shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta banaanka) oo lagu dilay Gaalkacyo.

(Gaalkacyo,  August 05,  2009 Ceegaag Online)

Alla ha u naxariiste waxaa maanta lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wasiirki warfaafinta Puntland warsame cabdi shirwac (Seefta banaanka) waxaana dilka wasiirka ka dambeeyay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn iyadoo ragi dilka gaystayna ay baxsadeen waxaana wasiirka lagu dilay afaafka hore ee Bar Federation oo ku yaala Bartamaha Magaaladda iyadoo rasaasti ay dableydu ku fureen uu u dhintay wasiirku dilka markii u dhacay ka dib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo booliis ah oo aad u farabadan isla markaasna hakiyay dhaqdhaqaqi goobta.

Warsame cabdi shirwac(Seeftabanaanka) ayaa dadweynaha reer Puntland xusuustoda ku dheehan isagoo aha nin cod kar ah isla markaana ka mid noqday golaha wasiiradda aasaaski xukuumadda uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole waxaana wasiirku u joogay magaaladda gaalkacyo hawlo nabadayn ah isago ka mid ahaa Guddi madaxweynaha Puntland u magacaabay xalinta Amaanka Gaalkacyo waxaana wafdigaasi ku sugnaayen Magaaladda Gaalkacyo ku dhawaad hal bil waxaana qorshuhu ahaa in madaxweyne faroole tago Gaalkacyo si halkaasi xogtii la ururiyay Go'aamo looga saaro.

Waa wasiirki ugu horeeyay oo ka tirsan xukuumadda Puntland oo dil noocaani  loo gaysto tan iyo markii dhidibadda loo tagay Maamul goboleedka Puntland 1998 waxaana falka lagu dilay Wasiirka aad uga xumaaday Shacabka iyo xukuumadda Puntland.

Isku soo wadda duubo dilka wasiirka oo ah mid aad looga naxay ayaa hadana waxaa muuqata in magaaladda gaalkacyo uu amnigedi faraha ka baxay iyadoo magaaladu tahay goob wayn oo ay deganyihiin dad aan isku isir ahayn taasi oo ka dhigtay Magaaladda meel furin ah oo amniged aan la isku halayn karin iyadoo magaaladda ay dhexyaacayaan kumanaan ciidamo ah oo iska u soco ah balse dhawaantan ayay ahayd markii xukuumadda Puntland ay ku dhawaaqday in la dhimay tiradda ciidmada Gobolka Mudug.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com