shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saameynta Abaaraha Goboladda Sool iyo Sanaag.

(Ceegaag,  August 23,  2009 Ceegaag Online)

Abaaro aad u baahsan ayaa saameyay Gobolada Sool & Sanaag waxaana Abaarta xoogeedu ka jirtaa Dhulalka miyiga ah ee ay degaan dadka reer guuraaga ah sida uu noo xaqiijiyay Xidig Cabdi Ismaaciil oo ka mida Odayaasha deegaanka Awrboogays ee Gobolka sool abaarta ayaa waxay si aada u haysaa Dhulalka kala ah, Ceegaag  Xudun, Kulaal, Awrboogays  iyo dhulka Miyiga ee ku teedsan halkaasi oo dad xoolo dhaqato Reer miyi ah joogaan kuwaasi oo iyagu samaanki dhawaa isugu soo ururay Xoogagi laga darsay Naqii laga roobsaday Gobolka Sool balse Roob yarida ayaa waxaa Deegaanadasi usii dheer Biyo la'aan aad u baahsan oo loo aaneynayo Abaarta saameynta Balaaran ku yeelatay Gobolka Sool.

Sidoo kale Abaar taasi la mida ayaa waxay ka jirta Gobolka Sanaag si aan xog dheeraad ah uga ogaano xaaladaha Abaarta ee Gobolka Sanaag waxaan Waraysi kala yeeshay Nabadoon Axmed Xasan Garweyne oo ka mida Nabadoonadda Gobolka Sanaag oo jooga Magaaladda Ceerigaabo waxaana uu ka waramaya Dhulka Abaartu Hayso Gobolka" Runtii Abaar aan dhihi karno waa tii ugu xumayd ayaa ka jirta Goboladda Sool iyo Sanaag markaan ka so noqdo Gobolkani sanaag dhul badan bay abaartu haysaa Markaan abaaro W/bari Sanaag deegaanadda, Tumiye, Jiidali, Biyogudud,Ardaa ayay ka jirtaa hadaan u leexdo dhanka Bariga waxay ka jirtaa deegaanadda, Carmale, Xingalool sidoo kale dhankaa iyo Ceelafweyn, Yufle, Goof, Gar adag iyo Marawade ayaa ay abaarta xoogeedu ka jiraa Wakhtiga iyo samaanka ayaa aad u xun oo Biyihii Gu' ayaaba Naaqusay waxaan dhihi karnaa wakhtiba wakhti buu la saayiraa hadda tani waa mid adag ayaan dhawayd xitaa dhulal baan biyo geynay aniga iyo Nabadoono badan  sida Xudun iyo Carooley oo aan dhihi karno waaaba dhul anaga nooga daran Xaga abaarta".

Abaarta Gobolka sanaag ayaa iyadu ah mid aad u xun marka la qiimeeyo xaaladaha Biyaha ayaa ugu xun iyadoo dadku ay biyo dhaansadaan halka xoolihiina ka waraabtagaan Ceelbiyoodada ugu dhaw.

Isku soo wadda duubo Abaarta ka jirta Deegaanadaasi ayaa waxaa usii dheer Cuduro kala duwan oo ku dhaca Xoolaha Nool (Ariga,Geela, Lo'da) waxaana cuduradani Qeyb ka yihiin Abaarta ka jirta Deegaanadaasi

webmaster@ceegaag.com