shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wakiiladda Somaliland oo sheegay in xaruntoodi lala wareegay iyo Maamulka oo ka jawaabay.

           (Hargeysa,  August 30,  2009 Ceegaag Online)

Maalinimadi shalay ahayd ayay ahayd markii Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Maamulka Somaliland C/raxmaan maxamed cabdulahi sheegay in Golaha ay la wareegeen ciidamadda Amaanka isagoo ku eedeyay inaysan fulin amar lix mudane lagaga mamnuucay in ay ka qayb galaan fadhiyadda golaha mudo saddex cisho ah iyadoo Hadalkan ka soo yeeray C/raxmaan maxamed cabdulahi  Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda yimi xili fadhi ay laahayen shalay Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland iyadoo madashi shalay ay ka soo qaybgaleen xildhibaano tiro ahaan gaaraya 53xildhibaan iyadoo 82xildhibaan ay ka koobanyihiin mudanayasha Baarlamaanka Maamulka Somaliland.

C/raxmaan  ayaa hoosta ka xariiqay in lixdaasi mudane lagu anshax mariyay saddex fadhi in laga saaro Golaha iyadoo xildhibaanadasi si cad ugu gacansayren inay ka baxaan Golaha waxaana degdeg fadhigii shalay usoo xiray Gudoomiyaha Wakiilada.

Cabashadda Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland ayaa uu ku daray in Taliyaha Ciidamadda Bilaysku u sheegay Mudanayasha in ay qabaan amar ka sareeya inaan lixdaasi mudane fadhiga laga saarin.

Arrintasi ay wakiiladu soo gudbiyeen ayaa muran iyo buuq dhalisay waxaana ka hadlay Golaha fulinta(Xukuumadda) iyadoo  Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland c/laahi Ismaacil cirro   maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa   isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo Bileys ah qabsadeen golaha balse waxa uu tibaaxay in ciidamadda ay ujeedadoodu ahayd inay Ilaaliyaan Fadhiga Golaha.

Wasiirka oo tixraacayay Hadalka Gudoonka Wakiiladda Somaliland ayaa yiri”Waxaan manta ka hadlayaa waa waxa shalay ka so yeeray C/raxmaan Gudoomiyaha Golaha wakiiladda oo ahaa in Golaha la qabsaday waxaan leeyahay horta sugida amaanka Wasaaradayada ayaa iska leh waxaana Umada u shegayaa in ciidankii hore ee meesha joogay iyo kana an manta u dirnay aanu jirin farqi u dhexeeya waana isla halkii ee wax kale oo dhibaato ah ma jiraan cid dawladda ah oo golahaasi handadayna ma jirto”.

Cirro waxaa uu ku adkaystay in ay lagama maarmaan ahayd in ciidamo xoojin ah loo diro goobta shirka wakiiladu ka dhacayeeyn iyadoo marka la isku soo xoriyo xaaladaha hada ka soo ifbaxaya Maamulka Somaliland u muuqdaan  kuwo qayb ka noqon kara Muran siyaasadeedka cirka isku shareeray ee ka taagan Somaliland.                               

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com