shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saraakiisha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed oo ku shiray Muqdisho.

           (Muqdisho,  August 30,  2009 Ceegaag Online) 

Saraakiisha Ciidmadda Booliiska Soomaaliyeed ayaa shirk u qabtay Magaaladda Muqdisho waxaaana shirkooda goob joog ka ahaa 150 sarkaal oo ka tirsan Ciidamadda Bileska DFKMG ah ee Somalia iyadoo shirka Saraakiisha ka soo qaybgashay ay mid ahaayen Taliyaha Ciidamadda Booliiska Soomaliyeed Gen:Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid iyo taliye xigeenka Gen:Maxamed Cabdi john sidookale waxaa ka soo qaybgalay shirka Saraakiisha Ciidamadda Bileyska DFKMG ah ee Somalia Gen:Bashiir jaamac warsame(Gobe) oo ah madaxa xiriirka caalamiga ah iyo tababararadda Booliiska isagoo la shaqeeya ha’adda Booliiska Caalamiga ah ee Interpol.

Muhiimadda Shirka ay isugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamadda Booliiska DFKMG ah ee Somalia ayaa ahayd sidii loo tayayn lahaa Ciidamadda Booliiska isla markaasna loogu dhamaystiri lahaa Agabkii ay ku hawlgali lahaayen sida,Hubka,Darayska ciidamada iyo Qalabka loogu talagalay sugida amaanka.

Waxaana Madasha ka hadlay saraakiisha Ciidmadda Booliisk DFKMG ah ee Somalia waxaana ka mid ahaa Taliyaha Ciidamadda Booliiska DFKMG ah ee Somalia Cabdi qaybdiid isaga oo shegay in ay dalka soo gaareen ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM oo qayb ka noqon doona Ciidamadda Nabad ilaalined isagoo faahfaahiyay   dharka ciidanka Boooliiska  ka uu qaadan doono wuxuuna husay in uu jiro amar ay bixisay xukuumada KMG somaliyeed sida ciidank aBooliisku  ka in uu la muuqaal noqdo ciidamada Booliiska  ee wadamada Gobolka ee bariga iyo bartamaha Africa maadaama uu ciidankaPolice  ka somaliyeed uu xubin ka yahay ciidanka bolice ka gobolka ee loo yaqaan yasko ( ururka taliyayaasha ciidamada bolice ka ee Gobolka geeska Africa iyadoo dharku yahay in shaar blue ah ,koofiyad madow iyo surwaal madow waxaana la socon doono tai iyo jaakad uu leeyahay sarkaal kasta marka uu xaflad ka qeyb galayo.

Gaashaanle sare Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid oo hadalkiisa sii wata ayaa  sheegay in tababarka la siinayo ciidamada Boliiska uu yahay mid ka dhacaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa isagoona tilmaamay in tababarka lagu siinayo ciidamada Boliiska gudaha dalka ay gacan weyn ka geysanayaan saraakiisha Boliiska iyo ciidamo Boliis ah oo ka socda AMISOM oo dhawaan lagu soo biiriyay kuwa jooga Soomaaliya.

Isku soo wadda duubo shirkani ayaa ah mid ku soo aadaya xili Magaaladda Muqdisho in badan oo ka mida aanay DFKMG ah gacanta ku hayn iyadoo badi bartamaha iyo koonfurta Somalia talis u tahay Xoogaga ka soo horjeeda ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam.     

                                

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com