shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland oo la kulantay Arday ka soo qalinjabisay Jaamacadda Camuud ee Boorame.

(Garoowe.  August 04,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda waxbarashadda ee Magaaladda Garoowe xaflad balaaran oo lagula kulmayay Arday tiradoodu gaarayso 28 arday oo reer Puntland ah kuwaasi oo ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Camuud ee Magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal waxana haween ka ahaa 4 Gabdhood iyadoo Kulankani ay soo qabanqaabisay Wasaradda Waxbarashaduna uu goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashadda Puntland cabdi faarax juxaa,W/ku xigeenka iyo Agaasimayasha wasaaradda waxbarashadda ee Puntland.
Ardaydani ka soo qalinjabisay Jaamacadda Camuud ayaa waxay ku soo takhasusen kuliyado dhawr ah sida(Education Faculty,Bussines) iyo kuliyado kale iyagoo waxayna jaamacadda Camuud (Amud University) Dhiganayen muddo labbo sano ah iyadoo kulankani ku aadana sidii lo tayaynlahaa waxbarida jiilka so koraya ee mustaqbalka waxaana la iswaydaarsaday talooyin muhiim u ah waxbarashadda reer Puntland.

Ardaydani qaarkood ayaa la doonayaa inay wax ka dhigaan Dugsiyada waxbrasho ee ku yaalla maamul goboleedka Puntland, maadaama dhawaan la mideeyay manhajyada waxbarasho ee dugsiyada Puntland.Agaasimaha Waaxda Tababarada DGPL Siciid San-weyne ayaa ku sheegay tirada ardayda waxkabarta dugsiyada sare 8,000-arday, halka uu sheegay in dugsiyada hoose iyo dhexe ay dhigtaan 10,000-arday, isagoo intaa raaciyay inay wax ka dhigaan macallimiin gaaraya 70 oo horay uga soo qalin jabiyay Jaamacadd Camuud.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda ee Maamul Goboleedka Puntland Cabdi faarax juxaa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay Aqoonyahano noocaan oo kale ah ay ka soo baxaan Jaamacadaha kala duwan sida kuwa dalka iyo Dibada ayan dalka dib ugu soo laabtaan, Wasiirka ayaa waxaa uu ku dhiiri galiyey Malimiinta in ay kor u qaadaan Schoolada ay tagayaan maadaama ay yihiin Macalimin Da'doodu yaryar tahay.
Isku soo wadda duubo arday farabadan oo aqoonyahano ah ayaa ka soo qalinjabiyay Jaamacada Camuud oo lafdhabar u ah waxbarashadda jaamacadaha Somalia isla markaana ka hawlgala Deegaanadda Puntland iyadoo wasaaradda waxbarashadda ee Puntland ay waxqabadyo muuqda iyo tayayn siiso xarumaha waxbarashada iyo dadka wax ka bartaba.
 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com