shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War Murtiyeed ay soo saareen Aqoonyahanada Jaaliyada Reer Puntland ee Edmonton, Alberta, Canada

(Edmonton,  August 22,  2009 Ceegaag Online)

Kadib kulan dheer oo ay isugu yimaadeen waxgaradka jaaliyada reer Puntland ee ku nool Edmonton, Alberta, Cananda, kulankaas oo looga hadlayay arimaha nabadgalyo ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, Waxaa jaaliyadu go'aansatay arimaha hoos ku qoran:
 
1.  In Dowlada loogu hambalyeeyo qaabkii wanaagsanaa ee ay u maamushay dhacadadii u danbaysay ee uu ku dhintay Marxuum Warsame Abdi Shirwac (Wasiirkii hore ee Warfaafinta) taas oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug.
 
2. In Dowladu ahaato haykalka kaliya ee howshaan looga danbeeyo.
 
3. In Dowladu Caddaalada horkeentyo dhamaan cidii raad ku yeelata dhacdadaas tiraanyada lahayd.
 
4. In dhamaan waxgaradka, Issimada, culumaa'udiinka,ganacsata, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu la shaqeeyaan, kagana danbeeyaan waxka qabashada howshaan Dowlada Puntland.
 
5. In dowladu maamul tayo leh oo sharciga Dowlada Puntland u hoogaasan, haystana kalsoonida shacabka Gobolka Mudug loo sameeyo.
 
6. In Dowladu culays gaar ah siisiyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo oo ahmiyad gaar ah leh.
 
7. In Dowladu culays wayn saarto kuna guulaysato dhamaan qodobada sare waxii awoodeeda ah, taas oo noqonaysa tusaale fiican oo waxqabadkeeda ka turjumaysa, kasbanaysana kalsoonida shacabka.
 
8.  In aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta qurba joogta Puntland, ay waraysiyo kala duwan oo joogta ah la soo sameeyaaan warbaahinta ka jirta dalka gudihiisa, iyadoo culayska la saarayo wacyi galinta iyo muhiimada ay leedahay nabadgalyadu, taas ah oo astaanta horumarineed ee bulsho gaarto.

Gunaanadkii waxaa waxgaradka  jaaliyada Puntland ee Edmonton, Alberta, Canada,  isku raaceen in amaan iyo bogaadin mudan yahiin golayaasha Dowlada iyo Baarlamaanka oo aan u kala harin xalinta dhacdaas ku cusub Gobolada Puntland, waxayna kalsooni waafi ah siiyeen sida ay Golayaasha Dowladu u hanteen dhacdadaas oo la oran karo waxay ku ahayd tijaabo hoogaamineed oo hortimid.
 
Mahadsanidin

Waxgaradka Jaaliyada Puntland ee Edmonton, Alberta, Canada

 "UNITED WE STAND, DIVIDED WE FALL!"

"Our lives begin to end the day we become silent about things that matters”  Martin Luther King 

Great discoveries and improvements invariably involve the cooperation of many minds.”                Alexander Graham Bell

webmaster@ceegaag.com