soo gabagebaysay Barnaamij lagu midaynayo Manaahijta Dugsiyadda Sare.

(Garoowe,  August 15,  2009 Ceegaag Online)

Wasaaradda waxbarashadda P/land ayaa soo gabagebaysay Barnaamij lagu midaynayo Manaahijta Dugsiyadda Sare ee Puntland waxaana Barnaamijkani uu ahaa kulan soconayay 7 maalmood oo aad looga munaaqashoonayay habka ugu haboon ee loo midayn karo manhajka Dugsiyadda Sare ee Puntland iyadoo loo sameeyay xaflad lagu soo gabagebaynayo Dhamaystirka Barnaamijka lagu midaynayo Manaahijta Dugsiyadda sare ee Puntland waxaana xafladaasi ka dhacday xarunta wasaaradda waxbarashadda iyadoo ay ka soo qaybgalay Masuuliyiin aad u farabadan oo ka socota Ha'adaha caalamiga ah ee waxbarashadda sida AET (Africa Education Trust) iyo Masuuliyiinta wasaradda waxbarashadda ee Puntland oo uu ugu horeeyo wasiirka waxbarashadda Cabdi faarax juxaa.

Xafladani loo qabtay gabagebaynta Barnaamijka lagu midaynayay manaahijta Dugsiyadda sare ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u farabadan waxaana ka mid ahaa Dr Cali C/laahi oo ah Agaasimaha Madaxa Tacliinta sare ee Puntland, Dr ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay maanta Puntland yeelato hal Manhaj oo mideysan ayna ku mideysan yihiin dhamaan Dugisyada Sare ee Puntland.
Sidoo kale waxaa isna halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey Agaasimaha Waaxda tababarada Siciid Faarax Sanweyne oo amaan balaaran u soo jeediyey dhamaan ka soo qeyb galayaasha Xafladaan,Masuul sare oo ka socday Hay’adda AET Cabdi Xakiin C/laahi oo ah Hay’addii fanka bixineysay inta uu socday Kulanka midaynta Manaahijta Dugsiyadda sare ayaa isna waxa uu amaan gaar ah u jeediyey Masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada Puntland sida ay u doonayaan inay mideeyaan Manaahijta waxbarasho ee Dugsiyadda sare.
 
Agaasimaah Maamulka iyo Shaqaalaha oo isna sheegay in intii la waday shaqaadaan ah Mideynta Manhajyada Dugsiyada sare aysan habeen iyo maalin sexan taasina ay ku tusayso in Wasaaraddu xooga saartay sidii looga miro dhain lahaa Mideynta Manhajyada Dugsiyada Sare ee Puntland.
 
Dhanka kale waxa halkaas ka hadlay Garaad C/laahi Cali Ciid oo ku dalayey Magaca Isimada Puntland isaga oo sheegay in ay dhamaam isimada Puntland ay aad ugu riyaaqeen in Maamulka Puntland uu dar dar xoogle galiyey dhanka waxbarashada loona magaacaabay nin aqoon u leh, Garaadka oo sheegay in dugsiyadu ay leeyihiin Magacyo carbeed wuxuuna sheegay in asan xumeyn balse loo baahan yahay in loo bixiyo magacyo soomaliya oo Taariikhda salka ku haya.
Gabagabadi Munaasabadda lagu soo afmeerayay Manaahijta Dugsiyadda sare waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Puntland Cabdi faarax juxaa oo amaan iyo Bogaadin halkaasi uga jeediyay dadkii isku hawlay ka qaybgalka barnaamijka Lagu midaynayay Manaahijta Dugsiyadda sare isagoo hoosta ka xariiqay in helitaanka Manaahij midaysan ay tahay mid keeni karta Ictiraaf guud oo loo helo ardayda ka qalinjabisa Dugsiyadda sare si shahaadadu ugu meel marto taasina buu yiri ay wax weyn ka tari karta Hanaanka tayaynta waxbarashadda Puntland iyo kor u qaadida Heerka waxbarasho oo maanta ka jira Puntland waxaana wasiirku hadalkiisa raaciyay in 2009-2010 ay Dugsiyada Sare Puntland ay ka bixi doonaan hal Manhaj oo Midysan, Wasiirka oo warbixin kooban ka bixiyey Imtixaamaadkii sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay in ardaydii gashay ay aad u hooseeyeen ayna halkaas ku tusayso in waxbarashadeenu aad u hoseyso.
 
Marka la isku soo xooriyo Haddi lagu guulaysto Helitaan manhaj midaysan oo ka dhaqangala Dugsiyada Puntland(Secondary Education) waxaa meesha ka dhacaysa iskhilaafka Ardayda dugsiyadda oo iyagu wax ku kala barta Maadooyin kala Gedisan Tusaale Dugsiyadda qaarkood waa (Arabic Education) halka qaar kalena yihiin (English Department) taasi oo aan suurta gelinayn hal wadiiqo oo waxbarasho oo ka hirgasha Puntland.

Daawo Sawirada

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com