shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Socdaalkii Clinton ee Qaaradda Africa (Faalo).

(Q.Afrika,  August 10,  2009 Ceegaag Online)

Xoghayaha arrimaha Dibadda ee wadanka Maraykanka Haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton waxay socdaal ku maraysaa wadamo badan oo ku yaala Qaaradda Africa taasi oo qayb ka ah Ahmiyadda Dawladda washintong siinayso Africa waxaana Xoghaye arrimo dibadeedka Maraykanku ka soo degmay Magaaladda Nairobi ee wadanka Kenya Galabnimadi Arbacadda ahayd ee la soo dhaafay iyado magaalada Nairobi kula kulantahay Madaxdda wadamadda Somalia iyo Keynya waxayna la kulantay Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki iyadoo sidoo kale la kulantahay qaar ka mida Wasiiradda Kenya si ay ugala hadasho xiriirka cusub ee Maamulka Madaxweyne Obama kula macaamilayo Wadamadda ku yaala Qaaradda Africa iyadoo sidoo kale ahmiyadda Geeska africa ay ugu horaysay Arrimaha somalia oo bog sare ka galay siyaasadda Caalamkii markii ay xoogeysteen Dagaal diimeedyadda salka ku haya Al-Qaida ee ka soconaya Somalia taasi oo Clinton kala kulantay Madaxweynaha Somalia sharif sheikh ahmed taasi oo ka dhigaysay in Dawladda Maraykanku Taageero Hub ah siinayso somalia si loo wiiqo awooda Xagjiriinta.

Hillary Clinton Xoghaye arimo dibadeedka Maraykanka ayaa sidoo kale u kicitantay wadamo ay ka mid tahay Angola waxaana xusid mudan in socdaalka Clinton ku taxaluqo wadamadda Kenya, South Africa, Angola, Democratic Republic of Congo, Nigeria, Liberia and Cape Verde oo dhamaantod ku yaala Qaaradda africa si ay ugala xaajooto arrimaha siyaasadda,Dhaqaalaha iyo xirirka Ganacsi ee wadamadda Maraykanka iyo Africa.
Tusaale haddi aan u soo qaadano socdaalkii Clinton ee South africa iyo Angola wuxuu ahaa mid diiradda lagu saarayay Ganacsiga iyo siyaasadda waxaana Clinton la kulantay Madaxweynaha South africa Jacob Zuma waxaana ay aad uga dooden xaalada wadanka Deriska la ah ee Zimbabwe oo ay sheegtay Hillary clinton in wadankasi ay hareeyen Musuqmaasuq siyaasaded oo ku qotoma Madaxda wadankaasi Zimbabwe iyadoo eedayn dusha uga tuurtay Xisbiga Zanu B.F ee uu hogaamiyo madaxweynaha Taladda Zimbabwe haya Robert Mogabi iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhoofinta Saliida ee Wadamadda Africa iyo Maraykanka.

Maalintii axadda ahayd ayaa Hillary clinton tagtay Magaaladda LUANDA ee caasimadda Angola iyadoo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Assunção dos Anjos iyo Madaxweynaha sidoo kale waxay la kulantay Wasiirka saliida ee wadankaasi Angola iyadoo muhiimada Booqashadda Angola ahayd xiriirka Dhoofinta Saliida ee Angola oo ah wadan hodon ku ah Saliida Ceyriin iyadoo wadanka Angola xiriir ganacsi la leeyahay Shiinaha taasi oo qayb ka ah hardanka Dhaqaalaha ee reer galbeedka iyo Shiinaha kuna qotoma wadamadda Africa iyadoo Clinton ku amaantay Angola inay tahay Goob nabad buuxda taalo balse ay jiraan bay tiri dulduleelo xaga Xuquuqda aadanaha ah waxaan ku sookoobaynaa socdaalka Clinton ee Angola Ar'ada ah the Oil money has cleaved Angolan society into the haves and have-nots Gabagabadi safarka Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton waxay maanta soo gabagebeynaysaa safarka ay ku joogto Angola iyadoo usii kicitimaysa Dhankaa iyo Jamhuuriyadda Dimuqradiga Kongo waxayna la kulmaysa Madaxweyne Joseph Kabilla iyadoo kala hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha iyo kufsiga Sharci daradda ah.

Hadaba waa sidee xiriirka Ganacsi ee Maraykanka iyo Wadamadda saxaraha ka hooseeya(Africa).

1-Xiriirka Ganacsiga ee wadamadda saxaraha ka hooseya ee Africa iyo Maraykanka waxaana ugu wayn dhoofinta waxsoosaarka Saliida ee wadamadda ka hooseeya saxaraha Africa iyadoo 1% waxsoo saarka dhoofinta wadamadda afirca ka tahay waxyaalaha soo gala 3% marka la isbarbardhigo badeecad isdhaafsiga Maraykanka iyo Africa.

2-Qiimaha shidaalka iyo saliida cayriin ee wadamadda ka hooseya waxaa ay ka helaan marka maraykanku qaadanayo 28% marka la eego sanadkii 2008 waxaana qiimaha lacageed noqonaysaa $86 billion taasi oo ka dhigaysa Qiimo siyaadka lacagaha adag ee ka soo gala Wadamadda Africanka ah Dhoofinta saliida taasi oo kicisay Hamiga shirkado badan oo Maalgashi oo Maraykan ah.3

3-Saliida africa laga dhoofiyo Qiime waxay ku fahidaa gaaraya 80% ama $71.2 billion oo maraykanka ka soo gala wadamadda saxaraha ka hooseya qiyaasti sanadki hore sidoo kale Maraykanku waxaa uu ka helaa dhaqaalaha africa(badeecadaha africa uga yimaada-Imports) ku dhawaad $3 billion oo macdanta loo yaqaan Platinum ah $2 billion oo macdanta autos ah iyo $1.6 billion oo diamonds ah $1.3 billion oo Iron ah iyo Birta nooceeda loo yaqaan Steel oo ku jirta dalal hodon ku ah macdanta oo ku yaala Wadamadda africanka ee saxaraha ka hooseeya.

4-Dawlada Maraykanka ayaa sidoo kale u dhoofisa wadamadda saxaraha ka hooseeya qiyaasti sanadkii hore ee 2008 $2.2 billion matooradda Gaadiidka,oo ay la socdaan,Qamadida miraha saliida iyo Qalabka casriga ee mashiinadda ku shaqeeya.

5-Gabagabadi Tacabka beeraha ayaa ugu sareeya Xiriiradda Ganacsi ee wadamadda Africa iyo Maraykanka iyadoo miraha ay yihiin kuwa laga sameeyo xariirta iyo Suufka oo wadamo dhaqaalohodu soo korayan Isticmaalan sida Brazil,India iyo Shiinaha iyadoosuuqyadda waaweyn ee maraykankana aad ugu furanyihiin kuwa wadamadasi marka laga hadlayo tacabka beeraha iyo Warshadaynta Casriga ah iyadoo wadamo ay ka mid yihiin Congo, Gabon, Madagascar, Malawi, Mauritius, Mozambique, South Africa, Swaziland, and Zimbabwe ay yihiin wadamo hodon ku ah Soo saarka Sonkorta.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com