shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safarka Madaxweynaha Somalia ee Wadamadda Khaliijka.

           (Doha,  August 29,  2009 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha DFKMG ah ee Somalia Sharif sheikh axmed iyo wafdi ka tirsan Golaha wasiiradda ayaa socdaal ku maraya wadamo ku yaala Khaliijka sida Qadar waxaana safarkan uu madaxweyne sharif ku yimi Qadar yahay mid uga bilaabmay wadamo ku yaalla khaliijka iyadoo la filayo inuu tago wadamo ay mid yihiin,Bahreyn iyo Urdun.

Markii wafdiga madaxweynaha ay imanayen Magaaladda Doha Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Sheekh Xamdi Bin Thaamir Aala Thani, Gudoomiyaha Mu’asasadda Warfaafinta Qadar, Safiirka DKMG ah u jooga Qadar Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Xubno kale.

Sheekh Shariif iyo Wafdigiisa ayaa Qasriga "Al-Wajbah" kulan kula qaatay Amiirka Dalka Qadar Sheekh Xamdi Bin Khaliifa Aala Thani, Sheekh Xamdi Bin Jaasim Jabar Bin Thaanii Ra’isul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Qadar, iyo Sheekh Xamdi Bin Thaamir Aala Thani, Gudoomiyaha Mu’asasadda Warfaafinta Qadar.

Sidoo kale, kulankaasi waxaa Goob joog ka ahaa Gabadha lagu magacaabo Hindo Binti Xamdi Bin Khaliifah Aala Thani oo ah Maamulaha Xafiirka Amiirka Qadar, Sayid Sacdi Bin Maxamed Al-ramiixi Xoghayaha Amiirka, Sayid C/lla Bin Ciid Al-Saliidiyi Maamulaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Qadar iyo Safiir Ibraahim C/casiis Al-sahlaawi Maamulaha Arimaha Carabta ee Wasaaradda Arimaha Dibadda.

                                     

Marka aan eegno Dhanka DKMG ah waxaa kulankaasi Goob joog ka ahaa C/raxmaan Jaamac C/llaahi Wasiirka Warshadaha, Cali Jaamac Jangali Wasiirka Arimaha Dibadda, Xassan Macallin Maxamuud iyo Safiirka DKMG ah u fadhiya Qadar Ismaaciil Qaasim Naaji.

Labadda Dhinac waxay ka wada hadleen sida lagu faafiyay Wakaaladda Wararka Qadar xiriirka labada Dal, waxyaabihii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay Saaxadda Carabta iyo Midda Dowliga ah.

Marka la isku soo xooriyo Safarka shariifka ee wadamadda Khaliijka ayaa u muuqda mid ay dawladaha Carbeed kaga hadlayaan habka ugu wanaagsan oo Dawlada uu hogamiyo ula macaamili karto xoogaga Alshabaab iyo Hizbul islaam oo dagaal adag kala soo horjeeda Taliska Shariif waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha maadaama wadamo badan oo khaliijka ku yaala xoolaha somalida iibsadaan iyado wakhtiga xajkana xoolaha ugu badan khaliijka looga qaado somalia waxaana jira Qandaras Dawladda Somalia siisay shirkado khaliijka iyo sucuudiga ku yaala taasi oo xoolaha lagaga Dhoofinayo Puntland iyo Somaliland maadaama Dawladda Sucuudigu Xayiraadi ka qaaday Lo'da Somalida.

www.ceegaag.com


 

webmaster@ceegaag.com