shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saameynta uu ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo Dilkii loo gaystay Wadaadadi Tabliiqa ahaa.

(Gaalkacyo,  August 13,  2009 Ceegaag Online)

Shalay ayay ahayd markii dil fool xun loo gaystay Wadaado Tabliiq ah oo gaaraya 6 wadaad iyo Hal nin oo somali ah oo firqadda Tabliiqa la socday Dilkani lagu xasuuqay wadaada islaamka ah ee Tabliiqa ayaa si aada looga dareemay somalia taasi oo dad badani shaki ka muujiyen sababta keentay inuu dhoco dilkaani maadaama la ogsoonyahay in wadaadada Tabliiqa loo yaqaan aanay lug ku lahayn Siyaasadda Murugsan ee Somalia waxaana dilkooda loo aaneyn karaan inay ka dambeeyaan Kooxo fidnowadayaal ah oo meel kaga dhacay Diinta Islaamka.

Markii uu soo ifbaxay Dilkaani waxaa warsaxafadeed ka soo saaray Xukuumadda Puntland iyadoo shir jaraa'id oo uu qabtay Madaxweyne Faroole kaga waramay Aragtida Dilka loo gaystay wadaadada Masaakiinta ah isagoo hoosta ka xariiqay inay dilkaasi ka dambeeyen dadka ku dhaqan koonfurta Gaalkacyo halkaasi oo ay saameyn ku yeeshaan colaadaha ka soconaya Somalia oo Muqdisho xudun u tahay waxaana Madaxweyne faroole sheegay in Dilkaaasi ay cambaareynayaan ka maamul ahaan aaneyna haboonayn in dilkaan wuxuushnimo loo sii jeeto.

Balse dhankooda Maleeshiyadda Ahlu-sunah waljameeca oo ku sugan Koonfurta Gaalkacyo ayaa Iska fogeeyay Dilka Wadaadada waxayna sheegeen in dilka noocaasi oo kaleeto ah ay geystaan Alshabaab iyo Xizbul Islaam waa sida ay hadalka u dhigeene iyagoo farta ku goday in Dilkaasi ay geysteen Ciidamadda Nabadsugida Puntland(Puntland Itellegence Service) PIS kuwaasi oo bay dheheen markii wadadu ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ka qaaday Baasaboorad iyo Boorsooyinkii sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Maleeshiyadda Ahlu-Sunah.

Dhankoodana Culima'udiinta Deegaanadda Puntland ayaa Bayaan ka soo saaaray Dilka loo gaystay Culimadda Tabliiqa ah ee u dhashay Pakistan.

بسم الله الرحمن الرحيم

Faldambiyeedka foosha-xun ee saaka ka dhacay masjidka Tawfiiq ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu xasuuqay culimo ducaad ah oo u dhashay dalka aynu walaalaha nahay ee Baakistaan, falkaas waa mid aad iyo aad u xun sharci ahaan, caqli ahaan iyo dhaqan ahaanba, mana aha mid horay loogu yaqaanay bulshada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha fool-xumada u sii kordhinaya xasuuqaan waxaa ka mid ah: dadka la laayay oo ahaa culimo ducaad ah, iyaga oo ahaa dad cirroolayaal ah, iyaga oo ahaa musaafiriin marti ah, iyaga oo soo booqday dal dadkiisu wada yahay muslimiin walaalohood ah, iyaga oo lagu laayay masjid gudihiis, waliba xilli salaadeed, iyada oo aanay jirin haba yaraatee wax aano qabiil, urur iyo siyaasadeed oo loo gumaaday.

Haddaba falka sidaa u foosha-xun ee lagu la kacay walaalaha ducaadda ah wuxuu dhaawac weyn u gaysanayaa sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee muslinka ah, wuxuuna dalkeena iyo dadkeena ka siinayaa dunida muslinka fikrad iyo muuqaal fool-xun, isla markaana wuxuu daah-fur u noqonayaa teed la kala dhexdhigayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo walaalohooda muslimiinta ah.

Tan kale marka la eego sida wax u dheceen maanta ama muddadaanba wax u socdeen waxaa laga fahmi karaa in falka noocaan ah ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo iyagu dano gaar ah ka leh dalkaan, kuna adeeganaya dhuuniqaatayaal diintooda iyo sharaftooda iibsaday. Haddaba annaga oo arrimaha aan ka soo hadalnay oo dhan tixgalinayna waxaanu soo jeedinaynaa arrimahaan soo socda:

1. Waxaan ka xunahay, isla markaana cambaaraynaynaa gumaadka arxan darada ah ee culimada ducaadda ah loogu gaystay masjidka gudihiisa, iyada oo aysan jirin haba yaraatee wax ay gaysteen oo loogu marmarsoodo dilkooda.

2. Waxaan u tacsiyaynaynaa ehelada culimada la xasuuqay, dadweyanaha reer Baakistaan ee aynu walaalaha nahay iyo shacabka Soomaaliyeed oo hortooda lagu gumaaday walaalohood soo booqday.

3. Waa in bulshadu Soomaaliyeed dhammaan iska kaashato sidii dambiilayaashaas loo soo qabqaban lahaa, loona horkeeni lahaa caddaaladda, gaar ahaan maamulada iyo qabaa’ilka oo iyagu wax weyn ka qaban kara xadgudubyadaan.

4. Waa in bulshada Soomaaliyeed ka feejignaato mu’aamaradaha loo maleegayo iyo colaadaha la kala dhexdhigayo, oo hadba muuqaal hor leh loo yeelayo, sida: qabiil, siyaasad iyo diin.

5. Ugu damabayn waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu u naxariisto culimada xaqdarrada lagu laayay, ehelkooda, axbaabtooda iyo muslimiinta oo dhan-na uu ka siiyo samir iyo iimaan, muslimiintana uu ka badbaadiyo sharka mufsidiinta, annagana uusan noo qaban waxa ay faleen sufahadu… Aamiin.

Culimada saxiixday bayaanka:

1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax

2. Sh. Daahir Aw Cabdi

3. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

4. Sh. C/naasir Xaaji Axmed

5. Sh. Axmed Daahir Xasan

6. Dr. C/qaadir Maxamad Cabdullahi

7. Sh. Xasan Max’ed Ibraahin

8. Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

9. Sh. Maxamad Macallin Axmed

10. Sh. Axmed C/samad

11. Sh. Xasan Xuseen Axmed

12. Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

13. Sh. Axmed Maxamed Faarax

14. Sh. Bashiir Jaamac Kite

15. Sh. Mahad C/laahi Maxamed

16. Sh. Axmed Faarax Garaase

17. Sh. C/nuur Axmed Xirsi

18. Sheekh Faarax Siciid

19. Eng. Jaamac C/laahi Maxamad

20. Ustaad C/raxmaan Maxamad C/laahi

Boosaaso 22/08/1430 – 13/08/2009

Marka la eego falkaan lagu lagu dilay Wadaadada Pakistaaniyinta ah ayaa noqon kara mid saameyn ku yeesha Ardayda soomaaliyed ee wax ka barata Dalka Pakistan kuwaasi oo tiro ahaan Gaaraya 800 oo arday somalia ah taasina ay keeni karto colaad dhinac kasta ka bilaabata iyadoo ay dhici karto cuqubo ka dhalata dilka Wadaadada masaakiinta ah ee Tabliiqa ah ee looga bartay Wacyigelinta Diinta Islaamka mana aha Wadaadada Tabliiqu kuwo ku kooban Wadan ee waxay isaga kala gooshaan Dunida Islaamka oo dhan.

Abdirashid Maxamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com